Haddii sharcigaan uu dhaqan-galo, Sweden dib ugu noqonmayso sidii hore

Iyadoo dhawaan uu baarlamaanka Sweden ansixiyay sharci si ku meel gaar ah adkaynaya qaabilaada qaxootiga. Sharciga cusub ayaa la sheegay in uu shaqeynayo muddo 3-sano ah, iyadoo ka dib ay Sweden dib ugu laabanayso gacan-furnaashihii hore. Balse hadda ayaa waxaa soo baxay mooshin cusub oo ay soo jeediyeen Midowga Yurub.

Mooshinkaan cusub oo uu soo jeediyay komishinka EU-da ayaa lagu doonayaa in lagu mideeyo guud ahaan nidaamka qaxootiga looga qaabilo wadamada xubnaha ka ah ururka, oo ay ku jidho Sweden. Dhamaan sharciyada deganaanshaha ee la siiyo qaxootiga ayaa noqon doona kuwo ku meel gaar ah oo 1 sano ah iyo dadka qaxootiga Geneva oo 3-sano la siin doono.

Wasiirka Socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa wargeyska SvD u sheegay in aysan hadda ka hadli karin mooshinka EU-da.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

23 Responses

  1. shamso says:

    Aniga sharciga 5 sano ah aya hestaa marka ciyaalka udacwonaayo ma iqabanaya sharuuda ah inaa masruufikarto qofka keneyso plz iso jawaab Jimcale daruuri aya u ahay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

    • Faarax says:

      Hadii aad codsatay sanadkii hore november kahor wax sharuud maleh. Laakiin waxaa daran wixii november kadambeyay.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Cabdul jabber says:

    Shamso shaqo iskuma malahan sharcigaan. Haddii aad sharciga qaadatay waqti hore.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  3. Zaki says:

    Jimcaale kan 5 sano bn haysta shuruuda biilka ama masrufka sharciga may qabanaya 2010 bn qatay plz ii jawaab Boro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. saeeda bilan says:

    asc dhamaan wan idinsalaamay salan kadib waxaan qabaa sual iika jawaba asaxabta iku dhaanto waxaan ahay dadka singalka ah waxaan horay uheystay 4 diidmo oo leyka siiyay ninkeyka hada waan shaqeystaa waxaana heesyaa sharcika geneva marka hadii an ninkeyka dacwad uxareeyo maleykeenaa asna wuxuu heestaa basapoorka yeman marka hadan u xareyn rabaa dacwada iisoojawaaba wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • fuaad says:

      Hadaa shaqeyso ninkada walaguu keenaa laakiin sababta afarta diidmo laguu siiyey markii hore mexey aheyd?

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abdi says:

    Reer sweden ilaahey ha ugargaaro north america qof qof ku tiirsan maleh free movement waye adiga u xor ah dantada iyo xoogada qof kama sugeysid inuu wax ku sheego qalbiga ka gumeesto sharciyo cusub oo badan maleh waa qoomiyad badan wadan kasta ku nool sweden dadka maskaxda laga heystaa shaqo sharci wax kasta plz balanteenu waa canada iyo usa inshallah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Kkkk says:

      hada iyo tahriib kalaa kkkkk

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Anwar says:

      Sxb anaa canada raba ma igu saacidi kartaa kontakt ma ii heleysaa 10 sano su’aal iyo sharci cusub lee daba taagan iyo shaqo silac ku hel, Allow amuuraha noo saqir Adaa qaadit ahoo gafuuru raxiim ah

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Hussein says:

    Asc waa idiin salamay suaal ayaan rabaa in laiigasoo jawabo ciyal iyo hooyadot ayaa swedan igajira DNA waa leyga qaaday broseskoo dham waa maray lawo far iyo sawir ayaana la iiga qaaday illaa hada warkama haayo xaaskeygina waxhadal ah meyhelin maxaan kasugan karnaa? Maadaama iyada intarfiyuu lagaqaadin iigasoo jawaaba asxabta???

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. saeeda bilan says:

    fuaad walaal waad mahadsan tahay suaasha aad iweydisay hadan kaakajawabo waxaa afar jeer diidmada leysiiyay caruur iskuma dhalin tankale bsaboor la aqoonsan yahay maheesto hada lakiin wuxuu helay wadankuu kukoray basaborkisa yeman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • fuaad says:

      Asc. Waxba haka baqin ninkaada walaguu kenayaa mardhow inshallah hadii uuba passporkii lagu xujeeyay uu layimid. Ilaahey hakuu fududeeyo.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Salmo says:

    Asc ayaantaan yaa war haayo arinta 2 sano intuu ku danbeeyay aniga jawaab ayaa sugoowaa ilaaheey amuurteena hasahlo aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Was walk wuu sodas labosano lamadhaafin Anza shaky diidmo leeygu siiyay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Wcs wali lamadhaafin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Salmo says:

    Asc kufilan goormaa goaanka lagaa soo gaaray faafain maiga siin kartaa tack!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Isra says:

    Asc asxaabta sharcigaan familada lagujoojiyay maqabanayaa caruurta da,da yar iskudhiibtay ee familadooda udacwonayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Wcs salmo 19 bishaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Salmo says:

    Kufilan mahadsanid aniga laba mar ayaa diidmo leesiiyay marna 2sano marna somali nimadiisa hasoo cadeeyo ayaa diidmo leegu siiyay maxkamada ayaa ku soo celisay magareshinka waxeena tiri dadkaan baritaan kale ku sameeya amuurta ilaaheey hasahlo aamiin tack!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. asc July 28 2016 at 19.27 aniga sharciga 5 sano ah ayaan hesta marka oo ah Ganeyva marka sharciga weyn meqo sano ayan kuqaata igasoo jawaaba asxabta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. allamin says:

    saxib hadad somali tahay ama geneva hayso ama bilan adinimo hayso sharciga wayiin waa 8 sano kadib

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. umu amiin says:

    asc asxabey waxan idin weydiye
    familkeyga ayan udacwoday wana lodiday waxana nalagu hesta 2 sano iyo somalinimadina ma aqonsanin carurna wan iskudhalnay marka hadi dacwadkale an subino o pasabor kenyan ah an kusubino wax dhib ah miya noga imanaya qofki wax igu dhama ha isojawabo inshalah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. Umsumaya says:

    Asc umu amiin aniga wexey ila tahay inaadan pass cusub wax ku xareen hadda ka dib. Ileen gabar aan aqaano ayaa sidaas cml sameeysay waane loo diiday ninkeeda. Abaayo allaha kaga soo qaado. Aniga hada ayuu interviu ninkeyga marayaa. Insha allah kheer. ☺

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0