Dowlada Sweden oo soo bandhigtay baaritaan ku saabsan Soomaalida Maraykanka

Maanta ayaa wasiirka Isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag waxaa loo soo bandhigay baaritaan ay dowladu amartay in lagu sameeyo qaab nololeedka iyo shaqada ee Soomaalida USA oo lala bardhigo kuwa ku nool Sweden.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool USA ay dhinaca suuqa shaqada kaga wanaagsanyihiin kuwa ku nool Sweden. Waxaa la soo bandhigay in Soomaalida ku nool maraykanka ay 50% shaqeeyaan halka kuwa Sweden ku nool ay shaqeeyaan qiyaastii 20%. Warbixinta oo uu soo ururiyay urur dowladi ah oo lagu magacaabo Ururka Mustaqbalka Sweden (Framtidskommissionen) ayaa waxaa ka qeyb qaatay borofosoorka ku xeel dheer arimaha Soomaalida ee lagu magacaabo Benny Carlsson waxna ka dhiga jaamacada Lund.

Sababta keentay in Soomaalida Maraykanku ay ka wanaagsanaadaan kuwa Sweden ayaa loo aaneeyay dhowr arimood ay ka midyihiin…

1. In Maraykanka ay isdhexgalka iyo shaqo raadinta ka qeyb qaataan ururo wadani ah oo dad Soomaali ah ay maamulaan. Ururadaas ayaa la sheegay in ay dadka ka saacidaan shaqada iyo guryaha. Halka Sweden ay hawshaas maamulaan hay’ada dowlada oo la sheegay in aysan ku wanaagsanayn arimahaan.

2. Sababta kale ayaa lagu sheegay in Soomaalida Sweden ku nool  ay kala bar  wadanka soo galeen shantii sano ee la soo dhaafay, isla markaana dadkaas 70% aysan wax soo baran ama aysan cadeyn waxbarashadooda.

3. Waxaa sidoo kale dhibaato ku ah Soomaalida luuqada iyo suuqa shaqada Sweden oo adag.

4. Benny Carlsson ayaa sidoo kale sheegay in lacagaha cayrta ee Sweden ay bixiso oo qofka ku filan noloshiisa ay sabab ka yihiin in aysan dadku ku dhiiran in ay shaqo raadsadaan. Maraykanka ayuu sheegay in cayrta la bixiyo aysan ahayn mid qofka ku filan.

Baaritaankaan dowlada Sweden ay ku samaysay Soomaalida ayaa ah mid muhiim ah. Balse dhibaatada jirta ayaa ah in aysan Sweden ka dhisnayn ururo Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadan kara isdhexgalka iyo shaqo raadinta. Ururada Soomaalida ayaa waxay qeyb ka yihiin dhibaatada isdhexgalka maadaama aysan mideysneyn. Talada warbixinta ee ah in ururada lagu wareejiyo hawsha isdhexgalka ayaan aniga aragtidayda ahayn mid socon karta. Sidee kula tahay adiga?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

23 Responses

  1. Wadani says:

    ASC waa Arin muhiim ah in laga tashado aaya umada Somaliyeed ee Ku nool Sweden balse waxey tahey su’aasha xageeba loomarayaa hadaii lamaro ururo Somali ah ama jaaliyad ah hada ku jira waa Qabiil oo ninka madaxda Jaaliyada u ah cida uu yahey lee ku badat Localkaaas Marka aniga hadii aan madax Jaaliyad u ahey oon ahey Reer Qurac waxaan reeygeyga aheen wax uma raadinaayo maxaa yeeley adiga laga yaaba inaad tahey Reer Qajaf iyo Badween iyoo keed talaal iyo reer geed hindi marka nasiibkiinaad qabtiin camla kkkkk

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. Khadija says:

