Fanaanka caanka ah ee Mohamed BK ayaa dhamaadka isbuucaan booqasho ku imaan doona magaalada Stockholm isagoo la filayo in uu wacdaro ka dhigo. BK oo ah fanaan Soomaaliyeed ayaa imaanaya casuumada ururka Hangool Foundation.
Hadaba haddii aad jeceshahay in aad ka soo qeyb gasho xafladaan qiimaha badan ee Stockholm ka dhici doonta 19 December 2015 ayaa lagaa doonayaa in aad si hordhac ah u goosato tikidhada. Waxaad si toos ah tikitkaaga uga goosan kartaa internetka adiga oo booqanaya: https://billetto.se/sv/events/hangool-foundation-presenterar-mahamad-bk
Xaflada ayaa ka dhici doonta Fryshuset-KLUBBEN, Mårtensdalsgatan, 120 30 Stockholm. Taariikhda 19 December. Saacada: 18:00
Wixii faahfaahin ah kala soco bogga Facebook ee Hangool Foundation: https://www.facebook.com/Hangool-Foundation-369884699843/?fref=ts