Hoos u dhac ku yimid qaxootiga qaaradda Yurub ka soo gala dhinaca badda

0

Midowga Yurub ayaa todddobaadkan dabayaaqadiisa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo xaaladaha qaxootiga ku soo qul qulaya qaaradda. Midowga ayaa sheegay in qaxootiga dhanka badda ka soo gala uu dib u dhac ku yimad sanadkii ina dhaafay ee 2016-ka, marka la bar bar dhigo sanadihii hore.

Arrintan ayey ku macneeyeen heshiish-ka Midowgu la galay dalka Turkiga oo dowr weyn ka qaatay. hakinta qaxooti badan oo qaaradda ku soo qul qulayey. Hase ahaatee muhaajirinta ka soo gala badda Matereeniyanka iyo dhanka Talyaaniga ay aad uga sii kor dheen intii hore.
Midowga Yurub ayaa horey balan qaaday ineey taageero dhaqaale siinayaan dowladda Ankara, islamarkaasina muwaadiniiteedana fiiso la’aan ku galayaan dalalka bah wadaagta. Sidoo kalena la bilaabayo la dar dar gelinayo dooda la xirrirta ka mid ahaanshada dalka Turkigu ku doonayo inuu kaga mid noqdo midowga Yurub. Balse waxey dib u dhacday markii dalkaasi inqilaabka meleteri ee dhicisoobay ka dhacay bishii luulyo ee sanadkii ina dhaafay.

Dhinca kale hey’adda ilaalada xudduudaha Yurub ee Frontex, ayaa shaaca ka qaaday in qaxootiga weli ku soo qul qulaya qaarada ay ka yimaadaan dalalka Suuriya, Afgaanistaan iyo Ciraaq. Hey’adda ayaa sidoo kale sheegatay in sanadkii  2016-ka ee ina dhaafay dad gaaraya 181 kun ay ka soo talaabeen dhanka badda dhexe ee Metereeniyanka , qaxootigan ayaana badankooda ay ka yimid dalalka Neeyjeeriya, Eretereya iyo wadamo kale oo afrikaan ah, waaana tiradii ugu badneyn ee la diiwan geliyo 20%-na kor uga kacday sanadkii ka soo horeeyey 2015-ka.

Ugu dameyntii hey’ada ayaa tilmaantay in sanadkii ina dhaafay ay badda dhexe ee Metereeniyan-ka ku dhinteen dad gaaraya 5000 oo muhaajiriin ah. Waana tirradii ugu badneyd ee muddo sanad ahi dad tirro intaas la eg ay ku dhintaan xeebaha isku xirta Yurub iyo Afrika.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here