Haweeney saaxiibkeed dhamaan ilkaha ka saartay

Dalka Poland waxaa ka dhacday sheeko cajiib ah. Haweeney dentist ah ayaa saaxiibkeed oo ay kala tageen waxay ka saartay dhamaan ilkaha.

Haweeneydaan oo da’doodu tahay 34 sano laguna magacaabo Anna Mackowiak ayaa warbaahinta u sheegtay “waxaan isku dayay in aan isceliyo balse dareenka ayaa iga tanbadiyay”. Saaxiibkeed oo dhowr isbuuc ka hor ay kala tageen ayaa caawimaad ugu tagay ka dib markii uu ilig xanuun ka dareemay.

Haweeneydaan ayaa durbadiiba qol ku xiratay iyada oo aad ugu badisay daawada suuxinta si uusan u soo kicin mudo. Ka dibna waxay mid mid u bixisay dhamaan ilkihiisa. Ninka ayaa markii uu soo kacay waxay afkiisa dhan ku wareejisay sharooto iyada oo u sheegtay in uusan hada ilkihiisa dareemi karin daawada darteed.

“Waan dareemay in wax qaldanyihiin markii aan soo kacay, waayo waxaan dareemi waayay ilkahaygii” ayuu yiri ninka ilkaha laga saaray. “Balse ma filayn in ay sidaan samaynayso. Waxaan isdhahay shaqadeeda ayay qabsaneysaa”.

Ninkaan ayaa sidoo kale ku waayay dhacdada saaxiibtiisa cusub oo ka tagtay ka dib markii uu ilka beelay. Haweeneyda ayaa hada lagu soo oogay 3 sano oo xarig ah iyo in ay jabisay xeerka dhaqaatiirta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

26 Responses

  1. Yusuf yare says:

    Waa arin cajib ah waxanse la yabanahay xasidnimada hawenaydan waxa ay samaysay balse waxan leyahay arintan oo dhan ma qusayso hawenka oo dhan waa qof u ka tan badiyey hamigeda xun

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. Saredo says:

    Duf kubax cadowsanaa waxay istiri naag dambe yulaqoslin dumarka waxkastaa kasurooba haday maseyraan. hadba wixiihorjoogaa ayaga uhagaagsan bal arka tii ninka kagoysay xubinta taranka. caloosha geed kudhufta

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  3. Khadija says:

    Saredo habaarka naga kala daa abaayo hana iloobin inaad ka mid tahay kuwa aad leedahay wax kastaa ka suurooba iyo caloosha geed ku dhufta maadaama ad isku wada xukun ka dhigtey dumar oo dhan ood ku jirto waaba haddii aadan ahayn nin isticmaalaya magac dumar.
    Malaga yaabaa inuu isagu horey xanuun ugu geystay gabadhaan ileyn qofna meel cidlaa go’aan kama qaatee.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  4. Haykal abdi says:

    waaaaw hana kkkkkkkkkkkkkk saredo erayga ah Duf ku bax goormaa iigu danbaysay RER bari .com si kal iyo laab ah ayaan u qoslay lakiin ragu waay ku macdahay qaarkood in ilkaha laga saaro waxaay ku qoslaanba hawayaane , mida kale araweelaba raga waxaay ka saari jirtay xubinta taranka raga maxaaa naagtaan ilkaha saartay loola yaabayaaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • ilove somalia says:

      kkkkkkkkkkk wayku macdahay nimanka qaarkod wax ilkaha lagasaaro maxaa yeelay hadaan anaga dumar nahay badankayaga meel cidlaa masayrno naagtana naag laga maseer shay bay u egtahay

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Daadaa says:

    Ilahey ku cadab cadaw sanaa lakin hadi run la shega xaqa wuxu ku jira sharecadena xanif ka ah wayo inte kasibta laga sibaya islamka bal 3 sana lashegay in lagu xukumay waxa macqul ine xabsigas gadato ama cafis dowlada lagu so dayo nine wey mustaqbal tirtay afka bel dheh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. deeqa says:

    asc khadiija waa runta sxb qofna meel cidla ah kama xanaaqo kolayba wabaa kukalifay gabadhaas aniga rayigaas ayaan qabaa ka aarso uunbaana ugaysay iyo si uusan naag danbe ushumin beelaay kutahay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Saredo says:

    @qadiijo abaaye mahabarin dumar koodhan balse habaarku wuxuu ugaar yahay naagtan iyo inta lamida ofalalka xunxun sameeya dumarkuna kuwo xun iyo kuwo san ba waakujiraan hasayeeshe dumarka 80% haday masayran axdi xirayaa majiro.. Aad baana unecbahay naagaha raga qayaana oxumeeya raguna marhaday naag rabaan maxisaabtaman naf iyo maalba way ilaawan waxaa layiri sir naagood lama salgaaro marka dumarow hala dhaqaaleyo raga raguna xaasas kooda haka daayan waxa dhibaatada uhor seeya.. Asc wxm

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. iga dheh NIN DOQON ah says:

    mahan wax cajiib ah ama ladho waalalyaabey laakiin waa arin uu sameey qofaan caqli laheyn maxaayeeley Naag aad ka tagtey sidee ayaan uga rajeyn kartaa iney ixsaan kuu sameyo ama ugudato shadeeda mise wadanka Poland ayuu ka waayey DR ilkaha xoolo iga dheh kaas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Nasro dahir says:

    Xubinka hata inay kajarta ficnayd,marku jacayl kuriday o wakhtigi kaqaday ayu hada leyahay ilig aya ixanuni,saredo ninba tahaye naag matìhid sory,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. faaiso says:

    haaaa walhi si fiican bayba yeeshay hadeysan isaga dhan qarajin shiit nimanka qaar saa wey ku fiican tahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  11. Saredo says:

    Nasra daahir walaley maxaarabta indumar koodhan iskurayi noqdaan ninkaanna loomadhalin naagtan hadii la isfahmiwaayana waalakala tagayaa xaqna umaylaha inay saayeesho haday dhaqtar ahayd na waawaajib saaran in aycaawiso qof kastoo kusohagaga oshaqadeeda ah odhibaataysan marka falkan xun yaan looriyaaqin hana laga ducays to.. Anigu waxaan ahay gabar somaliyed walaahi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Laxwalbaa Meesheey Is Dhigtaa Lagu Qawracaa says:

    Allaah naguma keeno , laakiin Islaan aad Furtay , kana masayrsiiday , Maxaa Ilkahaaga ugu dhiibanee , maxaadse ineey ku Kabaabyayso ugu idmee , waaba Baaquli Kabaabyo ah haku Cabsiido hana ku QALATO !!

    Laakiin EED maleh waa NAAG maseertay , ragoow dumarka haka masayrinina…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Geo'rge Af'rax says:

    WAx kale oo lag hadlo mala waa yey! mise Melkasta soomaalidu, Waqti dhumis eey ku Caan baxeen!, waxaa Umma somaaliyeed ee swden Dhibaato heeysta! Naag nin keeda Ilka kala baxdeey aa war …News muhiim ah noqo tey!? caJiib…..wax barasho, kala faa iiideeysi.. wax isku sheegid … waddada nolosha in leeys tuso… Duruufaha, dad-ka meelaha Fog fog ee waqooyiga Sweden dad-ka ku heeysta… abuuritaan Business… TAloo yinka Xifadaha Cusub…. iyo… wixii HAl abuur ah… ka mu hiim noqo tey— inan yar keeda Ilkaha ka saartey oo waliba Polish ah!!?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. safo says:

    asc dhamntena Afrax waa lobahan yahay mar mar in laga hadlo dhacdoyinka qaar kkkkkkkkkkk wlhi waxi an sameyn laha ayeey sameysay nimanka ka qaar ayaa jog laga wayay canan ayeey u tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. raqiya says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk walahi waa funny inragab ilkaha laga guro dhanabaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  16. Cadni says:

    walaahi aadbaan ugu qoslay arintaan cajiibka ah ugana naxay waayo waa wax la yaab ah balse aniga waxaan isleeyahay ninka dareen uu naagta u qabay ayaa u keenay oo wali jaceyl buu u hayaa si kalsooni ahna wuu ugu yimi si uu usoo ceshto ama uu xiriir ula sameeyo balse nasiib daro ayaa ku dhacday………………….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Run u sheeg says:

    Walahay waxaan la yabay rayiga dumarka somalida mar mar waxad is oranaysaa wa dumarka ugu caqliga xun bal firiya rayigooda hal gabadh ayaa ugu rayi fican taasna maxad rayigaga u shegaysaa ayay ku haystaan waa wax lala yaabo war dumarka somalida xagee xaqliga ka aaday waa yaabe hadii aad nin is qabatan alle waxa ku banenyey inaad kala tagtaan oo is furtaan maxaa ilka kasarid iyo walahay waan ka saari lahayo maxaa keenay walahay waa akhri samaan ilahay ku mahadiya oo dhib aan idin haysan ha isku kenina aniga waa iga talo wax xun ha la iska jiro balse waxad modaa in balada loo sacaaba tumayo
    Arinta ninkana awalba gaalo ayay ahayeen qof diin leh waxas kuma dhaqmeen waayo in la xisaabayo ayuu og yahay thnks all inta fikrada fican

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  18. Abdirahaman sheikh dahir (wasiirka) says:

    Kkkkkkkkk adunyadaan wax walbo waad arkeysaa cajiib maseer xumaan badanaaa allow ha nagu dirin naag masersan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Daadaa says:

    Waxan arka dumarka inta ra,yi dhibatay inta badan wey tageren ilka bixinta dhacday inad magtan sida sameya anaga dad islama nahay ogada in sharecada hadin hor geyn dona oo laga bixi dona inta ilka ad sibtay galadan sharci ben benta an akhlaqda laheyn ka didgtonada wa iga dignin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. xalaawi says:

    asc walaalayaal waaa arin layaab leh
    balse qaladka oo dhan waa ninka
    ayaan umaleynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Aisha says:

    Subxana lah k k k k warhedhe ninku doqon sanaya nag ufuremaxa afkisa ugey k k k k

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  22. safo says:

    asc dumarka somaliyeed waa dumarka ugu aqliga fican adunka ii ya la dhihin aqli xuma ee isku xishoo wad ogtahay nagaha somaliyeed waxey ugu sabran nimankoda nag ku sawarta adunka ma jirto marka alxamdulilaah dhaha ragina somaliyeed

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. filis says:

    kkkkkkkkkkkkk waa cajiiiiiiiiib waa fajac jahil nimo aya u geysey iney ilkaha kala baxdo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. qalbi qaboojiye says:

    asc…
    walaalayaal aniga oo ah gabar soomaaliyeed wlhi ninkaygii
    mar aan isla seexanay sidaas uma galeen lakiin xoga waa
    dhibi lahaa laakiin ilkaha kala bax ima soo marteen
    gabdhaha soomaaliyedna ilaahay janatul fardowsa alaha
    ugu bishaareeyo aamiin dhaha ragoow as wr

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. qani says:

    naagaha somalida waa isku caqli

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1