    Asc, Walaal Jimcaale waa arrin wanaagsan in baaris lagu sameeyo farqiga u dhaxeeya soomaalida USA iyo tan Sweden. Afarta qodob ee lagu sababeeyay shaqa la’aanta Sweden marka laga reebo qodobka 2aad inta kale waan ku raacsanahay. Waxaana taa ku diidanahay in dadka soomaaliyeed ee USA tegay aysan ka aqoon iyo karti badneyn dadka soomaalida ah ee deggan Sweden balse ay heleen nidaam ka wanaagsan kan wadankan Sweden anniga aragtideyda marka aan is barbar dhigto Usa, Uk iyo Swden waxaa iisoo baxaysa in ay bulshada Usa iyo Uk ay kaga fiican yihiin dhinaca isdhexgalka bulsho(Integration) bulshada Sweden.
    Waxan kaloon u sababeyn karaa in shuruudaha shaqada ee Usa iyo Uk ay ka yar yihiin kuwa Sweden.
    Wadanka Usa marka ugu horeysa ee qofku tago waxaa loo diraa ESL Class (English Second Language) waxuu qofku dhigtaa 6bilood oo luqada kadibna shaqa ayuu raadsadaa.

    Waxay anniga ila tahay in dadka cayrta laga daayo oo lacagta cayrta lagu siinaayo lagu shaqaaleysiiyo si uu qofkuna u dareemo inuu yahay qof shaqeysta oo asagu is biila oo xor ah isla markaana inaan is dhinac wadnaa waxbarashada iyo shaqada si aan u helno ugu danbeynta shaqa u qalanta aqoonteena.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 21 Thumb down 0

  3. ali says:

    ASC waxay ila tahay aragti ahaan waa run waxa uu sheegay masuulkan lakiin suaasha aynu isa waydiinaynaa ayaa waxay tahay marka hore in aynu midowno ayaaa loo bahan yahay sweden imika föreninada soomalida ayaa kala jeeda oo maanta ninka isku hawla wax qabad dad uu hogaamiyo ma helayo marka waxay ila tahay kalsooni iyo isku duubni marka hore in aynu isku qqaadna ka dibna dadka wax qaban karaya ama aqoonta leh aynu ka danbayno wabilahi towfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. Dulmidiid says:

    waxan u arkaa mid kasii daran in lala doonayo cunsuriyadi horay loogu hayey soomaalida. somali hadaanahay oo wax qabsanayno inaga heshiin lahayn oo tashan lahayn mar horeba, ma qabo in somalida madaxa laysu galiyo markii dawlada martida aan unahay ku fashilantay sinaanta iyo cadaalad bulshada sweden ee somalidu ka midtahay. waxan leeyahay dawladu ha keento qorshe furfuran oo dadku ku heli karo arimaha bulshada sida waxbarashada oo somalida laga dhigto shaqo mudo dheerna wakhtiga loga lumiyo SFI iyado lagu andacoonayo dacaayad raqiisa oo ah wa jaahiliin, shaqada iyo deegaanka guryaha. dawladu wax walba way ogtahay lkin ma doonayso ayan dhihi karaa.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  5. Abdukadir Dherkenleey says:

    Waa wasiirka isdhexgalka* ma ahan socdaalka.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. warsame says:

    Iyaah ceerteena maa loosoo dhiktay , waala yareehaa aa ceertaa, sheekh baaquliyaaloow

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. abdulaahi says:

