Gabadh soo galooti ah oo Sweden guul u soo hoysay

Sweden ayaa ku guuleysatay tartanka heesaha ugu caansan Yurub ee lagu magacaabo Eurovision iyadoo ay guusha soo howsay gabadh soo galooti ah iyo nin madoow oo maraykan ah.

Gabadha lagu magacaabo Loreen Talhaoui ayaa ku dhalatay magaalada Västerås sanadkii 1983 balse waalidkeed ayaa ka soo jeeda dalkaasi Morooko. Heesta ay qaaday Loreen oo lagu magacaabo “Euphoria” ayaa guushii ugu weyneyd u soo hoysay Sweden ilaa sanadkii 1999. Sweden ayaa guud ahaan ku guuleysatay 5 jeer tartanka heesaha Eurovision ilaa sanadkii la bilaabay ee 1956 balse guusha Loreen ayaa noqotay midii ugu weyneyd.

Iyadoo la raacayo sharciga u yaala tartanka heesaha Eurovision ayaa Sweden waxay marti galin doontaa sanadka soo socda.

Guusha ay Loreen  u soo hoysay  Sweden ayaa kor u qaadi doonta magaca soo galootiga iyo in la dareemo faa’iidada ay leeyihiin wadankaan. Haddii ay ahaan lahayd heeso ama daryeelka waayeelkooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Shuceyb says:

    looooooooooooooooool ,Magaca miyay kor u qaadeysaa ,,, sxb taas ha ka yaabin Zaltan Ibrahimavij ayaa u qaadi lahaa ,, hadii qof ajnabi dhalay ,, magaca ajaanibta korka u qaadayo ……… siyaasada wadankaan ayaa waxa ay tahay in qofkii guuleysta la dhahayo waa Swedisha qofkaas oo lagu faano ,,,, Qofkii sida ajaanibtu u badantahay ahna in la dhahayo waa soo galooti!!!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  2. Aden says:

    Shuceyb waa runtaa bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Saredo says:

    Tartankaan xalay ayan usoojeedey xataa anoocashayn markii sweden badisay waqayliyay xataa dariska aya imaqlay farxad darteed balse marku dhamaaday ayaan waxaan xasuustay inay sharciga iidiideen markaasan su aalo badan iswaydiiyey dabadeedna waa iskaseexday saaso aytahay mar walba sweden ayaan taageeraa waayo wa wadanka ugu caawimaada badan markii loo eego wadamada yurub caawi maadaso ah barakacayaasha wadan kasta hakayimaadene hadana waan kunoolahay waana imuhiim inaantaageero sweden waa wadan kaygii labaad …. Asc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 0

  4. adna says:

    asc saredo ma ahan ado sharciga ku diden in aa tagerta teda kale ma tagereno ila ilmahena nalakena iyo familkena gul danbane magaran insha,laah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 5

  5. Gabar Mawalad ah says:

    marwaliba Qofka wuxuu taageeraa hadba wadanka uu ku nool yahey,, mana ahan taageerada keliya inuu sharci leeyahey ama ilmihiisa loo keenay,, muhiimada waa muku nooshahey wadankan aad taageereysid,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

    • Dina says:

      The pictures of Grayden are autblosley stunning! I can’t thank you enough for all your patience and grace while photographing my precious grandson. I can’t wait to see the rest of the photos.Thank you again, you are an amazing photographer!My BestRichelle(Grandma)

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. FM says:

    Aad taagertid ma xumee ma laguu og yahahay inaad taageertid ileyn ra`iisul Wasaarihii wadankan ayaa ku haya dadka Swedishka ah shaqo wey heystaan loo qadooduna ay ku hadlaan waa soogalooti,marka ha isdaalinina.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. abdul says:

    Swedisha ma arkaan waxa fiican ee ay sameeyaan dadka soo galootiga ah ee waxay arkaan oo kaliya dadka soo galooti khaladaadka yar yar ee ka dhaca

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. CAaqil says:

    WAx waliba wey is badali donan caqabada hada in hortagan iyo tagerada wadanka yan leysku xerin, Mashaqeysano hadane waxan u nolnahay sida uu u nolyahay Midka shaqeya ee Swedishka ah Ma’ahan miyaa in an tagerno wadankan, Wumudan yahay in an tagerno tagerdada guud sida uu isaguba ino tageray

