Imisa qaxooti ah ayaa Sweden soo galaya sanadkaan?

Iyadoo sanadkii hore ay Sweden iska dhiibeen dad kor u dhaafaya 160.000 qof oo qaxooti ah, ayaa sanadkaan la filayay in ay ka badan boqolkun iska dhiibi doonaan wadanka balse xaalada ayaa si weyn isku badashay, ka dib markii ay Sweden xuduudaha xiratay isla markaan wadamada kale ee ilaa Greece ay xireen xuduudahooda.

Laanta Socdaalka Sweden ayaa hadda dib ugu noqotay tirada qaxootiga ay filayaan in ay wadanka soo galaan sanadkaan, iyadoo hadda la filayo 30.000 ilaa 50.000 qof in ay wadanka soo galaan sanadkaan. Waxay sheegeen in sharciyada cusub ee dowladu ay ku adkaysay arimaha socdaalka ay saameyn yeesheen.

Guud ahaan waxaa aad hoos ugu dhacay tirada qaxootiga soo galaya qaarada Yurub, ka dib heshiiskii ay la saxiixdeen Turkey. Sanadkii hore ayaa waxaa dhinaca Turkey ka soo galay qaxooti kor u dhaafaya 1 milyan oo qof balse sandkaan ayaa la filayaa 250.000 qof oo keliya.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Asc qaxoti le la leyahay awe dadka wax xarayste wali ayaga jwbna an helin wayo dad badan ayaa jwb la

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Salmo says:

    Asc akhayaarta ayaan taan yaa jawab helay aaway dadkii 2 sano lagu heestay xageey galeen shi shibta waa maxay tack!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Was salmo abaay afkiibaa Judas gabay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Afkiibaa j uuqda gabay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Umsumaya says:

    Asc dadka 2 sano wax war helay ma jiraan?Aniga ninkeyga interviu u sugaa. Ilaah ha noo wada sahlo wixi kheer ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. ???? says:

    Dadka diid mada heysto waxaan kula talin lahay haku dhuminin waqtigada meel cidla ah paris ayeey kashidan tahay kana ceyr badan kana shawo badan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0