    hadaan kahadlo fikirkeenga ku aadan shaqalanaanta maxeeykudhacday wadanka iswiidhan ma ahan ina lagu mar mar sidooda luqada taasi majirto hadeeyjirto taasi mitaal waxan joogaa dagma yar dadka kunool oosomalida buqulkiiba 40 weey yaqaanaan luqada mana heeystaan shaqo mida eey helaane ugubadnaan waa6 bilood kadib laba sano mahelaan waxkale aniga waxan garanayaa ilaa 100 qof ootagay hada mareeykanka ayikoon aqoon shaqo ama luqad markiiba waxa eey kashaqa galeen inta badan sida warsha qasho digaaga iyo hilibka kale ooeey kutiraadaa doowlada kashaqeeyso kii qibrad iyo luqadyaqaanaa markiiba maxa oowraadsadaa shaqo kafiican intoowkahelayane waa siiwadaa inda badan somalida marka eeytagaan mareeykanka warshadaha aan sooxusay weysoomaraan inda badan wadankaan waxa lago leeyahay adoon heeysan leesinka 2sano makuheleeydid shaqo inta badan hurda somalida mataqaano qibrad shaqo laakin waa xamaalado xamaalkune uma baahno luqad isweedhan shaqadaaynii waaa xamaal iswedhane malahan xamaal nadaafadii ayaa leesko xujeeynayaa maheeysataa leesin maye iskabax markastaba waxa loofiirshaa qeel lagu maaweeliyo ina oowsan heleenshaqo mar aan maqlay ina laweeydiiyaay masooliyiinta iskaleh shirkadaha waaween oolayiri maxaad ugu diideen shaqada dadka soogalootiga ah ooka aqoonbadan muwaadinka asalkiiso yahay isweedhishka waxa eey kumar mar sidoodeen kan boorsadiisa waxa kujura iyo niyadeesa waan kukalsoonahay laakin ajaanibka kuma kalsoonin waxa oowkuwato boorsada taas ayaana uguwacan ina eey kashaqeeyan nadaafada iyo miqaayadaha siiba soomaalida ne waaba laga cabsadaa hadoowyahay dhalinyaro aqoon shaqo oo booxto aniga malihin keeyna lahune markoow mahelo shaqo mitaal sida fuundiga guryaha mahelaayo shaqo sida dhaqtarka hadoow lahaay huray qibrad intoow huray usoobartay mid lamid ah ayaaloodira halka mareeykankane oow 9bilkuhelaayo shaqadiisa marka yaan leeslameel dhigin labada wadan igama ahan ina aan amaanayo meel midne aan caaynayo ee dib ufiiriya wax kasta oow sheego weey jiraan qaarkood aniga xaga shaqada wadan kaan waan fiirshay inda badan cid ogolne malahay ceerta waxa jiro buqulkiiba 60 kuma qanacsano hadeey helayaan shaqo eewadankaan shaqo malahan ayaan leeyahay aniga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. luul says:

    asc asxabta dhan sweden wax walba wey ogyihiin sababta ey ku kala duwan yihiin lada wadan ee wey is indha tirayaan xaqiiqda kama hadlin hadii ey dheheen sweden ceyr dadka ku filan oo shaqo looga maarmo ayey bixisaa 2800 00 kr ayey bixiyan in uu qofku ku noolado hal bil qofku hadii uu shaqeysto waxuu heli karaa 25 000 kr cala bil mida kale qaladkoda ma sheegin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. Aden says:

    Walaahi horta waa isku day fiican lkn waxaa fiican in la ogaado Sweden iyo USA farqi intee dhan ayaa udhexeeya laftooda marka lafiirsho suuqa shaqada ,dhaqaalaha,isdhexgalka.Arinta taal Sweden maahan arin caadi ah ee waa arin gooni ah waayo Somalidu inta badan waa dad diinta ku dhagan Swedena ma rabto qof diinta kudhagan .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. Mohsen Afgooye says:

    maya saxiib urur marabno tubada ayaan jeclanay inan iska nuuqno aniga sas ayaan uarkaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  11. Mohsen Ali Mohsen says:

    scw war ninyahoo isku xishoow in aad ku qarabato magaca dadka Mohsen Afgoi ayaad kusoo qoresaa mesha kasaar ninyahoo ee magacaada kusoo gal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. abdulaahi says:

    asc dhaam somalida marka hure mid a ugaato isweedhan somaalida mataqaano qibrad buucto oomacqool ah intabadan somaalida shaqadeeda 1waa xamaali 2 nadaafad 3 noockasta ah marka halaga helo shaqada nuucaas ah cidna ma ungula ceer asigoo helayo shaqo xitaa12000 kafiican 4000 ooc eertaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  13. liban says:

