Hogaamiyaha cunsuriyiinta oo aan markale lagu marti qaadin cashada Nobelka

5

Hogaamiyaha xisbiga cunsuriyiinta SverigeDemokraterna (SD) Jimmie Åkesson ayaa sanadkii labaad aan lagu marti qaadan xaflada cashada loo sameynayo dadka ku guuleystay bilada Nobelka oo lagu marti qaaday dhamaan hogaamiyaasha xisbiyada kale.

Gudiga qaabilsan agaasimka bilada ayaa sheegay in aragtida Åkesson ee ku dhisan qabyaalada ay ka soo horjeedo dardaarinkii Alfred Nobel oo aasaasay biladaan. Dardaraankii Alfred Nobel ayaa ahaa in jinsiyada qofka aysan ahayn mid muhiimad ah halka xisbiga cunsuriga ah ee SD ay aaminsanyihiin cidii aan Swedish ahayn in aysan dalkaan waxba ku lahayn.

Åkesson ayaa ku dooday in go’aankaan uu ku yimid si qaldan oo loo fahmay siyaasada xisbigiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here