Heshiiskii Decembar oo burburay!

Xisbiga KD (Kristendemokrati) oo ka mid ah xisbiyada is-bahaysiga  dhinaca midig ee la isku dhaho Alliansen ayaa buriyey balantii ay la galeen xisbiyada bidix ee talada wadankan haya.

Ka dib doorashadii guud ee dhacday xagagaagii 2014 waxaa soo baxday in xisbiyada bidix iyo midig uusan midna ku guulaysanin aqlabiyad uu wadanka ku hogaamin karo sidaas daraadeed ayaey kala saxiixdeen heshiis lagu soo koobay afar qodob oo kala ah:

  • In wadanka uu hogaamiyo isbahaysigii hela codadka ugu badan iyadoo markaa ka dib jagada Ra’iisul wasaaraha uu qaadanayo xisbiga ugu codka badan.
  • In aan cod ahaan looga soo hor-jeesaan miisaaniyada ay keento dowlada aan aqlabiyada ku lahayn baarlamaanka.
  • Xisbiyada S (socialdemokrati) iyo MP (miljöpartiet) waxay balan qaadeen in aysan kordhinin canshuuraha laga qaado dadka mushaar ahaan uu u soo galo dakhliga badan.
  • In labada garab ee bidix iyo midig ka wada shaqeeyaan sadedex siyaasadood oo kala ah:
  1. Siyaasada difaaca iyo amaanka
  2. Siyaasada gunnada waayeelka (Pension)
  3. Siyaasada tamarta (Energi)

 

Maanta galenkii dambe ayey  ahayd markii xisbiga KD golihiisa dhexe ay u codeeyeen in laga baxo balantii lala galay xisbiyada bidix ee tallada wadanka haya taasoo la micno ah hadii hal xisbi oo ka mid ah Alliansen uu ka baxo heshiiska in gebi ahaanba uu burayo heshiiska.

Durbadiiba waxaa soo baxay fal-celisyo ka yimid dhanka xisbiga cunsuriga ah ee SD”Waan soo dhaweyneynaa go’aanka xisbiga KD, isbuuca dambe waxaan muujin doonnaa kalsooni darro aan ku qabno wasiirada maaliyada Magdalena Andersson. Waa xiligii doorasho cusub loo dareeri lahaa” sidaasi waxaa bartiisa Twitter-ka ku qoray hogaamiyaha xisbiga cunsuriga ah ee SD.

Waxaa sidoo kale arintan ka hadlay xisbiyada Alliansen ee garabka midig iyagoo wada jira ayeyna ku dhawaaqeen in heshiiskii buray.

Ra’iisul wasaaraha wadanka Steven Löfven ayaa dareen carro leh ka muujiyey go’aanka ay qaateen xisbiyada Alliansen isagoo sheegay in ay ilaalin waayen go’aankii ayy hoosta ka saxiixeen oo ay weliba difaaceen iyagoo hor-taagan dadkii doortay.

Ilaa iyo hada lama oga sida ay xaaladu noqon doonto laakiin hadii aan heshiis cusub dib loo saxiixan waxay u badan tahay in doorasho cusub dhici doonto dabayaaqada sanadka 2015.

 

Faafi mowduucaan

Abdi Addow

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN! Twitter: https://twitter.com/abdiaddow1

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. MASSAGO says:

    DOORSHADA HORE AAN MEEL QALAD AH U CODEEYAY TOOGAAN WAA ISKA HUBIHA MAHAAN KURIDAA XAANSHAYDA TOLOOW GOORMAY DHECEEE NOVEM MASE DECEMBER

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Abdirahman says:

    Markan codkeyga WAN kafirsanaa Wayo mel an filaye iney ficantahay ayaa KU habsamey lakin markan codkeyga waa inaa ufirsadaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. samsam says:

    VIVA social demokrad somalay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. Cali says:

    Sam Sam ma waxaad rabtaa in Cunsuriyiintu Ku wasaan’ maxaad Ku door bidaysaa Dad diinta xataa aad haysato kugu neceb qashina kuu arka’ SD wuxuu Xisbi u yahay in dadka adoo Kale ah uu Dalka ka safeeyo ogow Futo Wayne iyo Calool waawayn ayaad dhigaysaaye.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  5. Hasan says:

    jaahil Fooqal Jaahilad’ hadal iyo wax Ku Caayaad doonaysaa malaha’ Qofaan waxna qorin waxna akhriyin oo Jaahilaad u hadal egtahay oo hada qoraalka afsomaliga bartay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. faarax says:

    cali, nin degdegaayo ayaa tahay, mise jaahilnimada kugu badan. social demokrat (S) iyo svensk demokrat (SD) soo kala baro intaadan wax caaynin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • iHoshow says:

      S= socialdemokraterna
      SD= Sverigedemokraterna..
      Soomaaliyeey indhihiina fura oo bulshada aad la nooshihiin wax ka barta.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Sxbyaal waxaa jira dad badan oo lamid ah cali oo aan kalagaran Sverige demograti iyo social demograti oo markasta u codeeya Sverige demograti halayaabina aqoontiisa ayaa intaa la eg dad badan ayaana lamid ah balse in uu ccaytamo waalaga wanaagsanyahay mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. hasan says:

    Cayda wuu Ku khadanyahay Cali’ se kuwan kalee aqoonta sheeganaya saxayana isaga ayaba yaguna khaldan maxaa yeelay gabadhu uu ka Cadhooday waxay qortay SD ama S wuxuu yahay lama yaqaan SD ayuuba u dhawyahay qoraalkeedu qaabkay ay u kala qaaday markaa idinkoon isaguun jaahil Ku sheegin sida wax yihiin u fiirsada axsaabta Gaalada kala Garashadoodu malaha waa Cilmi.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0