    asc hadi aan ka haddlo fakirkryga swedan wali waxaa ka jiro cunsiro dadban sababto ah warshadaha waweyn qabke famil ayee isku shaqaleysin mida kale wadanka dhan waa wadan xir xiran oo aan fur furnen sabto ah iido wadanka luqadisa eey dadka ku adagtahay aya waxa lagu si daray shahado dugsi sare iyo mid dugsi hoose hadi aad intaas la imaato xitaa wali shaqa laguma sinayo oo waxa lagu leyahay praktik no samee markaad sameso kadib waxa lagu leyahay anaka kula so xirireno marka wadanka waxa iskugu darsamay cunsurimo iyo shuuci nimo iyo baqal nimo waligey ma arkin qof intuu sigaar cabo oo misne dansanayo oo jebka ku ceshenayo swedan ayan ku arkay marka aan ka tashano

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. abdulaahi says:

    asc dhamaan waan idisalaamay walaal somaaliyeed meesha mataalo ina laga hadlo cunsiriyad ama wax yaalada wadanka dhaqanka u eh ee aan kahadalno shaqada iyo dhibka naga hurdaagan ina aanshaqeeysano iyo shaqada aan kahelikarno bal aan islafiirino sida dumarka kuwooda yaqaano luqada waxa loohaayaa daagiska dad gaboowbay oofadhiistay anaan ugahay dadii aan fabadha aan luugilin sooqa ina eeytahay qof xun oon bulshada laheshiin karin raga maxad uheeysaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  15. Caaqil says:

    sc Dhamaantiin! *Horta marka hore waxaa kuhaboonaan laheyd, qolada baaritaanka sameysay ineysan is bar bar dhigin USA yo Sweden waayo hab nololeedkoodaba iskuma dhawa.
    Tusaale: Mareykan shaqooyinkooda waa: “Waan kutusineynaa ee sidan uqabo” Balse Sweden marka ugu horeysa waa inaad shaqada aad raadineysid taqaanaa oo aad aqoonsi wadataa , Mida kale USA Waxay leedahay dhul aad uweyn oo looga baahan yahay dad wax qabta balse yaan leysku mashquulinin hogaanka soomali haloo dhiibo iyo yaan loo dhiibin.

    Laakiin waxaan aad uga xumahay in Jaaliyad qabiil hebel labaxno, meeshii aan kasameysan lahayn hal jaaliyad oo matasha soomaali weyn sida umadaha kalaba.

    Wabilaahi towfiiq!

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  16. deqa says:

    wa muhiim arinkaan waana arin fiican warbixintaan lakiin cayrta swedan ayakufilan qofka haday dheheen warkasiii waxba udhiman cayr nolol ay kusilciyeen waye iyo dankubaday

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. war mooge says:

    War somalidiina idinkaanan shaqo raadsan aniga subaxii iskool ayaan aadaa 16:00 soo dhameeyaa 05:30 shaqan galaa waxaan ka soo baxaa 10:30 kadib 11:00 tareen ka xaafadeeyda aadaan raacaa 11:40 gurigeeganjogaa 12:00 na waan is tuuraa hurdo.se cml bishiina waxaan qaataa 15,000 kr oo skat ka baxsan hadana mar dhawna körkort ka qaadanaa wadankana 3 sanaan joogaa dugsi sare sanadki koowaad ii socda 20 jirna waan ahay marka somalida iyagaan shaqo rabin asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

    • lovely boy says:

      war mooge sxb waxad na tidhi waxan ischoolka soo dhameya 16:00 hada waxad tidhi waxan shaqada galaa 05:30 hada waxad tidhi waxan kasoo baxa shaqada 10:30
      11;00 waxad racda train 12:_00 waad sexata
      marka sual hadii aad tidhi school waxan soo dhameyay 16:00 shaqada aad gashid 5:30 schoolka ad tagtid maha miya mid ladhigto sacado far badan mada aad dhigatid sanadkii ugu horeeyay gymnasiamka
      marka sxb shekadadu ma garacna sxb

