Gabadh Muslim ah oo Baraatiik loo diiday oo la siiyay magdhow

Gabadha lagu magacaabo Rayan Abdel Rahman  ayaa hada ka hor waxay Baraatiik ka heshay salong ku taala magaalada Malmö balse maalintii ugu horeysay ee ay xaadirtay shaqada ayaa la soo cayriyay.

Isla markii ay irida ka gashay shaqada ayaa Rayan waxay sheegtay in milkiilaha meesha ay si xun u soo eektay ka dibna ay u sheegtay in aysan baraatiik siin karin maadaama ay xijaab xirantahay isla markaana macaamiishu aysan ka ladhacayn qaab la biskeeda. Rayan ayaa intaas ku dartay in ay milkiilu hadalkeeda kor ugu qayliysay.

Rayan oo niyad jabtay isla markaana aad u xanaaqday ayaa durbadiiba waxay dacwo u gudbisay Booliska iyo xeerka ilaaliyaha cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen) balse labadii codsiba waa la diiday. Intaas ugama aysan harine waxay qabsatay qareen u dooda kaasoo arintii gaarsiiyay maxkamad.

Milkiilaha Salongka oo lagu magacaabo Viktoria Sjöberg ayaa sheegtay in aysan cunsuri ahayn balse ay samaysay wax ganacsigeeda dan u ah , arintuna aysan Muslim kaliya ahayn balse guud ahaan cidii timaha u daboolanyihiin oo dhan aysan goobteeda Baraatiik ama shaqo ka siin karin.

Si kastaba ha ahaatee qareenka Rayan ayaa dalbaday in la siiyo 150,000 kr oo magdhow ah. Lacagtaas ayaa ku badatay milkiilaha iyadoo markii dambe lacagta laga dhigay 27 500kr isla markaana Rayan ay codsatay in la siiyo raali galin. Milkiilaha ayaa bixisay raali galinta.

Arintaan ayaa la dhihi karaa waa guul u soo hoyatay haweenka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Sweden. Waana arin muhiim ah in ay ku wacyi qaataan in haddii lagu cunsuriyeeyo aadan sheekada intaas uga harin balse maxkamad la gaarsiiyo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. dhaleecayn necebe says:

    waxay ahayd gabadh fir fircoon oo xaqeeda dhacsan karta waxa laga yaaba badalkeeda inaga somali hadaan nahay hadii intaa la inoo geysto waan iska amusi lahayn, waxay qabatay waa wax fiican ayaan odhan karaa.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. MASSAGO says:

    QOFTI KARUN SHEEGO DIINTEEDA IYO DABEECADEEDA ASIGA AYAA GUULAYSAHAAYO EE RYAN TLFNK–KEEDA MAHELI KARAA SAAN BEESADA WAX IGA SIII U DHAHO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Filsan caday says:

    Gabar salon shaqo lagadiday aya magdhow lasiyay,kawaran kuwa 10 yrs ciyaalkoda kaxanibanyihin miyaysan dad ahayn miyaysan damir lahayn miyaysan tagi karin maxkamadaha iyo human rightka,alaysa minkum rajulu rashid?halqof ah dacwad kageyo ilmihisa malawayay,mise in nilaxiro ayad kayabaysan?cidna qaxoti xirimayso lkn somaliyay dad iskadhiga o isnoleeya,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. MASSAGO-- Filsan Cadeey says:

    WADANKA WAXAAKA JIRO SHARCI IYO KALA DAMBEEYN WIXI SHARCIGU KUUDIIDANA BANAANBAX MAAHEE WILIGAABA GURUGA HAKU SOO NAQAN CID KUMA SIIKARTO ILAA AMARKA ALLAAH OO KASOO DHARBAAXO MAAHEE, LKN ADIGA XAAD UMADA U DHAGREE SVERIGE HADAADAN JOOGINA WAALA SOCOTAA SHARCIYADA YURUB IYO GO,AAMADA AY GAAREEN AY QODOODA KU LEE YIHIIN AYUNEEEE

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. somalilander says:

    tack rayaan ilahay khyr haa siiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  6. Somalia4PEACE InshAllah says:

    Allah IIMAAN u siyaadiyo Inantaan walaasheena MUSLIMADA ah ….
    Waa sax walaalkeen sheegay , somali haddaa nahay waxaa laga yaabaa inaanba OGEYN in DACWO lagu oogi karo wixii ku cunsuriyeeya…
    Anigaana TAAS KOOW ka ah . Hadda ka hor 2010 anigoo yaraan saaxiibo nahay la lugeeynaa ayaa ODAY swedhish ah oo BAASKIIL wata naga Horyimid .

