Göteborg: Nin shalay isku dhex gubay kaniisadda Domkyrkan oo geeriyooday

0

Nin aan la aqoon sababta kaliftay in uu is gubo ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray dabkii uu is qabadsiiyey. Ninkan oo maalintii shalay aheyd kaniisadda lugu magacaabo Domkyrkan ee ku taala bartamaha magaalada Göteborg  isku dhex gubay.

Hans Lippens oo ah afhayeen u hadlay isbitaalka Sahlgrenska, ayaa sheegay in ninkaasi u geriyooday. Falka ninkan ku kacay ayaa dad badan oo ka dhawaa agaagarka kaniisada ku riday naxdin iyo amkaag, booliskuna uma suuraga gelin in ay ogaadaan sababtii falkan ka dambeeysay xaaladiisa caafimaad oo liidatay awgeed.

Kaniisadda ayaa maanta oo arbaca ah albaabada loo laabay lamana yaqaan waqtiga dib dadka loogu furi doono, hase ahaatee shaqaalaha ayaa sheegay iney weli ku dhex jiraan marxalad naxdin leh ay arrintani ku reebtay.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here