Dowladda Iswiidhan oo soo bandhigtay qorshe ay kaga hortageeyso falalka amman xummo ee dalka ka jira

0

Dowladda dalkaan Iswiidhan, ayaa maanta soo bandhigeeysa qorshe ay ku dooneeyso ineey wax kaga qabato ammaan xumida iyo dilalka qorsheysan ee dalkaan mudooyinkii ugu dambeeyey ka dhacayey

Adduun lugu qiyaasay 40 malyan sanadkiiba oo dheeri ah ayaa ka mid ah qorshaha ay dowladu wax kaga qabaneeyso falal dambiyeedka Dawladda ayaa ku talo jirta inay maanta soo ban-dhigto qorshe-qarameed la xiriira ka hor-tagga dembiyada. Qorshahan ayaa waxaa sheegay wasiirka maaliyada Morgan Johansson.

Wasiirka ayaa sheegtay in qorshahan yahay mid loogaga hortagayo dhalinyarada dooneeysa ineey ka mid noqdaan kooxaha falal dambiyeedka sameeya iyo in xaafadaha ajaanibtu ku badan tahay ee walaca ka jira looga dhigi lahaa mid amaan ah.

Guddigga loogu magac darray Gudiga talada ee ka hortagga dembiyada (Brottsförebyggande rÃ¥det) ayaa  loo saray masu’uuliyad siddii howshan iskugu duwi lahaa, iyadoo dhinaca kalena maamul goboleedyadana mas’uuliyadas mid la mid ah dusha laga saaray gaar ahaan xaafadda iyo degmooyinka.

Wasiirka ayaa maqaal dheer uu ku qoray wargeyska Aftonbladet ee ka soo baxa dalkaan Iswiidhan ku sheegay in dowladiisu la dirrireeyso kooxaha falal dambiyeeda iyo asbaabaha dhaliya.  Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli toddobaadkii hore ra’iisal wasaaraha dalkaan sheegay in kooxaha falal dabiyeedka ku lug leh gacan lugu qaban doono.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here