Isku wareejinta kaniisadaha Yuhuuda oo soo gaadhay Sweden

Sidii aan soo qornay bilowgii isbuucaan waxaa magaalada Oslo ee dalka Norway ka dhacday arin cusub oo ay sameeyeen Muslimiinta ku nool wadankaasi kuwaasoo isku wareejiyay kaniisada Yuhuuda si ay uga difaacaan weerarada. Arintaas ayaa u muuqata mid ku faafaysa wadamada dariska, iyadoo hada ay soo gaadhay Stockholm.

Labo jaaliyadood oo mid lagu magacaabo “Muslimiinta ka soo horjeeda Yuhuud Naceybka” iyo “Dhalinyarada Roomada” ayaa maanta qabanqaabinaya mudaharaad la mid ah midkii ka dhacay Oslo, iyagoo doonaya in ay isku wareejiyaan kaniisada Yuhuuda ee ku taala Stockholm. Ilaa hada 800 qof ayaa la filayaa in ay soo xaadiraan.

Arintaan cusub ee laysku wareejinayo kaniisadaha Yuhuuda ayaa si kala duwan loo fasirtay, iyadoo dadka qaar ay amaaneen oo lagu tilmaamay mid kordhinaysa isku soo dhawaashaha Yuhuuda iyo Muslimiinta. Halka qaar kale ay ku tilmaameen arin istustus ah oo aan wax micno leh ku fadhin.

Sidee u aragtaa adigu?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. nawal says:

    posativ nimadu waaa wax wanagsan marka runtii wax wanagsan an u arkaaa anigu waaayo in la dhibateeyo xurun qomiyadi aminsan yahin inay ilahay ku cabduyaan sida aan u aminsanahay inaan masajidka ilaah ku cabudno in la dhibateyo maficna dadka dhibaateynayana inlaga soo horjeesto waa waxwanagsan ,lana tuso inan muslimintu rabin in meel diin ladhibaateyo,,

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 9

  2. Saqaawe says:

    Asc
    Waa arin fiican in la ilaaliyo goobaha cibaadada aan wax loo dhimin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 5

  3. Zakaria says:

    Waa wax laga yaq yaqsado runtii in yuhuud la yiraa islaam baan ka difaaceynaa!!! Dhab ahaan dhibaatada dunida islaamka ka dhaceysa waxaa masuul ka ah Yuhuudda sida tan magaca islaamka lagu cayaarayo ee ka socoto dadalka SURIA iyo Iraq oo intii garaneysaa uu yahay nin yuhuuda nin hoggaamiya ISIS ee loo yaqaan ABU BAKR AL BAQDADI.
    waxaad ogeydeen wixii QAZA ka dhacay marka kuwa leh wax ban difaaceynaa waa kuwa yuhuuda u shaqeya ee Lacnat LAAH caleykum……

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  4. asraa says:

    Wlh ad ayan uga xumaday arintan ay musliminta sameynayaan hadeyba dheheen waxan difacenaa yahuuda wax kalana waa kasugaayaa yahuud aan wada ognaya dhibatada ay kuhayaa musliminta falastin ee an waxba galabsan sida aya uxasuqayaan musliminta Alle hasoo hanuniyo Yahuud an difacenaaa aaaaaaaaa wlh waa naxtin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. shiino says:

    runtii waa arin aad u fool xun in la isku wareejiyo tample yuhuud lee dahay sababtoo ah yuhuda maxey ka aminsan yihin qofkam yuhud aheed ? waxey aminsan yihin in waxan yuhud aheen in ayaga uun u shaqeeyo marka waxey ila tahay arin fool xun
    maxa laga difaacayaa ? yaase laga difaacayaa ? suasha kale sidee iskagaga difaacnaa inta aan iyaga difaacin?´´´´

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  6. luul says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  7. muhidin Ahmed says:

    Ama isku wareejiya ama heesku wareejina ajar allaah aktiisa ugana heleysiin yuhuuduna idinkuma jeclaaneyso sidaas oo rabbiyaa horay usheegay mida kale ninka yahuud diffaacaya falastiin ayow xaqiray mid sii kale oo ah kaniisad ayaad agteeda ku muujiseen shucuurkiina diimeed iyo kan dadnimo dadki masaajidka lugu xasuuqay na intaad masjid ag tagtiin kama muujina shucuurtiina marka taasu sow godob maahan tolkeeygoow

