Faransiiska oo laga mamnuucay in salaada wadada lagu tukato

Caasimada dalka Faransiiska ee Paris ayaa laga mamnuucay in wadooyinka lagu tukado salaada taasoo looga soo horjeedo Muslimiinta oo wadooyinka ku tukada maalmaha jimcaha mararka ay masaajida buuxsamaan.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in Muslimiinta oo buuxinaya dariikhyada shacabka ay dadka shook ku dhalineyso isla markaana ay ka soo horjeedo nidaamka cilmaaniyada ee ka jira wadankaasi Faransiiska.

Muslimiinta ku nool xaafad lagu magacaabo Goutte d’Or  oo ku taala Paris ayaa sanadihii u dambeeyay caadeystay ku tukashada banaanka maadaama la xiray Masaajid weyn oo 4000 qof qaaday oo goobtaasi ku yaalay. Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in xoog loo isticmaali doono cidii jabisa amarka.

Muslimiinta ayaa ka soo horjeestay amarkaan iyadoo laga soo xigtay mid ka mid ah imaamyada xaafadaas oo oronaya “Anagu lo ma nihin”. Goob cusub oo loo sameeyay in ay Muslimiintu ku tukadaan ayuu sheegay imaamku in ay saluugsanyihiin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. nuux says:

    france waa dowlad ku faanta dimuqoradiyad ku cadaadisan dowladaha taagta yar , haddana kuma dhaqmayso markay soo gaarto arintu muslimiinta dalkeeda kudhaqan , lIIBIYA waa lagu duulay si looga hirgaliyo dimoqoraadiyad waa laba aan isqaban karin

    by nuux

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. mohamed aweys mohmed says:

    asc dhman salaan kadib mudo kadib dalalka qaar wexy u istaageen in ay dhibaan islaamka
    france waxey aheyd ama dhaheesay waxa nahnay dimuqraadi horena waxay u diideen xijaabka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Abu-Xudayfah says:

    Wallee wixii Uurka Jiifayaa Afka Soo Dhaafay !!

    1> Minaaradaha ayaa Muslimiinta Loo Diiday .
    2> Niqaabka ayaa Gabdhaha Muslimiinta ah Laga Mamnuucay ,

    3> Salaadada Jidadka lagu Tukanaa ayaa la isku diiday , Sida Demoqraadiyadooda dhigee , Medborgii haddii qofku noqdo Dalka ayuu Xaq ku leeya , Xaqaase kama mid ahan in uu qofku meeshoow Doono Ku Tukado ,

    Demoqraadiyadooda Afka ma dhaafto , Sida walalkeen NUUX sheegayna waxay had iyo Gooraale dhulalka Islaamka u burburshaan , Demoqraadiyad ku dhaqan iyaga Dalkooda markii la joogana Demoqraadiyada ay sheegtaan awalba waa Cadaalad daree ma Ku dhaqmaan …………

    Gaal Isagoo Heej Ku Dhahayoo Hog Kuu Qodaa …..

    Muslimiineey Ogaada , Wallaahi wax kalena waan Sugaynaa haloo dhug lahaado , Mar Dhaw Xijaabka , laguma bixi karo , iwm ayaa imaanaysa e.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Turaabi says:

    Asc dhaman Musliminta oo dhan khasatan Somalida walalayal wad aragtan waxa gaalo ku hayso Musliminta lanool kufaartas ani waxan jedinaya in arintan laga mudaharado laguna kaco haday didan in wadankoda loga tago dadka udhashay dalalkas duliyintaa inla laayo meshi lagu arko markad bu dhibku tabanayaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0