Laanta Socdaalka oo joojinaysa shuruuda 2 sano

Warbixin hoose oo naga soo gaaday Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa muujinaysa in ay joojinayaan shuruudiimigrationsverket-somaliska adkeyd ee lagu xiray dadka u dacwoonaya reerahooda oo ku saabsanayd in reerku ay horay u wada noolaayeen 2 sano inta uusan mid ka mid ah imaan Sweden.

Shuruudaan oo culeys weyn ku noqotay Soomaali badan isla markaana qaar badan ay diidmo ku qaateen, ayaa markii horeba waxay ahayd mid aan ku qornayn sharciga Sweden. Inkastoo ay sharciga ku qornayd in reerku ay horay u wada noolaayeen inta aysan Sweden soo galin ayaysan hadana meelna ku cadayn tirada 2 sano.

Warbixinta i soo gaadhay ayaa hada sheegaysa in Laanta Socdaalka ay joojinayso in dadka ay ku xidho in labo sano ay horay u wada noolaayeen. Hadaba isbedalka ay samayn doonaan oo faahfaahsan iyo wixii kale oo cusub waxaan soo daabici doonaa marka aan warbixinta oo rasmi ah ka helno Laanta Socdaalka.

Bilowgii sanadkaan ayay ahayd markii ay Laanta Socdaalka noo sheegeen in ay isbedal ku samayn doonaan arintaan dhibaatada ku noqotay familo badan oo isdalbanaya.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

43 Responses

  1. Aabe soomaliyed says:

    Maashaa alaah ilaah aya mahad leh wax walbana gacantisa ayay ku jiraaan
    Waa war lagu farxo oo in badan oo naga mid dhib ku hayay inta dhimana ilaah hanoga so qaado
    Aaaaaaaaamiiiiiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 0

  2. wadani says:

    Asc asxabta kuxiran webkan ada ayan idinsalamaya salan kadib ad ayan ugu farxay warbixintan kaso yertay lanta socdalka masha allah ayan leyahay mar hadiba lajojiyay shurudi 2sano oo intabadan somalida dhibato kuqabtay oo an aniga kamid ahay bi idnilaah waxan rajeynaa inan wixi an karajeyneynay lanta socdalka inan kahelno wax kherqaba allaha naga siyo ami insha allah tack så mycket jicmale .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  3. hassan says:

    asc jimcaale walal maku jiraan dadka aan wax isku dhalin arinkaan cusub thns bro

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 11 Thumb down 7

  4. Abdi says:

    Sxb aad iyo aad ayaad u mahadsantahay walaal jimcaale. allah kheer kugu badalo sida aad somalida uugu shaqeeyneesid.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 3

  5. layla says:

    Waa war lagu farxo aadbaana ey noo quseesaa arintaan ilaah hanooga soo qaado dhamaan inta dhibanaha ehwedna waxaan rajaynaayaa iney ku farxi doonaan. Waxbadan baana sugney in nalala mideeyo ehelka naga maqan allah mahadleh.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  6. Muwaahib says:

    wallo adoo mhadasan maad finland nooga warantit kolba waxa soo baxa waan ubogay saad kolba sharciga soo kordha aad dadkaga ooga haqabtirayso, anigu waxan joogaa finlad aduun soo baxa iyo mid xidhamaba ma ogin ee hadad awoodo walloow naga caawi anagana adoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. kamal says:

    Masha Allah waa arrin lagu farxo inay jojinayaan sharcigaas dhibka badan oo saameyay walalo badan oo somali ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. naana says:

    asc aniga waxaan aqana wil an deris nahay in uu diidmo kahelay migrationka tan sharuuda 2 sano ay maxkamada uu ogolatay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. rashka says:

    maansha allah ilaahay ayaa mahad iska leh …..ducadana aan badino kol haddii ilaahay inoo fududeeyey oo dhibkii inaga dulqaaday aan ilaahay u xamdi celino isagaa wayna oo waaxidee ..

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  10. hassan says:

    asc walayaal qof kasto warka haayo ariinkaan soo bixirabo maku jiraan dadk aaan wax isku dhalin qof walbo waxka og ha ii sheego waad mahadsantihiin dhamaantiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. muna says:

    waan idin salamaay dhamaan howl wadeynada ka shaqeeya webka walaalyal waa arin aad looga farxo ani ahaan waxaan ka shaqeeya xafiis inta badan lagu cawiyo dadka somalida ama dhamaan dadka u baahan kalma dhan walba ah aad baan ugu farxay marka aan aqriyay sakaa qoraalka Lkn waxaan idinka codsanaya in aad ku dadashaan ruunta waayo web badan ayaa jira dadka u so gudbiya macluumaad aan sal iyo raad laheen waxaad ogatiin in aa tahiin hoogamiyasha ummuda ku kala daadsan dunnida dacaleed isla waqtigaan aan joga waxaan galay qeybta MIGRATIONSVERKETKA si aan bal u xaqijiyo in aay ku so dareen wararka lkn ma anaan arkin waan wacaay waxaay dhaheen waqti xadirkaan aynu jogna arinta waa sideeda hore wax isbadal ah ma jiraan idinko mahadsan isku daya in aad xaqiiqta inoo so warisaan. AS WR WB

