Gabadhii ugu horeysay oo xijaaban oo booliska ka midnoqonaysa

Gabadhii ugu horeysay ee Muslimad xijaaban ah ayaa ka mid noqoneysa ciidanka booliska Sweden. Gabadha lagu magacaabo Donna Eljammal oo 26 sano jir ah kana soo jeeda Falastin ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay oo xijaaban oo loo qaato machadka tababarka booliska Sweden.

“Waxay tusaale u tahay bulshada dhaqamada kala duwan ee aan ku nool nahay” ayay warbaahinta u sheegtay Donna mar ay ka hadlaysay ku biiritaankeeda booliska.

5 sano ka hor ayay ahayd markii mamnuuca laga qaaday in haweenka xijaabka xiran aysan ka mid noqon karin booliska balse ilaa hada ma jirin gabadh Muslimad xijaaban oo ku biirtay ciidankaasi.

Gabadhaan Muslimada ah ayaa inta aan loo ogolaan machadka tababarka booliska waxay u shaqeyn jirtay Waaxda Daryeelka Maxaabiista (Kriminalvården) halkaasoo ay sheegtay in aysan wax dhibaato ah kala kulmin oo la xiriirta xijaabkeeda.

Warbaahinta Sweden ayaa isbuucaan aad uga hadashay arinta gabadhaan iyadoo wareysiyo badan siisay wargeysyada iyo telefishinada. Booliska ayaa sheegay in ay gabadhaan faaiido u tahay maadaama ay fahmi karto arimo dhaqanka la xiriira oo iyaga ku adag.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. cadna says:

    waaaw masha alaah waxaan dhihi karaa gabadhaan waa arin wanaagsan run ahaantii waad ayaan ugu helaa in aan kamid noqdo booliska sweden waxaana leeyahay gabadhaan jag hoppas att du lyckas!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. asha says:

    asc aad baan usoo dhaweey nayaa aniga qaasatan gabadhan waxaan ku wada nool nahay hal magaalo waqooyiga iswiidhan magaalageenana aad baa looga hadal haayaa gabadhaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. deeq says:

    asc dhamaan bahda somaliska walaalayaal waxaan rabaa in aan halsuaal ujeediyo dhamaan dumarka soomaaliyeed waa hadey suurtagal tahay
    1/ maxaa dhibah oo ka imaankara hadii haweenkeena eey ulebistaan siyaaba badan oo asturunaanta kamid ah sida gabadhaan eey ulebisantahay????????????????????????
    mahadsanidin dhamaan bahda kuxiran somaliska.com

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Âbukâr Âbđullâhi says:

    xijaabka in ay xirato waa ay fiicantahay lkn gaalo ayey la shaqeesaa sidaan ognahay gaalo kama shaqeeso waanaga muslimiinta ee waxa kaliya ee ka shaqeso aya ah in ay muslimiinta dhibaateeyaan
    Gabdhaan waxa uga ficnaa laheed marki ay qoraneesay poliska sweden in ay ma mid noqoto walaheeda xureenaya falastiin sida xamaas ayna la dagaalanto israel

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  5. Muma Nadira says:

    Asc, Maashalah waa tusaale fcn gabadhan Muslimada ah, waxaan leeyahay gabdho badan oo Soomaali ah ayaa iska dhigay xijaabka iyagoo ku andacoda inaysan shaqo helayn. Mar walba Ale ayaa shaqada dadka siiya aaminsanow. Wabilaahi Towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Khadija says:

    Waa arrin wanaagsan oo ku dayasho mudan. Waana loo baahan yahay inaan ka dhex muuqano bulshada aan la nool nahay dhinac walba. Hambalyo hambalyo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. bishaaro says:

    Waxan leyahay shaqo fiicaan bay heshay waayo waxay u tahay tusale in qofka asoo wata xijaabkisa uu shaqaysan karo gabdh bas wada talow ma la haya oo xijaaban bal ayana ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Ragiihore says:

    Kuweeenana ayagoo wadankoodii hooyo ama meeel gaaladu kubadantahay aan joogin ayay xijaab baad tiriye teashirt kusocdaaan iaahow nahanuuni, alla dadkeena yaaa uga xun dhaqankooda ooy karaaacaaan midkale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ayaan says:

    asc all aqyarta meesha soo gasho marka ogu horeyso ialaahey intii dhimatay ha u naxaristo inta noolna cibaado suaban ilaahey wadankeena hanoogu dhigo nabad tan labaad hal maka fakirteen nagtaan ma dhici gartaa iney tahay jaajuus umada muslimka ah loogu tala galay iney soo gumaado mise waa hadal sey u dhigeen dadka meeshan soo galo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. faruuxa cadeey says:

    Asc. waad salaaman tihiin dhamaan Rag iyo Dumarba, iyo shabakada somaliska.com..marka ugu horeeyso xijaabka waa wax waajibka ku ah gabdhaha muslimiinta marka xijaabka qiimaha uu leeyhaay ayaan tusaale kasoo qaadeynaa …. walaalyaal midkee qaadan laheedeen,, Chokolade 2labo xabo mid bacdiisa kuxiran iyo mid aan warqa ama bac midna ku xirneen, oo furan mcn … jawaab wacan xijaab.com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Najmo says:

    ASC masha,allah wan ku faraxsanahay ilah ha usiyadiyo xijabkeda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Ragiihore says:

    Fartuun cadeey mid furan waaba furanyahay xalagadoonaaa? Faro aasootaabtay, dabeyl wasaq, lkin kan xiran waaba xiranyahay ee fur xujadaaada meeshanwaxa yaala iyo xiraalahaagu ismalahaneee mise?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. faruuxa cadeey says:

    Acs ninka la baxay Ragiihore, waad ku sax santahay jawaabta aadka bixisay xijaabka waxwalba wuxuu qiima uu leeyahay markuu asturan yahay marka Chokoladka waxuu qiimo uu leeyahay aadna ku kalsoon tahay markuu ku jiro bacdiisa, Dabeelna iyo quran ma uusan gelin elen wuu sajalaateeysan yahay,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0