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 1

  8. Turaabi says:

    Subxaanallaah
    Hadii muslimiinti Ee ka aamuseen Masaajida Alle oo Maalin kasto La hol cinaayo la gubaayo
    una istaageen ineey difaacaan kaniisadaha laguna dhax haayo shirki iyo sidi loo daba jari lahaa masaa jida Allaah
    Yaa difaacaayo Masaajidda Alle swt
    bal adi is weey dii
    yaa gubo masaajida?
    yaa laga rabaa ineey u istaagaan ?
    hadaad u istaagtaan kaniisadaha difaacooda yaa u istaagayo masaajida Alle swt oo maalinkasto la gubaayo?
    Damiir xumaa Dad kaniisad difaacay oo islaam isku sheegaayo Masaajidoodana dab la qabad siinaayo maalinkasta?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  9. bilow says:

    Asc
    Waa arin aad u xun in la sameeyo waxaan oo kale.
    Maxaa yeelay yuhud iyo iskamka waxa ka dhaxeeto waa la yaqaanaa.yuhuuda wax ay raali ku noqoneyso ma ba aha .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. ali says:

    Asc aad iyo aad ayaan uga xumahay in la difaaco yahuuda oo muslimiita dhibkaad ogeed ku haayo waxaad fiirisaa walaalaheen falastiin sida eey u galaayaan yahuuda dadka difaacaayo walaahi ma aqaan imaankiisa taam allaah ka dhigo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. warsame says:

    soomaali waxa aan aduunka oo dhan uga duwanahay ayaa waxay tahay waxaa isaga keen qasan siyaasada diinta qabiilka wadanka qurbaha shacabka ciidanka anagoo dhan ayaa isku dhex yaacsan waana taas mida naga dhigtay dal la aan dowlad la aan na baday qaxooti gaal gacmaha u hoorsada oo maalin walbaa ceer saf dheer u gashay aragtida laga bixinayo mowduucan aniga aqoon uma lihi in kaniisada yahuuda la difaaco waxa ay diinta islaamka ka qabto laakiin waxaan qiyaasi karaa iney dembi tahay laakiin wacyiga ama runta waxay tahay kaniisad sweden ku taalo ruux islaam ah ugama baahno difaac dadka isku wareejiyay waxay cabirayaan keliya in ay ka xun yihiin in la dhibaateeyo ruux aan hubeesneen ama ugu yaraan ay u muujiyaan dadka cunsuriyiinta ah in aysan raali ka eheen in kaniisad la weeraro si ay ugu nabad galaan masaajidada ay ku cibaadeestaan caruurtoodana wax ugu bartaan marka in kaniisad la qarxiyo waxay xiri kartaa boqol masjig caqlina ma ahan in hal masjid uu u xirmo kun kaniisad caqliga ha shaqeeyo bariga dhexe muslimiinta joogta ilaah dhibka haka qaado kuwa europ joogana ilaah dhib uma keeno aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. hanad says:

    Subaxanalaah war manatad nokenten yahuud ayaan difacenaa waa wax laga xumada runtii aad baan uga naxay ku qaladka sameynaya ee muslinka sheganayaa walal ilaah utoban keen ayaan idin oran lahaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. ahmed says:

    yuhuud iyo islaam kama dhaxayso inay is difcaanmuslimku ma ilaaway xanuunki iyo hoogii iyo halaagii ay yuhuudu mariyeen hooyooyinka iyo caruurti yar yarad ee gaza

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. islaamku cid uma baahno says:

    subxanallah dad caqiiqda leh waxas kama soo ko,in lkn islaam aaan ahay waxba kuu tari mee muhiimadu waxey tahay inaad ku dhaqantaa yahuuda iyo islaam iskuma soo dhawaan karaan waa dab iyo shidaal maxaa yeelay yahuud iyo kirishtanka waxa ka ko,an ciribtirka islaamka masaajidyida la gubayo iyaga kuub cibaado ma aha miyaa markasto waxam ka dareynaa dhaceebka islaamka saan u qadirinaa dad rabo inaan cirib kano kuwaa islaam masuul kam ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. ahmed omar says:

    asc aniga waxaan dhihi lahaa dhamaan dadka fikirkooda kahadlaaya marka hore fahma diinteena islaamka ah waxay ka qabto diimaha kale iyo rasuulkeena suuban swc inuusan waligiisna farin in diimo kale dadheysta la laayo ama dhib loogeysto islaam micneheedu waa nabad iyo naxariis .
    marka waxaa talo iga ah in lahadlaa wayfiicantahay laakiin waxwalboo laga hadlaa halagu saleeyo cabir wanaag iyo maxaa kadhalan karaa falkaas lasameeye , seef labood iyo waxaan loojoogin waxna masookordhineyso aan dhib ka aheyn,,,,
    aniga fikirkayga waxaan dhihi lahaa in meel lagu cibaadeysto aysan qabin diinteena in dhib loogeysto ama laweeraro waxkastoo nagu dhacaa ilaahay waa ogyahay waase nagu imtixaamayaa marka qof walba imtixaankaas siduu ugu baasi lahaa waxaa loobahanyahay in diinteena suuban iyo quraanka kariimka lafahmo laguna camal falo ,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0