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. Ahmed ludvika says:

    asc dhamaantiin hadaan sii guda galo dooda aniga waxaan qabaa sweden in ay tahay wadanka ugu fican adunka marki laga rebo wadankeni hooyo asxaabeey aan run isu sheegno yaa ogol asagoo somalia joogo lacagta uu kushaqeyo inloo jaro dad aan somali aheen oo ajaanib ah in sogaloti nala dhaho bas ayaan hada u arkenaa inee dhib nagu tahay lkn anaga hilibkoda ayaan cuni laheen wayoo waxaa nahay wadanka adunka ugu cunsuriyeeysan wa sida aan aniga qabo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  10. MR: NICE MAN. says:

    SWEDEN WAA DAL FIICAN, TAGEERADU KUMA XIDHNA IN AAD SHARCI LEEDAHAY, IYO IN ILMAHAAGA LAGUU KEENAY TOONA, TEEDA KALE LOREEN WAA NAAG SWEDISH AH LAMA ODHAN KARO WAA SOO GALAYTI, WAAYO WADANKAN AYEY KU DHALATAY, LAKIIN IBRAHIMOVICH WAXA UU YIMI ISAGOO YAR, GUUD AHAAN SWEDISH KU WAA DAD AFGABAN OO AAN HADAL BADNAYN, MALIN DHOWAYD AYAAN KUBAD KU CIYAARAY GAROONKA ANIGA IYO DHALINYARO KALE OO SWEDHISH AH, WIIL SOMALI AH OO WADANKA KU CUSUB AYAA NAGU JIRAY, WAXA UU YIDHAA ANUU MESSI AYAAN AHAY, IDINKUNA IBRAHIMOVICH, RUNTII WAY EEGAN WANAY LA YABEEN, MARKAAN CIYAARTA KASOO BAXNAY AYAAN U SHEEGAY OO AAN KU IDHI, MA FIICNA WAAYO ADUU MA TIHID MESSI, MARKASU IGU DHAHAY WAAN OGAHAY, LAKIIN WAXAAN UGA JEEDAY CIYAARTA, WAXAAN KU IDHI IYAGU INAAD BEEN SHEEGAYSO AYEY KUU ARKAYAAN ISKA DAA, HADANA SOMALIDEENA QAYLO.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Abdukadir Dherkenleey says:

      sxb ibra yaraan kuma imaan ee malmö ayuu kudhashay oo swedish asalkiisa soo galooti yahay sida loreen oo kale

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Mohammed says:

    A.S.C. Dhamaan Gaar ahaan walaal keey Ahmed Ludvika Fikradaada aad iyo aad ayaan ula dhacay waana ku gu taageeray waana kugu taageersanahay In haddii ay wadanku nagu imaan lahaayeen aan Hilibkoodii cuni lahayn Iyo Fikrada ah Cunsiri nimada Somalida , Iskaba Daayee Dadyowga kale Anaga Dhexdeeda ayaad ka dhax arkeysaa Qaar isku inkiraya Iskuulka , Masjidka. Dukaamada. oo xitaa aanan Salaanta iskaba Qaadin Qaarkood. Walaalayaal Towfiiqda Allaha ina wada waafajiyo Walaashey Saredo iyo inta la mid ka ah ba Allaha uga soo Qaado .Ducaduna iyo Sadaqadyba Aan badsano.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. bile says:

    yurub marka la dhaha wadmada na soo dha weeya waa koo ayee katahay sweden aniga ayaan hore ayaan tagay garmani wax soomaali jooga ma arkin waxaan soo arkay dad jooga labaatan sano oo sharci la aan ah waad ogtahiin iraaqiinta yurub oo dhan sweden ayaa qabishay waxeena sharciga siiyeen laba boqol iyo kontinku oo qaf ah waa cajiib carabta soo tahriibeesa kariiga meel kasta iyo afkaanistaan sweden ayee imaadaan waaye meesha sharciga laga siiyo waa sweden anaga hadaan nahay qoxooti dad shaqeesta ma ahan taas aniga waan oghay waay wadan kaan waxaan deganahay towan iyo sideedsano waxaana degenhay tensta xafad la yiraahdo oo qoxootiga kubadan hada ciyaal kii somalida waxee gu wooyiin iskuuladii iyo baabuurtii waxeena ujoogaan fooda wadan kaan somalida ciyaal ayee dha laan shaqana maba rabaan waayo waxuu ku leeyahay ceerta iiga roon waaye ciiyaal badan oo heestaa sidee shaqo ku helaa wax mabaran xitaa luqada ayaa dhibeeso wadan kaan maxaan ukeenay waa aragtay meesha sharciga naga siin lahaayee hadee siin lahaayeen african sida faran siiska magac ayee keenila haayeen dadkana wee dhax gali lahaayeen waxna wee baralaayeen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  13. fatima says:

    toloow gabaratan qolameey aheed

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. Haykal abdi says:

    fadumo waaa rrer bari sidaaada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0