Dukaamada ONOFF oo kacay

Dukaamada qalabka elektrooniga ee ONOFF ayaa waxaa soo wajahday qasaare weyn iyagoo maanta cadeeyay in ay keceen. Sababta ayay ku sheegeen in tartanka suuqa uu faaiido la’aan dhigay. Shirkada ayaa sheegtay in dhowr shirkadood ay la hadleen in ay heshiis galaan oo ay midoobaan balse arintaas ay soconweysay.

Dukaamada ONOFF ayaa la furay 1982 iyagoo 67 dukaan ku leh daafaha Sweden iyo dhowr dukaan oo ay ku leeyihiin wadamada Finland iyo Estonia.

Haddii aan helin qaab lagu bixiyo deymaha lagu leeyahay shirkada ayaa marka ay kacdo shirkad waxaa la wareega Hayada Kronofogden oo isku dayi doonta in ay iibiso dhamaan waxyaabaha shirkadaas ay leedahay si looga bixiyo deymaha.

Dhinaca kale dukaanka la tartama ONOFF ee lagu magacaabo Elgiganten ayaa sheegay in ay sidoo kale dareemayaan faaiido la’aanta iyo tartanka suuqa balse waxay meesha ka saareen in ay kicitaan ku dhowyihiin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. { Abuxudayfah } says:

    Waan ka Xumahay , Dukaanka Dhibaatada Qabsatay.

    ONOFF waan jeclahay , ELGIGANTEN ayaanse karhaday , oo waagii aan wadanka ku cusbaa ayay iga iibiyeen mobol halaysan. Iga celiyana waa iga diideen ciladuna dhankooda ayay ahayd .

    Oo mobilka haddii aad qof wac ama kusoo waco 2 daqiiqo gudahood ayuu telku is jaraa. Ciladii markaan u sheegayna way iga diideen celis.

    Haddase waaya arag ayaan dhankaa wax celinta iyo qaabkeeda ku noqday oo haddii Dukaanku cilad dhankooda ah ka acelin waaye waxaa jira meelo lala xariiro , ilaa haddii meeshaa xalin waydo , ARN ayay u gudbee haddii ay halkaa gaadhana dukaan SVARTA LISTAN ayaa lagu daraa , BOGGA MADOOW.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. Massago says:

    Hashiido maw rabo Onff-kort awba iii diiday waqow karoodee
    Talo soo jeedin yaan loo deyma la,aan dukaanka shiido waxaw soo jabshaa alaab muga halaga war haayo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. faysal says:

    massago sxb somaliga miyaa ku dhibayo, wax laga fahmayo majiraan qoraal kaaga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ibrahim says:

    faysal adiga somaligaaga ma dhag baa waxaa la rabaa inaad soomali oo dhan fahmi kartid… Aniga masago hadalkiisa aad ayaan u fahmay isku lahjadna ma nihin… Ee adiga ninyohow wixiii aa kasi waysay ha la ii fasiro ceeb ma ahan. Ninkaas habaar uu dukaanka habaarayo iyo talo uu dadka u soo jeediyay ayuu isku daray marka dukaanka alaabta wuu xaraashayaaye ha laga gaaro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Massago says:

    Ibrahim saas ugu sheeg igaarka somaligaa kuyar madhihi karo lkn timir lafaa kujurto
    afka somaliga wa iska lahjada badanyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0