FADEEXAD: Waxay naga laaleen naasaha iyo dabadda!

Wargeyska Expressen ayaa soo bandhigay macluumaad muujinaya in Booliska Sweden ay shacabka ka qariyeen dhacdooyin foolxun oo dhalinyaro soo galooti ah ay kula keceen gabdho Swedish ah xili ay socotay xaflad musik. Arintaan ayaa dhacday sanadkii 2014/2015 taasoo ka dhacday xaflad lagu magacaabo “We are Stockholm”.

Wargeyska ayaa cadeeyay in dhalinyaro soo galooti ah oo uu badan kuwo u dhashay wadanka Afghanistan ee wadanka ku jooga caruurnimada ay gabdhaha ku sameeyeen fara-xumayn isugu jidha taataabasho iyo dhac. Gabdhaha yaryar oo qaarkood ay da’dooda gaarayso 15 sano ayaa sheegay in ay waayeen meel ay u cararaan ka markii ay isku wareejiyeen dhalinyaradaan oo naasaha iyo dabada ka taabtay, halka qaar kale markii ay dhulka ku dheceen ay wiilashaan dusha ka fuuleen.

Arintaan ayaa imaanaysa ka dib markii ay isbuucii la soo dhaafay soo baxday fadeexad weyn oo ka dhacday dabaal-deggii sanadka cusub meelo badan oo ka tirsan Yurub, iyadoo qaasatan wadanka Germany magaalada Köln ay ka dhacday fadeexad weyn oo dumar gaaraya 500 qof lagu faraxumeeyay, arintaas ayaa lagu eedeeyay ajaanibta wadanka dhawaan soo gashay ee magangalyo doonka ah. Hadda ayaa jansilarka Germany Angela Merkel ay sheegtay in ay wadanka ka musaafurin doonaan cidii lagu helo dambiyadaas.

Maadaama ay arin taasi la mid ah mida ka dhacday Sweden isla markaana ay boolisku ka qariyeen saxaafada iyo shacabka ayaa ah mid walwal abuureysa isla markaana shidaal u noqonaysa ololaha cunsuriyiinta ee ka dhanka ah soo galootiga.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa bilaabay in ay ku andacoodaan in dadka soo galootiga ah, ee qaasatan ka imaanaya wadamada Muslimiinta aysan aqoonin sida loola dhaqmo dumarka isla markaana ay u baahanyihiin in la siiyo koorsooyin ku saabsan xuquuqda dumarka iwm.

In dad qaxooti ah oo wadanka ku jooga caruurnimo, isla markaana la siiyay daryeel wanaagsan ay ku kacaan falalka nuucaan ah ayaa ah mid aan la aqbali karin isla markaana fadeexad ku ah guud ahaan soo galootiga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Utvisning says:

    Wadanka halaga saaro dadka falkaan kukacay. Dhaqan xumadii wadamadoodi ayee halkaan la imaadeen. Waa ceeb. Dadkaan noocaan ah muslimka ayee ceebenayaan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  2. siraad says:

    Asc walaalo yaal. Sheekadan waa sheekadii yaaleh waye dad dal islaam kayimiid ee lobahna in lagabarto wanaag oo iyagii xiraan wado waa wax laga naxo walaahi.laakiin Aniga waxeey ilatahay waxaas waxa kuqasbaay waa qamro ama man doriyo ee cabeen. Niman waa weyn oo naago raadis ah oo ima iska dhigaayo waye dadka waxaas sameeyey waxa dhihlaha qofkii waxas kukaco hala si iyo utvisa. Asc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 1

  3. siraad says:

    Asc walaalo yaal. Sheekadan waa sheeko la yaableh waye dad dal islaam kayimiid ee lobahna in lagabarto wanaag oo iyagii xumaan wado waa wax laga naxo walaahi.laakiin Aniga waxeey ilatahay waxaas waxa kuqasbaay waa qamro ama man doriyo ee cabeen. Niman waa weyn oo naago raadis ah oo ima iska dhigaayo waye dadka waxaas sameeyey waxa dhihlaha qofkii waxas kukaco hala si iyo utvisa. Asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Cadnan says:

    Ma idinka ayaa garanaya dalka ay udashten kuwa gaystay dibta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Hanad says:

    Asc waa arin aad u xun haday jirto.
    In ruux soo galooti ah sidaas u dhaqmo.ma aha mesha ay joogaan
    Dalkooda mana ah iney sameeyaan xumaan meel kasta ay joogaan .waa in dhalinyarada dalka ku cusub loo shegaa nidaamka wadanka.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. AAR 23 says:

    War aniga intalee uma laynayay Finland. Ileen cabashada Jarmalka iyo Sweden weey heysataa dhibaatadan. booliska Finland sidaas oo kale waxay ku hayeen waa arin nagu cusub oo aan wali arag in la iska taataabto gabar wada iska maraysa waliba santarka Helsinki. boolisku waxa uu eedaynaya dhalinyarada soo gashay sanadkan oo raxan raxan u socoda.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. garoowe says:

    wadamada islaamka naaga qawan lama arko sidaas darteed naagaha qaawan bay u adkaysan waayen iyagaa laqabsan sdoona markay mudo joogan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  8. Nashaad says:

    Dee waa carabtii aan arki jirin naag wadankoodii oo naago qawan dhex yimi mel carab soo gadhay ddhaqanxumo waa iman runtii

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

  9. nimca says:

    afgaantu waa wasakh waa dad muslima ka fog oo qamriga iyo wixiiba xum ee ilahay inga reebay ayay ku dhaqman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. biriq says:

    Asc
    Waa dhalinyaro ha iska baashaalaan maxaa laga rabaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Mohamed says:

    Asc
    Aniga arag tidey Qof ka muslin ka ah waxa laga raba inu ilali yo rariskisa waan
    Soo qaxney wanaga dinta in lanoga day do inan ku dadalno Insha Allah!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1