“Iyagoo dacas xiran ayay tababarka soo xaadireen”

Wiilka lagu magacaabo Simon Jonsson waxaa uu dhowr bilood ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo ka tirsanaa ciidamada midowga Yurub ee tababarka siinaya ciidamada dowlada Somalia. Isaga oo dhawaan ka soo laabtay safarkiisa ayuu ka waramay xaalada Somalia iyo qibradii uu ka helay tababarka ciidamada Soomaalida. Waxaa uu ku tilmaamay mid u baahan juhdi aad u badan.

“Qaar badan ma aysan haysan dharka ciidanka, qaar kale waxay xirnaayeen dacas oo keliya” ayuu yiri Simon oo waramaya xaalada ciidamada Soomaalida.

Ujeedada tababarka ayaa ahayd in ciidanka Soomaalida loo diyaariyo in ay si wadajir ah u dagaalamaan oo ay bartaan wada-shaqaynta. Simon ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah ciidamada ay lahaayeen waayo aragnimo dagaal balse ay u baahanyihiin in ay bartaan wadashaqaynta.

“Markii wax qaldamaan waxay ahaayeen kuwo farta isku fiiqaya oo is-eedeynaya halkii ay xal raadin lahaayeen oo wada shaqayn lahaayeen” ayuu yiri Simon oo ka hadlaya dabeecada ciidanka Soomaalida.

Hawsha Simon ayaa waxaa sii adkeeyay in ciidanka Soomaalida aysan English aqoon oo xitaa qaar badan aysan waxna qorin waxna akhrin. Laakiin waxa uu sheegay in ay la socdeen turjumaano wanaagsan. Intaasi ayaa waxaa sii dheer in qalabka ay u baahanyihiin ciidanka ka socda EU-da ay qaadatay waqti dheer in ay Somalia soo gaaraan.

Si kastaba ha ahaatee, Simon ayaa ku tilmaamay tababarka uu ka bixiyay Somalia mid ay aad ula dheceen ardadiisa isla markaana isaga laftiisa uu ka faa’iday waayo-aragnimo xaga nolosha ah.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Samatar says:

    A s c , Salaan ka bacdi walaal ninka Websitka leh waxaan u sheegayaa in aad ku sifowday nin dalkiisa iyo dadkiisaba neceb inaad tahay waxaa tusaale noogu filan mowduucan sida ay habkii saxaafadeed aad uga leexatay ee aad ninka swidhishka ahna aad Faaninaysio,wadankii aad ka soo jeedayna aad caayayso adiga hortaa ma arag nin sidaas wadankiisa u neceb sxb maanta ayaana iigu danbeysa websitkagana shisheeye kalkaalka ah .
    Waan arkayey in badanba adigoo dalkaaga iyo dadkaaga sharaf ridaya .

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 10 Thumb down 8

  2. Fahima says:

    Marka somalida runta lo sheego horta maxay u xanaaqana ?

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 9 Thumb down 5

  3. Kulmiye says:

    Sida aad war bixinta usoo gudbisaan Waa qaab daro Inta badan
    Tusaale
    Sida aad mowduuca ku bilawday iyo sidaa hadalka usoo afjartay Waa Qoraal qabyo ah
    Simon Maxuu ahaa dalke udhashay war bixinta uu ciidanka kasoo aruurshay xagee Kusoo bandhigay intaba maleh
    Sidaa Qoraal bulshada loogu gudbiyo hasoo barto qofkaan soo galiyay

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 5

  4. faarax says:

    Dacas keliyaa? Qaadkii ayaa ka iloowday.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. Amin says:

    Jimcale aad iyo aad baad ugu mahadsantahay maqaalkaga waanan kaaga mahadcelinaynaa, jalle Samatarna waxan dhihi lahaa jimcale iyo ninka uu kasoo xigtayba wax jira ayay ka hadleen oo aan ognahay ciidanka somaliyeed tayadoodu heerka ay taagantahay maanta, waana wax laga garaabi karo waayo waxay ciidan u yihiin wadan fashilmay oo intaxun oo dhan hoy u noqday sida qabiilka. musuqa, burcad badeeda, argagixida, abaaraha iyo inkaloo badan xumaana igama aha iyo in aan wadanka necbahay lakiin xaqiiqda qofna ma dafirikaro hadii aan xaqiiqda dafirnana been baan sheegaynaa.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. osman says:

    Asc dhamaan asxaabta waa run ciidankayni waa labahdilay oo xataa qalab looma ogola balfiirso waxa kamaqan o kahadlay waa wada shaqeynta lkn qibrad dagaal weyliiyihiin lkn hadana dowlada maysan siin garaamkooda allow adaa soomaaliya u maqan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. samatar says:

    amiin wadaniyad aya kadhamatay naftada xumaheda hadi lagu dhaho kafalo sidas ugama adan faloten lakin wadankada wad caysay tasi waxey itusineysa xumaha kabuxa wadan nacebka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  8. Sheylilah says:

    Soomaalidu Abaal Malahan Ninkan Wararka idin so gudbiyo oo idin so turjumo qalad muu kuleeyahay Waxba kuma daro kamana dhimo Wixi Lasheegaayana waa xaqiiq Aniga Xamar Kunoolaa Kuna dhashay Mida Kale Soomaalidu waa run khaladka inay saxan kama fikiran ee eeda ayey isa saaraan Waxan tusaale igu filan marka xasuusto dhalinyaro aan isla daganeyn

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. aasiya says:

    Walaalo salaam calaykum dhamaantin waxaan idin waydiina dadkii lahaa faraha hungry iyo Poland waa la saamaxan maqlee sidii giriiga hadaad war kahaysin iisoo sheega walaalaha somaliyed ee wepkan ku xiran

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. ahmed siciid says:

    somaliland ciideenkeedu dacas ma xidhna ee jimcaaloow ha dhow ha dafirin in ciidankiinu dacas xidhan yahay adaa soo qoray cayda dalkaaga hooyo meelna uma roonid intaan ku arkaayay waa taa dawladii muqdisho DACAS LA SHIR TIMI CAAWANA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0