Kamuunka Lomma oo ka tirsan gobolka Skåne ayaa noqday kamuunka ugu nolosha fiican Sweden sida lagu soo bandhigay baaritaan sanadle ah oo uu sameeyo wargeyska Fokus. Lomma oo sanadkii la soo dhaafay gashay kaalinta labaad ayaa sanadkaan noqotay kamuunka koowaad, meelaha ay dhibcaha ku heleen ayaa waxaa ka mid ah Kamuunka ugu fiican familada, dhalinyarada iyo shaqada. Lomma ayaa sidoo kale sanadkii 2006 ku guuleysatay biladaan. Lomma ayaa lagu amaanay xaga daryeelka iyo iskuulada. Magazinka Fokus ayaa baaritaan balaaran ku sameeya dhamaan kamuunada Sweden iyagoo sanad kasta soo saara kamuunka ugu nolosha fiican sanadkaas. Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ku guuleystay kamuunka Habo ee gobolka Västergötland balse sanadkaan ayay gashay nambarka 11. Kamuunka ugu nolosha liita ayaa waxaa galay Ljusnarsberg oo ka tirsan Örebro. Iyadoo la sheegay in aysan u wanaagsaneyn nolosha familada iyo dadka waaweyn.

Kamuunka ugu nolosha fiican Sweden

Kamuunka Lomma oo ka tirsan gobolka Skåne ayaa noqday kamuunka ugu nolosha fiican Sweden sida lagu soo bandhigay baaritaan sanadle ah oo uu sameeyo wargeyska Fokus. Lomma oo sanadkii la soo dhaafay gashay kaalinta labaad ayaa sanadkaan noqotay kamuunka koowaad, meelaha ay dhibcaha ku heleen ayaa waxaa ka mid ah Kamuunka ugu fiican familada, dhalinyarada iyo shaqada.

Lomma ayaa sidoo kale sanadkii 2006 ku guuleysatay biladaan. Lomma ayaa lagu amaanay xaga daryeelka iyo iskuulada.

Magazinka Fokus ayaa baaritaan balaaran ku sameeya dhamaan kamuunada Sweden iyagoo sanad kasta soo saara kamuunka ugu nolosha fiican sanadkaas. Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ku guuleystay kamuunka Habo ee gobolka Västergötland balse sanadkaan ayay gashay nambarka 11.

Kamuunka ugu nolosha liita ayaa waxaa galay Ljusnarsberg oo ka tirsan Örebro. Iyadoo la sheegay in aysan u wanaagsaneyn nolosha familada iyo dadka waaweyn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...