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. nafiso says:

    hadaan fakarkeygaaa kaa hadlooo maa hadeey noo kenn in aay dhahaaaan lacgtaa ceyrtaaa ah ayaa kuu fiilaaan yaaaaaab illhoow adigaa noo dhexeyoo kuuwaaan mexey naa siyaaaan taan kaleee maa wadmadaa UK iyo Mareykankaa meey garaaan weexeey noo wadaan Barafkaaa billaa kabooo kuu luugeey

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. Kibirjebshe says:

    waxaan ku bilaabayaa marka ugu horeyso ,waxa keenay shaqala,aanta ; waxaan dhihikarnaa waxaa jira qiimeyn la,aan arbets yifaruhu uu kaqabo dadaka soomaaliyeed asalkeekuna yahay CUNSURINIMO iyo YASID, waxaan booqanay meelo badan oo aan shaqo karaadinay anigga iyo saaxiibadey waxaana kala kulanay ( CUNSURINIMO ).
    Marka yaan meelo aan arintu jirin laga raadin ee Dowladu ha muujiso sinaan iyo cadaalad ?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. Iskawaxuqabso says:

    Asc wadanka waxa imaday 2002 ilaa hada wax shaqo ah mahelin ila hadana wa radiya intan imanin Sweden waxa ka shaqenjire sacudika waxa samenjire baburta mekanik aya ahay marka inta imaday waxe idhaheen waraqo keen inad jamacad iku sobaxday . War Sweden wa wadan cunsori ah USA magaaran wilkan Anderson wax Faida ah maso wado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. aniso says:

    Iskawaxuqabso 2 jamacadood ka bixi kartay intaa sheegtay hadii la firiyo oo 10 sano bila shaqo tahay wadanka ma iska fadhiday sory in aan ku jawaabo ma doonayn laakiin dadka niyad ha ka jabin wadanka shaqo waa taalaa waan buux ee dadka aan ka dhalanay ma doonayaan shaqo aniga ahaan waxaan wadanka daganahay 4 sano 2 bilaa sharci ahaa 2 kalen waxa barasho iyo shaqo isku wadaa hada dugsiga saraan dhameen rabaa sanadka so socdo waan shaqeeyaa malmaha caadiga ah iyo waliba sabtida iyo axad so wadanka shaqo waa buux lakaiin halmid shahayaa iswedhishka waxaan leeyahay ka daaya dadka cayrta siinaysaa taas dadka qaar handhikaab ka dhigtay iyo xoogaa cinsiri nimo aay ku hayaan somalidan waxan leeyahay war wadanka waxa ka qabsat oo ka shaqaysta oo waxa ka barta shaqo la aan waaye ha ku haynine waay talaayee anpaseya wadanka . qofkaan waxa aqoon waxaa ku filian 3 sano blus 4 jamacad ah am xirfad waxa barsho kii waxa yaqaan 2 sano blus jamacad ka kac meesha waxa la sheegayo waa runee waan ku faraxsanhaay in aan maqlo somalid uk and usa hormarkay gaareen .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Mohamed says:

    asc dhamaan anigu waxa ay ila tahay marjka hore sweden iyo america isku mid ma aha america waa wadan swden ka weyn oona ka dhaqaalo badan, tan kale swden shaqooyinka hoose waa adag yihiin sida lagu helo lakiin america waa wadan weyn oo fursadihisii badan yihiin tusale ahaan gobolka minosota wxaa ku nool soomaali gaaraysa sideetan kun markaa swden anigu ma dhahaayo shaqo ma taalo lakiin marka lkoo eego america canada iyo england weeka dhaqaalo ayrtayahy tankale wdanka khyrdaadka ayaa ku yar swden markaa waan da daalaynaa insha alaah tankale hadii aynu soomaali nahay aynu gacmaha is qabsano oonka tashano aaya heena wlaao yaal aan isku dhiiri galinno in aynu wax qabsanno wlaalo yaal waan ognahay in swden adagtahay in uu qofku siiqa shaqada soo galo laakiin wxaan do your best hadafkaaga waad gaaryasaa albaab kastana garaac hadii lagu cunsuriyadeeyo dhg ha udhigin

    asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0