Koox kubadda cagta ciyaartah oo soomaali ah kana dhisan Göteborg oo 8 ka mid ah xukun ku dhacay

Sida uu jimcadii qoray website magaciisa la yiraahdo realisten,waxaa xukun iskugu jirah xarig iyo adeeg bulsho lagu xukumay 8 ka mid ah koox kubada cagta ciyaartah oo soomaali ah  saldhigooduna yahay magalaada Göteborg. Dhalinyaradaan laxukumay oo u ciyaarah koox magaceeda la yiraahdo Somaliska SK ayaa waxaa la sheegay in intii lagu guda jiray dayrtii ina dhaaftay ay dhac, hanjabaad iyo jirdilba u geysteen dhinyaro kale oo swedish ah, waxaan warbixintu si gaar ah u tilmaantay laba gabdhood iyo wiil markii la dhacahayey dhibaato la gaarsiiyey oo madaxa dhagax lagala dhacay.

Ciyaartoygaan la xukumay oo da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 16 waxaa  3 ka mid ah lagu xukumay min3 bilood oo xarig ah, hal mid oo kamid ahna in halsano lagu hayo goobaha da’yarta lagu xanaaneeyo oo lagu dhaqan toosiyo halka mid kalana 8 bililood lagu hayn doono isla halkaas da’yarta lagu xanaaneeyo.  Sadexda ugu dambiga yar ayaa ayana labo ka mid ah lagu xukumay min 130 saacadood oo ay ka shaqayn doonaan goobaha dhalinyarada halka kan kalana 200 oo saacadood uu ka shaqaydoono isla adeegyada dhilinyarada wax loogu qabanayo.  Website-ka warbixintaan qoray maanu sheegin goorta  xukumku dhacay iyo goobta uu ka dhacay toonah .

Dhalinyarada soomaliyeed oo waalidkood kala soo cararay dagaalada iyo mustaqbal la’aanta mudada dheer ka jirtay wadankoodii ayaa  waxaa looga fadhiyaa  in ay wax qabsadaan oo ay fursada ay heleen ka faa’iideystaan. Hadiise ay dhibaato kula kacaan dadkii soo dhaweeyey waxay taasi sawir xun ka bixinaysaa guud ahaanba soomaalida waxayna dhalin kartaa in si xun loola dhaqmoh guud ahaanba bulshada soomaliyeed ee Sweden ku nool oo hadaba ka sheegatah in la faquuqo.

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. abdirisaaq says:

    qof wadanka sweden lagu soo dhaweeyay hadana tuuganimo ku kacaayo wa wax lalayaabo waa in wadanka laga masaafiriyo tuugta gurigooda beeey kala yimadeen tuganimo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 0

  2. YAAN LEYGA XUMAANIN says:

    jirah…………….ciyaartah .,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,ciyaarah,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,toonah ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,dhaqmoh ,,,,,,,,,,,,,,,,,,sheegatah ,,,,,,,,,

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 7

    • said says:

      waxaan u garaty in aad ka wado erayadaas sida loo qoray ima cajabin ee sideed jeclaan lahayd in loo qoroh erayadaas.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

      • YAAN LEYGA XUMAANIN says:

        KHEYR BADAN ALLAHA KU SIIYO WALAAL, MAADAAMA AAD IGARATAY XUMAANA IGAMA AHAN, CAJABIN IGAMA AHAN WALAAL IYO JECKEYSI AAN ANIGA SI JECLEYSTAY , EE WAXAAN MOODAAYEY INAY ILA QURUX BADAN TAHAY IN XARAFKA ** H** DA OO KALIYA LAGA REEBO , MARKA INAY XOOGAA SIDAASI KU QURUX BADAN TAHAY AYAAN MOODAAYEY WALAAL, HADAANAN QALDAY NA IGA RAALI NAQO, MAADAAMA WEBSITE KU UU UMMADA OO DHAN KA DHEXEEYO. DADBAA SI KALE U FAHMI KARA,,,,,,,,….

        U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

    • Ali says:

      Yaan “Leyga” Xumaanin!!

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Gabadh Sool says:

    WAXAY SOOMALIDU KU MAH MAHDAA NINKAD KABO KA TOLONAYSAA KABIHIISA LA EGAA SOMALI HADAN NAHAY XAQ UMA LIHIN IN LAYNA SOO DHAWEYO WHY DHULKENII SOO CUNAY DHUL KALENA NAF UMA HAYNO ILAA FUSUQ MOYANE

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  4. geele says:

    Dadka ficiladaas xun xun samaynaya waa kuwo cadawga somaliyeed ah waana kuwa dadka sweden ku kalifaya inay cunsuri noqdaan waayo dadka hadaan sida wanaagsan ee akhlaaqda islaamku tahay ula dhaqano oo aan noqono dad ka abaalguda wixii wanaag la inoo samayeeyo waxa hubaala inay dadku inaga aaminayaan inaan nahay dad bili aadana oo wanaagsan mudana wixii lootaray in lataro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. omar says:

    Allow ceebteena astur oo kuwaas oo kale yeena salfan oo magaca nooga dheelin. In Somalia laga dhaadhiciyo oo waliba dhaqancelis lagu samaaeyo aan qabaa aniga oo booskooda kuwa ka faa’iidaysta fursadaan ay haystaan oo caqli leh lagu badalo.
    Xayawaaniin fowqal xayawaaniin dhel, shit maxay ahaayeen waxa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Mustafa Ayub says:

    Asalam Alaikum jicmale oo bulshada u Adayg hal eray aayn dhahaya(plz wararka ay qoraan Websityada cunusuiriyiintu ee loogu jedo in Dadka wadanka dagan iyo Ajnabiga la iska horgeeyo hanoosoo daabacin Fadlan waan ku tuugaynaa ,,,Realisten ,waan aqriyaa runtii wax uu qoro oodhan waa Skitsnack ,,adiga laftaadu waa ogtaahy jimcaale .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. somali man says:

    haa jimcaale 2 waa sax walaal waakugu taageersanahay in dhalinyarada somaliyed loogu baahanayahay in ey kafogaadaan waxyaabaha sharaf darada iyo ineey ey kunooladaan wadankaan iyagoo ilaalinaayo qawaaninnta iyo shuruucda kajiro baladkaan maadaamo aan anagu imaanay meeshaan marke waxyaabaha qaladka ah ee sida dhaca boobka qiyaanada iyo in dadkan swedhishka ah lagula noolaado si wanaagsan maadaama wadankaan nalagu soo dhaweeyi si sharaf leh oo kaalmo dhankasto leh noola fidiyi waxaa waajib nagu ah inaan ilaalino sharafteena iyo magaceena ok.. qofkii kuwanaajiyo waa lawanaajiyaa diinteene islaamka ayaa qabta taas waana aayad quraan ah ok

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. Avv Cadde (Uganda) says:

    Assalamu Caleykum.
    Dhamaan walalaha ku xiran webka somaliska.com iyo maamulka webka waa idin salamay.

    Waa arrin xuruga leh in ay dhalin yaro somaaliyeed ficilkaas sameeyaan oo uu xukun ku dhaco, waliba ayaga ah ciyaartooy, ciyaaruhune yihiin waxa umaduhu isku dhaxgalaan oo ay isku fahmaan.

    Sikastaba ha noqoyo qaladka ay sameeyeen dhalinyaradaas anigu waxaan u arkaa in eeda ay leyihiin waalidka soomaaliyeed iyo dadka aqoonyhanka ah ee soomaliyeed oo ku nool Sweden, ayga ayaa laga rabay in ay ciyaalka wacyi galiyaan oo ay baraan dhaqanka wadanka ay ku nool yihiin maadaama uu yahay wadankoodii labaad.

    Tusaale: anigu markii aan imaaday Uganda waxaan abaabulay dadkii joogay wadankan waxa ugu muhiimsan oo aan sameynay waa in aan dadka barno shuruucda wadankan u dhigan si aan ula noolaano umadda wadankan iska leh oo waliba kala af ah waxaa looga hadlaa uganda 43 luqadood Englishka ayaa ka dhaxeeyo waana muhiim in aan fahano qaabka ay u nool yihiin umadaha aan la noolnahay, wadankeenii waan qarinay ee yaan qaribin Sweden.

    Somaliska.com waad mahadsantihiin ee waxaad u sameysaan umadaan wacyi galin sidda aan u so qortaan arrimaha buufiska wacyigalintane u soo qoro maalin ayaa anigoo salaad u taagan Iimaamkune uu safka toosinaa ayaa waxan arkay laba nin oo dhahaa somaliska ayaa soo qoray in soomaalidda laga ogolaaday sweden oo mar dhow waan maxeynaaaa kkkkk marka waan hubaa waxaad leedihiin dad badan oo si is daba jooga ah ugu xiran webka ee waciyi galiya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Abdifitah says:

    Asc dhamn Saln kadib wepkan ninka leh &inta ushaqesa Sobarta saxafada arinta Waxba kajira Lkin Maha sida ad kaso xigaty wepkan ay leyahin Svenska Partiet wa web cubsuri Baldib u aqri web ka ad wax kaso qadatay hadalada u isticmalayo anyway web ka Waxan soqoray maba isticmzlin sawir Adna Waxa sosarty sawir xun oo ka turjumaya Arinta oo tabanysa all somaliya dhan tas saxafd Maha pls ila firya inta taqan swedeshka web kan &ninka somalis ka leh Waxa u qory wa in aad ka bixisa rali garen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. Cabdirisaaq says:

    waxa meesha ku qoran iyo sawirka isma lahan!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. abdirahman says:

    asc waxaan ku taageersanahay hadal uu qoray walaal iga horeeyay illah qayr ha siiyo oo ahaa waxa ay qoreen sd dadka u shaqeeya adigu hasoo gelin webb pls and pls weli waxaa wax laga xumaado ah adiga oo ku hadlaaya luqada soomaaliga inaad hadana qorto wax sidaan u eh oo hadana aad soo qaadato sawir webb aad kasoo qaaday war ummadi swedeshka ahayd ayaan cunsurinimo nagu haysa ee adiguna hako darsoomin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. Mohamed says:

    asc all saxaabta, waxan leeyahay arintan dhacay waa arina ad iyo aad looga xumaado weeyaan walaalo yaal markaa anigu waali diiinta ciyaalkooga meesha ay maraayaan waa in ay ogaadaan hadii kale waxa iman doona ha sugaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Mahamud says:

    asc akhyaarta

    Aninga runti ma dhihi karo dhacdadaan waa dhacda dhacday oo xaqiiqa ah.Laakiin waxaa nii leeyahay weliba aan u sheegayaa walaalaha bahda Somaliska.com inay ku kadsoomin bogagga cunsuriyada sida realisten.se,friatider,gudmundsson iyo kuwoo kale oo badan.Wax run ah maba qoraanba sideedaba,wixii 10% sax ah waxa ay ku daraan 90% oo been ah ,dhacda kastane waxa ay akhristayaasha swiidhiska ugu dhigaan “dalkooda” in la qasoohooya,balaayane ay soo socota.

    asc
    mahamud

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1