    Markii uu nala sinna balse weli na dhaafin ayuu CANDHUUF NAGU tufay weliba CANDHUUFTO anigaa dhankiisa xigay oo aad wejiga iiga haleeshay….. MAALINTAAS UUR ku TAALO ayay igu noqotay…. oadaygiina Baaskiilkiisii ayuu kusii cararay ana baaskiil ma wadan.. DUQ ayuu ahaa oo haddaan ka dabo ordi lahaa meel igama gaareen , lkn MABA OGEYN in la DACWAYN karo….. HADDAAN isla markii surka qaban lahaa POLISKA u wici lahaana ,,,,, arintu sidaas ma ahaateen……. lkn…. POLIS u sheeg ama ha u sheegin… ama POLIS ha ku caawiyo ama ha iska daayo….. Dal Aadan Lahayn DAREEN ku JOOG ayaa la yiri….. Dalkeena markaan ku caasinay ABAALKEENU in maalin walba , Warbaahinta nagula caayo , cunsuriyiintu nagu cod raadsadaan… iwm ayaan ku jiraynaaaaaaa!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  7. Filsan caday says:

    To:masago walal inaad walantahay iyo inaad madhalaystahay inaad somalinimada inkirayso midweyo kolay nin caadi ah matihid wa hadad yurub jogto.wan ogahay sharci inu kajiro blse waxad didantahay wad mujin karta cid kuhor istagi malahan,wadna kuheli insha’allahu hadad waxfahmaysan rer swidanow bishi hore holand waxay damacday inay dad masafuriso cabasho arinkas dadki mesha jogay,wana laga noqday.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. Xaq u dirir says:

    Asc dhamantiin filsan wallaashey wad ku mahadsan tahey fikradaada soomalidana wey hurudaa qaasatan kuwa sweden jooga ma yaqaanan meel ay u dacwoodaan iyo inay is abaabulaan masago asagana waxan leeyahey sharciyadooda ma wuxuu dhigaa in ay kala geeyaan famil is dhalay? soomalida waxeysan ayaga geysan kuma dhicin wallaalayaal rabiga talada saarta oo haka sugina wallalkiin jimcaale wan ognahey sweden waxa ku nool soomali badan hadii maanta layiraahdo mudaaharaad ayaa meel hebel kajirana waxa imaanaaya 10 qof waxa laga yaabaa in ay 10 kaas kamid yihiin ama 6 kamid ah ay yihiin dad la nool caruurtooda aawey kumanankii kale oo ay sida saxda ah uga maqan yihiin caruurtooda ama seygeeda ama sowjadiisa marka waxan idiinkula dardaarmi lahaa in aad la timaadaan dadaal dheer oo meel walbo oo sweden kamid ah laga abaabulo mudaaharaad hadii intaas si daacad ah loo qabto howshaas waa hubaa in xal degdeg ah imaanaayo hore ayaa waqti isaga lumiseen ee hurdada ka kaca wadna mahadsan tihiin mar labaad ayaa uga mahadcelinaa walasheen filsan tack ayaa ku leeyahey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Najmo says:

    asc masha,allah waa Gabar wanagsan adunka waxba mahan aqira ayaa sugeyso dad waxa arkee la dhahayo dhig xijabka hadane dhigayan wana qalad gal xun in ad warkisa yeshid dhr qof oo xijabkoda ku shaqeya wey jiran balse waxey ku xirantahy qofka ad ushaqeyneysid iyo milkilaha waxan ushegaya Gabdhahena in eysan yelin xijabka dhiga hadii ey dhigane wey ku galobayan ha iska ilaliyanom ilah aya deeqa baxsho gaal waxba mahayo wlh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. Filsan caday says:

    To.xaq udirar and najma wad mahadsantihin blse aduunkan manta kamiro gumaysi toos ah waxa kajiro mid dadban.waxad iskudaydan inad shucurtina mujisan war dulli iyo gumaysi kaxun majiro ciyalkada kala nolada adiga wan ku ogalahay ciyalkadana maye nagtada come ninka maye xage lagaciyara hata kuwan rightska waxban udodnay dhahan ganiva conv.madhigahayo mel adag ayu kataganyahay,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. GEORGE AFRAX says:

