Dadka dagan magaalada Gothenburg intoodii badnayd xili hore ayay guryaha ku xaroodeen gobolka Skåne-na waxaa la hakiyey gaadiidkii dadweynaha cabsi 51052[1]laga qabo duufaantii maantay galinkii hore ka bilaabatay UK , Netherlands iyo France darteed. Gothenburg dadka ku nool waxaa laga codsaday in xili hore qof walba uu guriga aado, waxaana si taasi la mid ah dhamaanba dad galbeedka Sweden ku nool oo dhan looga dalbadan in ay guryahooda ku sugnaadaan, waxaana la xiray dhamaanba meelihii loo madadaalo tagi jiray. Waalidiinta waxaa loo sheegay in ay caruurta waqti hore iskuulada ka soo wadaan, galabtay oo isniin ah ka dib markii saadaasha hawadu muujisay in duufaanta loo baxshay Storm St. Jude Sweden ku soo wajahantahay. Hay’ada Swedan u qaabilsan sidaasha hawada, SMHI ayaa heerka digniinta gaarsiisay heerka 3 oo ah heer khatar ah, waxay website-kooda ku qoreen " Duufaanii digniinteedu nambar 3 gaarto waxay bulashada u keeni kartaa qatar culus waxayna sababi kartaa qal-qal dhanka habsami u socodka bulshada ah. " " Gudaha ku jir hadaad awoodo . Banaanku halis buu noqon karaa ," saana waxaa tiri Eva Strandberg oo ah khabiir dhanka cimilada ah waxayna intaa raacisay in ay filayso in roob dhulka ka sara mara in kabada 40 milimitit uu ka da’o dhanka galbeed ee Sweden. Gobolka Västra Götaland ayaa la sheegay in uu bilaabay in uu isku diyaariyo sidii uu u hawl gali lahaa hadii xaalad adag dhacdo waxaana ay diyaariyeen ambalaasyo iyo qalabka kale ee gurmadka deg-dega ah " waxaa haboon in aad haysato batari,toosh, kabriid iyo agab kale ayey ku sheegeen war bixin maamulka gobolku soo saaray " Labada shirkadood ee korontada Eon iyo Vattenfall waxay dalbadeen shaqaale dheeraad ah waxayna ku tala galeen in wax un dhici doonaan. Dufaantaan ayaa inta la ogyahay sababtay dhimashada 3 qof waxayna kuronto la’aan dhigtay in kabadan 220,000 guri oo UK ku yaala iyo 75,000 kale oo France ku yaal, waxayna saamayn ku yeelatay Britain , France , Netherlands, Germany , Denmark, waxaana laga cabsi qabaa in ay soo gaarto Sweden iyo xeebaha Finland oo laga yaabo in ay gaarto talaada galinka hore .

Duufaantii ku dhufatay wadamada waqooyiga Europe oo laga cabsi qabo in ay Sweden soo gaarto

