“Haddii aan cadaan ahaan lahaa sidaa la’iguma sameeyeen”

Sidaa waxaa yiri Yasri Khan oo ah nin Muslim ah oo dhawaan lagu furay fadeexad abaabulan oo ay ka dambeeyaan qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Miljöpartiet (MP) iyo saxaafada Sweden. Yasri ayaa lagu eedeeyay in uu yahay nin Muslim xagjir ah ka dib markii uu diiday in uu gacanta ku salaamo gabadh wariye ah oo ka shaqaysa telefishinka TV4.

Yasri Khan oo ka soo jeeda Malaysia/Thailand ayaa ah nin Muslim ah oo ku adkaystay in diintiisa darteed uusan dumarka gacanta ku salaamin balse uu yahay nin xushmad weyn u haya dumarka isla markaana u dooda arimaha dimoqraadiyada iyo cadaalada. Waxa uu isweydiiyay haddii salaanta gacanta laga dhigayo mid waajib ah , maxaa kale oo dadka lagu qasbi doona? Ma in ay qamriga cabaan? ma in hilibka doofarka ay cunaan iwm?

Waxa uu sheegay in uusan filayn in arinta lagu sameeyay waligiis ay ku dhacayso. Yasri ayaa ah gudoomiyaha urur u dooda xuquuqda Muslimiinta ku nool Sweden oo lagu magacaabo (Svenska Muslimer för Fred och Rättvisa), isagoo si joogto ah loogu casuumi jiray in kuu kulamo la qaato madaxda Sweden.

Markii ay soo baxday in uusan salaamin dumarka ayaa xisbiga Miljöpartiet waxay ka laba labeeyeen in uu ka mid noqdo golaha sare ee xisbiga, balse Yasri ayaa iskiis isku casilay isla markaana isaga baxay guud ahaan xisbiga Miljöpartiet.

Arinta lagu sameeyay Yasri ayaa muujinaysa qilaafka xaga nolosha ah ee u dhexeeya Muslimiinta Sweden iyo Swedishka, oo sanadihii dambe bilaabay in ay toosh ku ifiyaan dhaqamada Muslimiinta isla markaana fadeexad ka dhigaan waxyaabaha caadiga ah ee Muslimiintu ay sameeyaan. Arintaan ayaa bilow u ah in shuruudo cusub lagu xiro Muslimiinta kuwaasoo laga yaabo in ay ka hor-imaanayaan diinta Islaamka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 12

  2. luul says:

    asc
    fadeexad lama dhoho taas waana dulmi iyo cunsuriyad cad lkin waxa laga rabay in uusan is casilin ilaa laga keeno sharciga dadka ku qasbaya in raga mislimiinta ah ee diintooda ilaashanaya ey waajibku tahay in ey dumarka gacanta ku salaamaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  3. massago says:

    Hadaan somali nahay amaba muslimiinta aan dhaho waxaan samaynaa waxbadan oo ka qatarsan xaga sharciga islaamka in qof dumar ah lagacan qaado . Muga waxeey iila muuqataa ayadoon salaan mabanaano iyo waa saaasla dhihin saa xeero loo xagtaa ilkana ku nabad galaan a somalidu horay u tiri. Maxaa xal ah ???

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 5

  4. Jaajumow says:

    Sweden waa wadan fashilma raba haday sidan ku socdaan waxay noqon doonaan sida denmark

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  5. sahra elmi says:

    kuwaan shartooda illaahay ha inaga baxsho waxaan idin weydiinayaa qof imtixaan samaynaya hadii qish lagu arko maxaa lasoo gudboonaankara sharciga sveriga waxaxaad ka ogtihiin bal ii faaiideeya walaalayaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. faarax says:

    Waa mamnuuc qishka. Mise digniin ayaa lagu siinaa mise banaankaa lagu dhigaa lol

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. nasir says:

    Asc xirfada lugu qoro wararka aya ka maqan warkan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. aisha says:

    Way cunsuriyenayan inanka in dumerka la salamo Waa xaran

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Abdikhadar says:

    Yasir khan cunsuriyada loo muujiyay Aad ayaan oga xumahay waxanan aaminsanahay in aanu dumarka necbayn ee uu danaha sweden ka shaqee inta uu is lahaa la cunsuriyeyay incha ALAH markale waad ka soo muuqataana saaxada siayaasada sweden

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. shamso says:

    asc dhamaan waa wax laga xumaado waxa lugu sameyeey wiilkan musliimka ah. wana wax qaldaan sweden kam jiirto in dadka lugu qasbo waxeyneen reeb laaakiin hada hadaan muslimiin nahaay waxaa nasaraan toosh oo ee qeeb kawadaan dad munaafaqiin ah marka ilaah shartooda hanaga qabto insha allah .wiilkana allah ha mahdiyo wayo waxu haystaa imaan anaan waxba anaan laga qadeey gaal iyo munaafqaba waxeey rabaan ha hadeene

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  11. daacad says:

    yaa huba ninkaan inow taas sameeyay laguna sameeyay somalidu wexey ku ba, day hadal aan sal iyo raad toona leheyn war xaqiiqda markaad ogaataan ka hadla oo ku hadla hadal micna sameynaayo waxna bedeli karo salaama

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0