    Anaaaba ka naxey gabadhaan, oo aad beey u xir xiran tahay, waxaanse idin weeydiinaa! SACUUDIGA GABAR TIMAHA U BANAAN YIHIIN OO MUCATAB QOORTA ugu jiro, shaqo ma ka sin lahaa yeen, saloon shaqo!?
    Milkii lihii u diida shaqo, Lawer ma ku talban kari laheeyd!? mag dhowse ma loo ogolaan lahaan!?
    Mr.jimcaale waa tiri doonaa! illleen caddaaladu HAL DHAN KALIYAH IN EEY U JEEDO OOW aamin san yhay!? intiina aqrisataa iiga jawaaba si dhas ah! ileen caddaalad meesha lama ogolee!?
    islam maan wax ka sheegay!? nooo su’aal si bar bar dhig ah aan isweeydiino! saan ugu faano wixii fiican, wixii xunna u diidno! islaam wax in aan ka sheego uma dan lihi!?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. samka nuura says:

    ascwrwb dhamaan walaalaha waxaan aad ugu farxay sida fiican o ay rayan ula dhaqan tay gaaladan, tankale arinta ay filsan cadey ka dhawajiseyna waa runted hadaba sheekadu waxay mareysaa midab takoor lagu hayo somalida ama islaamka dhamaan, waxaase aad iyo aad u rabey hadaanu nahay somaali inaanu sameeno mudaharaadyo badan sida dadka jooga ama dagan magaalooyinka waa weyn caasimada iyo caasimad 2 iyo caasimad 3ka oo aanu ka mudaharaadno sababta muslinka kaliya loogu diidayo inay shaqeestaan wadanka sweden gaar ahaa qof dumara oo raba inuu shaqeysto why ayaa loogu diidayaa dadyowga kale ee qalaadna loo siiyaa shaqoyinka wali kamaanu mudaharaadin taas, gar baanu u leenahay mudaharaadkas ee soomaali ayaa isku duubneen oo cabsanaysa maxaala sameenkaraa heee talo sidey idinla tahay arintaas dumaroow jwaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. mujaahid says:

    george adiga xaq umalihid in aad ka hadasho arimaha somalida iyo webkaba waayo waad cadeysatey waxa aa tahey mana haboona in noocaga loo jawaabo gaalyahow cadeystay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Runsheeg says:

    GEORGE AFRAX

    Waligay pagekan fekrad kama dhiban maanta waxa igu dhaliyey ninkan magacan la baxay kaas oo si toos ah u tageeraya gaalada iyo dulmigooda adeer waxan ku le nahay hadii aad rabto suaalo nocas ah orod kyrka aad oo soo waydi halkan waa page somali waana dad islaam ah boqolkiba boqol ee waxayna isku dhaafsadan fekrado salim ah ee halle ha ku caafiyo wada toosana ha ku tusi wa bilaahi tofiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Runsheeg says:

    Fadlan Mamulka Pageka sida Jamcaale saaxib qofka dhaqankeena Diinteena kasoo horjeeda aad arkayso wuxuu umada usoo qorayo Fadlan ka saar
    Waa na dhibaysa Wiil yar oo Diintisa marku soo dhofayey shabad dabada laga soo dhuftay hada diinta wax ka shegay hadaanu nahay shacabka Somaliyeed ee Pagekan ma Jeclin inaan aragno Qof Diinta wax ka sheegaya ama Gaalo u doodaya thnks Jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. MASSAGO-- Filsan Cadeey says:

    Marka hore fikirka qofta ma,ahin inaad ku caburiso ama kahor jeesato Filsan tan kale xaa iskaga juro madhaleys nimo iyo fikir kala duwanaasho Dhaliinka Alaah ayaa haayo qoftoow raban waa siiyaa qoftoow rabana waa u diidaa qofna wiilal aw siiyaa ama gabdho ama waaba iskugu farxaa ooo waaka Allaas suuratul ceeeseeyn qaaf ku sheegay. Dukraana wa,inaasan wajaycalu manyashaau caqiiman Ilaa Aakhiri Aaayaha. Tan Kale wax waali ah ladhaho meesha mayaaliin aniga Sweden hadaana joogin xataa waaka warqabaa oo shuruucda wadanka u dagsan meel kasto oo qoftu joogo waala socdaa aduunk. Somalianimo waa u dhashay aniga hadaan inkiro xataa igama hereeyso waana waxaan u dhashay oo muran kama taagno lkn ma,aqaan qoraalkeyga hadaw kadhadhamaayo wax nuucaas ah. Anyway qoraaalda ama konstska qofkasto waa u xur waxaw rabo awna ku cabiri karaa asooon personal atack wadin asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  17. Filsan caday says:

    To,huuno marabo qof islam ah o walalkay ama walashay ah inan personal attack kusameyo,blse waxa jiro cidkastana ogtahay yurub sharcigedana dhigahay inad cabashadada mujin karto hata ado qaxoti ah hadi mel lagu dajiyo ood tirahdo meshan kuma nolan kari wa lagu warejin.macaathallah qof ilmihi ujecla xagu joga.teda kale dadka hadadan wax uqaban karin say wax kuradin karaan lama calbabaaso waxad tiri qormadaadi hore hadad iskumudhaharadan 20 sano aya nili xiri billah calayka waxyalaha aan sida gaar ka ah iso jitay ayay kamid ahayd.marka sharciga yurub wan naqana si nabad ah kumujir cabashadada,tusale kalun ayad rabta shabaqi aya lagusiyay wa inad bada aado ood so dabato ma’aha inad gacmaha isdulsarato.rer sweden ayan kuwada marwalbo xizbi aan awood lahayn hadu idindoda 2030 kasoke om amelayn hayo qadarka Allah ma,ahe,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Filsan caday says:

    To:goeg afrax firi ayadahan quranka ah.faman yuridilah anyahdiyahu yashrax sadrahu lil islam waman yurid anyudilahu yajcal sadrahu dayiqan xarajan ka,anamaa yassaccadu mina simaa-means ninku ilah hanun ladono laabtisa ayu kuwaa siciyaa islamnida midka gaalka ah ama murtadka ah e diintisa nacay sida Geog o kale waxu kadhiga cariri xirxiran sida asago samada ka kor halkan layiri,marka walal aniga waxan aaminsanahay fikirkayga qofka hadu dinta kabaxo inu khusbu musanadaha sida dogob latiriyay.o aan qalbilahayn marka ino 1 ilah cabudo nabigaygana u yahay muxame ibn c/llah scw inan adiga o ilahada yahay jesus nbigadan yahay Goeg w bush aan fikir kugu darsado halkaa so kudanbabi mahayo???

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. George Afrax says:

    @DHAMAAN INTII II jABAABTEY::

    hadal keeygu waxoow ahaa. Mid dood cilmiyeed ah; iyo duruuffaha aduunka ee Diin maba ku saab saneeyn; lakiin soomaalay wax kasta maxaad diinta ugu soo jiidaan!?

    Xuquuqda bani aadamka!? ee Wadamada Gaalada laga aqoon san yhay! iiga warama ma wax Fiicana mise wax xun oo Danbi ah iyo Macsi xagga allahlaga galaayo!? taas uub iiiga soo Jawaaba!?Ogaada wax kasta oo aad arkeeysaan Sweden Waa Ujeedo eey leeyihiin! iyo dhaqan ka danbee .. ee maahan wax si aan kas aheeyn loo sa meeyey ama kama ku yimid; lawer-ka inanta u doooday iyo QAALIGA MIDD KOOD NA MA EEGIN caqii da deeda; ee waxoow u fiirshey si da eey thay; TAASO AH QOF BANI AADAM AH, HADDANA DUMAR AH, Tasso sharciga DADKA swish.ka ah oow si ADAG U ILAALIYEY!?

    markayaanaan is dhihin Gaalo wax isxaan ah noo fali mee!? Ogoow xaq iyo xuquuq aad leedahay, Sweden in taad Joogto; waa in aad ku xirraataa GARYAQAAN FIICAN; SI aan loo guu tuman, dad nimadaa iyo sharaftaada!?
    — Gabadha sharafteeda oo wax loo dhimay dateed aa QAALIGU magdhow ugu ogolaadey.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Daduray says:

    War goegow meqa shabadod aya kugu dhacday taas aad kahadli badalkeda ana ku su,ali maxaad oga baxday diinta islamka mise ado runta shegi maxa iskabadalay ila marki aad murtad noqotay?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. somali dhaba ah says:

    filsan,runsheeg, iyo daduray, walaalyaal ninkaan geoge ah ma ila aragteen waxaan weydiinaa su,aashan bal haka soo jawaabo ama hanoo daayo peggka waa tanaa su,aashayda george maxaad comentiska ugu qortaa meelaha looga hadlayo arimaha soomalida ama muslimka adigu nagama mid tihide maa kuwaaga raadsatid oo naga dhexbaxdid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Daduray says:

    Jwbta wa goeg w bush

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0