LA YAABKII ADUUNKA: Xafiiska Shaqada Sweden oo 100 milyan ku qasaariyay website fashilmay

Xafiiska Shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen) oo lagu yaqaano habacsanaan iyo hawlxumo ayaa isbuucaan galay fadeexad weyn ka dib markii ay soo baxday in ay 100 milyan oo kr ku qasaariyeen sameynta website cusub oo xitaa aysan ku guuleysan in ay sameeyaan. Wareysi ay SVT la yeelatay ninka qaabilsan arintaan oo lagu magacabo Erik Sandström ayuu sheegay in aysan u suurto galin in ay sameeyaan website fiican.

Waxaa taasi ka sii daran in Arbetsförmedlingen ay hadda doonayaan in ay lacag dheeri ah iyo waqti dheeri ah ku sii bixiyaan sameynta websiteka balse ay hoos u dhigeen damacooda oo ay ka laabteen in ay website cusub sameeyaan balse ay waxyaabo yaryar ka badalaan midka hadda jira. Laakiin 100 milyan kr ayaa qasaartay oo ku baxday isku daygii fashilmay ee lagu sameynayay websiteka cusub.

SVT ayaa sheegay in aysan u suurto galin in ay war cad ka helaan halka lacagtaan faraha badan ku baxday. AF ayaa ku doodaya in aysan ka fikirin dhibaatada teknoolojiyada balse arintaas ayaa ah mid lagu qoslo ka dib markii ay qasaariyeen 100 milyan oo kr oo shaqo u abuuri lahayd dad fara badan. In Website lagu sameeyo lacagtaas ayaa ah mid la yaab ah, iyadoo xitaa ninka abuuray shirkada Klarna uu sheegay in uu 2 milyan ku sameynayo websitekaas.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Kabtan matii says:

    War adigu maxaad ka sheekeyneysaa

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 5

    • Jimcale says:

      Kaptan Af-Soomaaliga miyaa kugu adag? mowduuca akhri oo fikrad wax ku ool ah ku darso ama afkaaga xiro.

      Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 4

  2. Omar says:

    Asc jimcaale wallalkey ma ila wanagsana in qof soo booqday websitekaga aa sida ula hadasho hadu qofka fahmin iskuday hadad fahamsiin karto ama iskaga aamus sidaas aya kuu qeyr badan mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  3. Haji ali says:

    Jimcale waa inuu dhaliisha qataa dagaallana joojiyaa qofkaas caqligiisa ayuu hadley

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  4. halyeey says:

    wixii edeb daro wada waa la sixi caligisa ma ahayn akhlaq xumo weeye jimcaale si fican baad ugu jawabtay walee waan kugu farax sanahay… kuwinan khaladka ku sii racaya isasaxa somila waxa wareriyay waa qof khaldano lagu sii tagero khaladkisee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2