Goob uu leeyahay ninkii nabiga aflagaadeeyay oo lagu xiray aadaanka salaada [Video]

Goob uu leeyahay ninka lagu magacaabo Lars Vilks ee caadeystay aflagaadada nabi Muxamed (nnkh) ayaa koox dhalinyaro ah waxay ku xireen Aadaanka Salaada.

Goobtaan oo lagu magacaab Nimis ayaa Lars Vilks waxa uu ka dhisay Kullaberg sanadkii 1980. Dhismayaasha ka samaysan dhirta ee uu sameeyay Vilks ayaa ah kuwo shabaha minaarada Masaajida. Dhalinyaro Swedish ah ayaa go’aansaday in ay ku xiraan Aadaanka salaada Muslimiinta oo si otomaatik ah maalintii 6 jeer u adimaya. Dhalinyaradaan oo video ka sameeyay hawsha ay qabteen ayay sheegeen sababta ka dambaysa in ay tahay in ay muujinayaan xoriyada diinta ee wadanka Sweden ka jirta iyo in ay muujiyaan xushmada dhaqamada kala duwan.

Lars Vilks oo wax laga waydiiyay arinta lagu sameeyay goobta uu isaga dhisay ayuu sheegay in uusan waxba ka qabin arintaas. Isbuucyadii la soo dhaafay ayaa Lars Vilks waxaa aad u cambaareeyay saxaafada Sweden ka dib markii uu la soo baxay wajigiisa dhabta ah ee ku dhisan naceybka Muslimiinta. Waxa uu ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabiyeen cunsuriyiinta ugu waaweyn Yurub iyo Maraykanka oo lagu qabtay magaalada New York.

DAAWO VIDEO

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. ramla says:

    masha allah {nabigeena mohammed} {NNKH} iyo diinteena islaamka ALLAH ayaa difaacaya gaal af xun waxba maka qaadi karo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  2. Abdirahman says:

    Asc. Dhamaan Asxaabta webka.
    Waxaan u arkaa arintan in ay tahay mid ujeedo ay kaleeyihin.
    Tusaale. Waxay dhahen 6.jeer maalintii buu adimaa qalabkaasi. 6.daas jeer ee adinka ah xagee kusalaysantahay.? Bal eeg qiyaanadooda 5.ta waqti ee salaadaha iyo lixdan aadaam sidee isku waafaqin? Allacnatul laah caleek.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  3. midnimo says:

    asc

    xisaabta ku darso

    in salaanda suxay ay leedahay laba aadaan, yaysan kaa hoos bixin. aadaanka hore iyo kan dambe

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  4. midnimo says:

    asc

    sxb xisaabta ku darso oo yaysan kaa hoos bixin. in salaada subax ay leedahay laba aadan. kan hore iyo kan dambe

    asc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  5. abdi says:

    Abdirahman Bro waliga nagatig ha noqon wax walba ha u arkin xumaan, adiga wax walba dhinaca fiicank a fiiri, qofkan wadankiisa ayaa joogta waliba adigoo tuugsanayo ayaa imaatey, marki wixii lagu ogolaado al xamdulilaah dheh, runtii waa wax aad u fiican ilahey mahad haka gaarto

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. samsam says:

    masha allah –nabigna nafteena baan kajacelnahay difaacisana habeen iyo malan waan utaagnaneyna insha allah– intaan noolnahay-nabigeena waan jacelnahay mahamed calyhi salatu wasalaaaaaaaaam

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. OMAR H .HAJI says:

    adaanka ma ficil ay ku camal falayan baa mise mid ay ula jeedan jees jees. midba ok / ka soco diin teena iyo nabigeeena cidana sharaf uguma baahana qofkii isa sharfa illaah baa sharfi kii sharfta iska qaadana adiga lee waye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. bariyoow says:

    masha allah masha allah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1