Gabadh Muslim ah oo loo doortay maamulka sare ee xisbiga Miljöpartiet

Gabadha lagu magacaabo Sümeyya Gencoglu oo 22 sano jir ah ayaa isbuucii tagay waxaa loo doortay in ay ka mid noqoto madaxda ugu saraysa xisbiga Miljöpartiet (MP). Goloha maamulka xisbiga oo loo yaqaan (partistyrelsen) ayaa masuul ka ah hogaanka xisbiga Miljöpartiet iyadoo ay Sumeyya noqonayso qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah ee da’yar ee xilkaasi loo doorto. Sumeyya oo ku nool magaalada Halmstad ayaa waxay siyaasada ku jidhay muddo 5 sano ah.

“Aad ayaa ugu faraxsanahay waana sharaf in la i doortay. Waa mid xiiso badan in aan ka qeyb qaato samaynta siyaasada xisbiga inaga oo ka tirsan xulufada dowlada” ayay Sumeyya u sheegtay telefishinka SVT.

Sumeyya ayaa hada barata cilmiga Bulshada. Waxay sidoo kale gudoomiye u tahay urur lagu magacaabo Muslimiinta u taagan Nabada iyo Cadaalada (Svenska muslimer för fred och rättvisa) qaybtiisa magaalada Halmstad. Waxay sheegtay in ay ka shaqayn doonto arimaha sinaanshaha, socdaalka iyo waxbashada. Iyo in ay ka qeyb galiso siyaasada dhalinyada iyo dadka soo galootiga ah.

Hambalyo ayaan leenahay Sumeyya!

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. ina says:

    hambalyo sumeya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. asraa says:

    haballyo waa arin lagu farxo runtii

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. asmaa says:

    hanbalyo xayaaka llaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Ayub says:

    Asc walalayl waxan rabaa inad arin iga jahil bixisaan suasha dadka laga keeno xeroyika qooxotiga o ay Sweden ay so codsato o UNHCR keeento pasaborka waayn ma 5sano ayeey ku qadaanayan mise sidaa daaadka isaso dibo ayey 8sano ku qaaatan.
    Mida kle qofki ku imaado Sweden 17 sano meeeqa sano kdib ayu ku qadaani karaa.
    Jwb
    Asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0