Gunada caruurta oo waalidiinta loo qaybin doono

Hay’ada caymiska bulshada (Försäkringskassan) ayaa dhaqan galisay sharci cusub oo ka bilaabata 1-da bisha Maarso loo qaybinayo lacagta gunada caruurta (Barnbidrag) labada waalid. Sharciga cusub ayaa qabanaya caruurta dhalata ka dib 1-da Maarso iyadoo caruurtii hore uu qaban doono sharcigii hore.

Horay ayaa gunada caruurta waxaa si toos ah loo siin jiray hooyada, iyadoo aabaha uu la qaybsan karay haddii ay hooyada ogolaasho bixiso balse hada ka dib ayaa si isku mid ah loogu qaybin doonaa labada waalid ee caruurta wadaagta xitaa haddii aysan hooyada ku qanacsanayn.

Lacagta Barnbidrag ayaa Sweden laga dhaqangaliyay sanadkii 1940 iyadoo ilaa waqtigaas hooyada ay qaadan jirtay. Gunada ayaa gaaraysa 1050kr bishii, iyadoo waalidiinta caruurta badan leh la siiyo guno dheeri ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. ahmed says:

    asc waxaan qabaa su aal waxaad dhadeen waxaa laqeybinaya lacagta barnbidrag oo gaareesa 1050 kabilaabato bisha marso marka 2 waalid miyaa 1050ka loo qeebinaayaa mise waxeey qaadanaayaa min 1050 walidkiba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Geedi says:

    Maya sxb labada waalid waxaa loo kala qaybinayaa 1050 kr så qofkiiba 525 kr ayuu qaadanayaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. waryaa says:

    Lacagta caruurtaa leh, wexey jecelyihiin haloogu sameeyo…

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. ahmed says:

    calashaan ragii awoodoodii ayaa soo laabaty sverige dumar ayaa awood leh waa lays kaga ga daba imaaday hh …

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  5. maxamed@hotmail.com says:

    asc dhamaan akhayaar halkee ka galaa shaariciga cusub isaga oo svenska ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. ifrah says:

    Ilahayow ceeb astur raga somalidow ma waxaba ku qanacsan tahiin ? Ina rag dhan waa idinka tacsiyeyna arintas sharaf darada ah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  7. sahraa says:

    1050 kr hadii lakala qeebiya xitaa ma aabaha lacagta jaabka uu gashana waa maya asal cunuga noloshiisa waaye 1050 hadii loo kala qeebshana halmeel ayee ku xabesaa waxaas wax naf leh ma ahan ama laku farxo ama laka xumaado

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. xussen says:

    asc tani dadbadan weey ufiicantahay halka eey dhibeeyso qaar qofka doonaya ina oow qaato kaligiis weey dhibeeysaa laakin dadkii isfahmaayo xaaladkasta oo eey kusuganyihiin weey ufiicantahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. mohamoud says:

    Lacagtaas caruurta 2 waalid haday ilaahay ka baqaayaan waa in caruurtaas lagu koriyaaah … whli waa ceeb hooyo lacagta caruurta ayuuto ku galayso abe o qaad ku cunaayo misna guri somali ugu gadanaayaan sanoyin badan inta ay aruuriyaan …. caruurta baa iska walaa hooyo walaa abe ma laha lacagata

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0