Dadka dagan magaalada Gothenburg intoodii badnayd xili hore ayay guryaha ku xaroodeen gobolka Skåne-na waxaa la hakiyey gaadiidkii dadweynaha cabsi 51052[1]laga qabo duufaantii maantay galinkii hore ka bilaabatay UK , Netherlands iyo France darteed. Gothenburg dadka ku nool waxaa laga codsaday in xili hore qof walba uu guriga aado, waxaana si taasi la mid ah dhamaanba dad galbeedka Sweden ku nool oo dhan looga dalbadan in ay guryahooda ku sugnaadaan, waxaana la xiray dhamaanba meelihii loo madadaalo tagi jiray. Waalidiinta waxaa loo sheegay in ay caruurta waqti hore iskuulada ka soo wadaan, galabtay oo isniin ah ka dib markii saadaasha hawadu muujisay in duufaanta loo baxshay Storm St. Jude Sweden ku soo wajahantahay.
Hay’ada Swedan u qaabilsan sidaasha hawada, SMHI ayaa heerka digniinta gaarsiisay heerka 3 oo ah heer khatar ah, waxay website-kooda ku qoreen ” Duufaanii digniinteedu nambar 3 gaarto waxay bulashada u keeni kartaa qatar culus waxayna sababi kartaa qal-qal dhanka habsami u socodka bulshada ah. ”
” Gudaha ku jir hadaad awoodo . Banaanku halis buu noqon karaa ,” saana waxaa tiri Eva Strandberg oo ah khabiir dhanka cimilada ah waxayna intaa raacisay in ay filayso in roob dhulka ka sara mara in kabada 40 milimitit uu ka da’o dhanka galbeed ee Sweden.
Gobolka Västra Götaland ayaa la sheegay in uu bilaabay in uu isku diyaariyo sidii uu u hawl gali lahaa hadii xaalad adag dhacdo waxaana ay diyaariyeen ambalaasyo iyo qalabka kale ee gurmadka deg-dega ah ” waxaa haboon in aad haysato batari,toosh, kabriid iyo agab kale ayey ku sheegeen war bixin maamulka gobolku soo saaray ” Labada shirkadood ee korontada Eon iyo Vattenfall waxay dalbadeen shaqaale dheeraad ah waxayna ku tala galeen in wax un dhici doonaan.
Dufaantaan ayaa inta la ogyahay sababtay dhimashada 3 qof waxayna kuronto la’aan dhigtay in kabadan 220,000 guri oo UK ku yaala iyo 75,000 kale oo France ku yaal, waxayna saamayn ku yeelatay Britain , France , Netherlands, Germany , Denmark, waxaana laga cabsi qabaa in ay soo gaarto Sweden iyo xeebaha Finland oo laga yaabo in ay gaarto talaada galinka hore .

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Mohamed says:

    ilaa goormaa guryaha la joogayaa waaba yaabe.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. seytuni says:

    ilaahay hanaga badbaadiyo isagaa wax walba awooda oo koobay waxa dhacay iyo waxa dhici doona ilaahow adaan kaa magangalaynaa shar oo dhan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. walalayaal ha aaminina qof dad idinka oo kale ah xaalad walba waxaa keena allah marka allah aynu isku xiro walalayaal maarkaa ilaahay jala jalaaluhu xaalad walba waa inga bedbaadinayaa wll

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Afgoye says:

    Scw Walaal layal waad mahadsantihiin dhamaan dadka kashaqeya website ka iyo dadka ku xeranba Abdifata Jama Salad waa qaldantahay dadka waxay kadigayaan wa in cilmi ahaan loo fahma waa sax in laga degtoonaado wax yaabaha ee dadka khubarada ugu digayaan waayo ilahay baa kitabkiisa kudhahay (calamal insana malam yaclam) ma ayadadaasi ayaad inkiresa wax waliba siduu alle udoono ayay udhacayaan dedna waa cilmi uu ilahay dadka ku abuuray in ee ka digaan wax yabaha keni kara hadii dufanta ee soo garta sweden. Sida, In guryaha lagu juro in gadidka lajoojiyo iwm. Marka tacasufka aan cilmi la’aanta ah jooji walalayaal aad dinta wax saameyn ku yeelan karto wabillahi towfiiq scw.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. yaab yaab sxb afgoye sxb calamal iisanu malam yaclam,,, sxb adigu miyaanadd iisanka ku jirin waa sax ayaadu waxaan aqoon ayaa ilaahay na baray sxb lkn qadar uu ilaahay soo wado khalqii uu abuuray ma ogaan karaan sxb taasna waa khuraafaad sxb tusale sxb duufaanta la sheegayo iya doo 2 talaabo ku jirto ayaa ilaahay kaa weecin karaa sxb marka sxb ilaahay isku xirno oo aamino sxb scw

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. siciid bile says:

    walaal c.fitaax jama sallad aad ayad u saxan tahay , musiibana ma dhacdo illaa uu alle qadaro mooye ,waana mid looga baahan yahay qof kasto oo muslim ah inuu alle si dhab ugu tiirsanado dhib iyo dheef alle aya keeno wsc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0