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  12. MARYAMA says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 7

  13. Fadmah says:

    To Maryama .
    Hadeey shiktee xitaa maxaa adiga noogu soo gudbin weysay hadaad wax isku heeysid. Kun jeer tack Jimcale walaal. waad daddaaleeysa yeeyna ku niyad jibin kuwa jecel wax kasta in eey mucaradaan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  14. ifka says:

    haa sax wayee hadii ey iyada maqashayama aay aqrisatay maxay u soqori wayday dad badan aya u xaayiiran jimcale kun jeer mahadsanid walalo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  15. ali says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  16. Ex_hanad says:

    masha allaah waa war lagu farxo jimcaale aad baa umahadsantahay bro isha allaah alle dhamaanteen ha inoga sowada sahlo amiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. zuhra says:

    mahadsanid jimcaale walaal ,aad ayaan ogu farxay maanta arintaan. dadka leh waxba kamajiro maxeey kawadaan. dad xaasidiin ah ayaa jira oo jecel ineey dadka niya jabiyaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  18. Abdi yare LFC says:

    Asc dhamaan Asxaabta warkaan hadii uu yahay sax iyo hadii uusan aheenba waa soo kala cadaan doontaa intaa wax aqriso ayaa soo ogaan doonto si loo qanciyo kuwa aan waxba aqrin iyo afrika joogo oo aan af swedish ka garaneen mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. Cali says:

    Mashaa Allah Mashaaa Allah Maashaa Allah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. xirsi says:

    kkkkkkkkkkkkk WAAR NAAGTAA MUUNA LA LEEYAHAY WAA XAASIDAD WAYNAATAY MA WAXAY KA XUNTAHAY DADKA MASAAKIINTA AH EE ILAAHAY KA DUL QAADAY CULAYSKII LABADA SANO AHAA ALA MAXAA DAD XAASIDIIN AH JOOGA ILAAHAY AYAAN KA MAGAN GALAYNAA XAASIDNIMADA ILAAHAYNA GAAL IYO MUSLINBA HAINOO SAKHIRO

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  21. Diin says:

    Naana sxb waxan kuweydinaa yarka saas la dhahay si aan ula xariiro mase aqbaar fiican iiga siiyo aaan ubaahnay iiishek facebookada adoo mahadsan sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. saadia says:

    wow that is a wonderful news.now i can sleep comfortable.i hope the big decision comes sooner and will reunite with our family once again,i justcantwait.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  23. Mr.abdulla says:

    well, I hope so we are coming soon isha alla all the family ya it is surprise to hear it,okey waa war lagu farxo jimcaale aad baa umahadsantahay sxbow iyo naagdii MARYAMA goriday faraxad aad aad aan la soo kowbe karo ma aha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Xayaat Osman says:

    ASC waan idin salaamay walalayaal ilaah ayaa mahdaas leh nosaqiray arintaan mashaa alaah waan ku faraxsanahay anigase waxaan ahay dadka singalka ah marka walaal jimcaale arimaha singalka malaga yaaba ineey kujiraan arintaan 2bada sana ah dadkaan ilmaha isku dhalin fadlan warbixin naga siya qasatan jimcale arintaas noso ogoow walaal aad ayaad umahd san tahay tack tusen

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  25. Xayaat Osman says:

    asc waxaan usheegayaa hilmaan hadal kuma jiree dadka diidmada qabato oo labada sana lagu xiray gabar aan daris nahay ayaa bishaan dhaxdeeda loso turay foom cusub sobixi la dhahay anigaa arkay taas kuwa kalena waan maqlay marka taas waa su sheegay DADKIISA UDADAALE WAA KEE JIMCAALE wasax arintaas 2 bada sana ah waxaan usheegayaa dadka 2 sano ahaa ineey walaalaha singalka ah oo walwalsan xogta ukeenaan mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  26. Ali says:

    Hayaat Osman walal foomka cusub loo soo tuuray dadkaasi 2 sano ku xirneed maxuu ku saabsan yahay foomka yaana usoo diray faah faahin soo bixi adoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. xirsi says:

    Xayaat aniga adiga ayaa isku kiis eh waayo Single ayaan ahay xaaskaygii ayaa iga maqan. Markaa Fadlan wixii arintaas Single ka ah wax wara ka haya hanoosoo jawaabaan sida Mr Jimcale iyo dhamaan inta webkan ku taxan ee fikir ka haysa arintaas singleka Thanks alot Jimcaale hawsh fiican ee aad umada somalida u hayso aadban ugu riyaaqay warkaan ilaahay Khayr haka dhigo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  28. hibaaq ciise says:

    asc dhamaan asaxaabta sharcigan so baxay maku jiraan dadka aan wax usku dhalin nooga war keena cidii warka heeysa waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Xayaat Osman says:

    ASC Ali walaal waxeey isheegtay gabadha ineey diidmo heesatay hadana waxaa usodiray magareshinka fomkan kadibna DNA lagaqadi dono nunaha eey hesato marka Ali shekada waa macjug 2 sano ee singalka xogta ukeena mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  30. Mr.abdulla says:

    in badan la sooqayay caruurta Migrationka , wax yar baan ooyey, dhamaato aad u daraan waye,caruurdeeda 5 sano maya jiraan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. yuusuf says:

    Walaal.waxa.lakufarxo.ee.foom.ka.yaa.usooturay.fafaahin.nagasii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Ali says:

    Hayaat osman aniga diidmo ayee isiiyen migrationsverketka ka dacwoow ayee idhaheyn 3 isbuuc gudahiisa mana ka dacwoonin ilaa hada marka maxaa sameyaa ma dacwad cusub ayaa dib u xareystaa mase qaab kalaa jiro loo maro arintaasi faah faahin haleeka siiyo walalayaal adinkoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  33. sucaad naasir says:

    maasha allah ilaahey baa maha iska leh walaahi waa arin fiican ee ilaahey cazawajal caqabadaha haka kor qaado muslimiinta oo dhan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  34. Mr.abdulla says:

    2 labo ariin waye kowad xareyso dacwoowda ama online

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. Xayaat Osman says:

    asc waan idin salaamay dhamaan dadka ku xiran wabkaan waxan hambalyo u wadaa dadka singalka ah aan aniga kujiro shaleey ayaa gabar aan isnaqano igutiri mabruug haye gabar ninkeeda kajogay itobiya oo dhoor jeer lasiiye diidmo ayaa layiri ninkii fomcusub soxareey waaw waxaan iri walaal lambarka ninka aan warestee ma ihelikartaa haa ayee dhahday anigaa wacay wiilki oo wareestay waxuu waxaan dhahay ilma miyaad isku heeseen maya ayuu yidhi wiilka safarada ayaan tagay ayuu idhi wiilka intarfayuu ayee ila yesheen waxaan dhahay waqtigee aheed waxuu dhahay bisha marso walina jawab mahelin waliba waxaan raciye walaal basaborkaaga aad kuxaresatay wagii hore maxuu ahaa waxuu idhahay waa kii somaliga marka hambalyo inta dhimana weey no dhamestirmeesa hadii ala idmo mahadsanidiin fadlan saan xogta usogudbinayo iskudaya inaad dadashin dadkana waresataan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  36. hibaaq ciise says:

    Xayaat Osman abayo qaali thnks walashey inaan kula shekesto an rabaa inteen kal soo xiriiraa facbook ma ledahay abayo anigaa ila mid tahay arimaheena allah noo hagaajiyo anaga iyo intii nala mid ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  37. qaali says:

    asc,xayaat waa ku salaame salaanta islaamka isku diraan ,foom sidee ah ba aloo soo tuure walaalo o so buxi ma la dhehe awal ceen kee bee eheed dacwadeedu qof so gursade mise qof awal la qabe ona buxin 2 sano qeenunkeda mee ehed walal mise wax kale aniga waxan arke inan sxbteyda ah wuxu dhehe loyarkedi sug rajadu weey ka soo reeyneesaa sidii hore,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  38. hibaaq ciise says:

    qaali walal rajada soo reyneeyso ma dadka labada sanaa lagu xiraybaa mise waa dadka aan wax isku dhalin no fahfaahi qaaali

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  39. qaali says:

    asc, waxaa ka codsanayaaa laanta socdaaal in ee codkeena gudbiso ee ka dhigto swedish magaceyga waa qaali waxaa ka codsaneenaa magretionka sweden in ee no fududeeyaan dacwada waxaa heestaa wiil yar oo jira 1 sanad iyo bar aabihiis waxa ujogaa south afrika waa halka somalida lagu garaacayo dhagaxyada, dowlada swedena waxaa aay ku xirte dad badan in laba sano la isla soo noolaado dowlada sweden waxaa ka codsaneenaa in ee noo furaan dacwada aniga waxaan ahay muwaadinad somaliyeed , maseexdo ,waxa baa bartaaa waxaa idinka codsanaa kuwa idin dhahay wax baa fureenaa in aa hadalkeena u gudbisaan dhib ween ayaa na heesto anaga wiilkeyga aabihii ayaa ka fog south dadka dhagax bee ku dilayaan walhi wax aan sameeno ma naqaano anaga waxaan aqaana dad badan o stress qaade oo ka bixin guryaha gabdho badan ayaa garanayaa oo stress qaade dadkaas hadee naftooda dhib gaarsiiyaan ka masuul ah dowlada waa in ee arinkaan wax ka badashaa oo aay u qabataaa isdii la iskugu keeni lahaa walidka iyo ubadka kala maqan,wad mahadsantahiin walalyaalo ilahow somali ufur wax qeer qaba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  40. Abdi says:

    Marka hore Grattis Sverige nationaldagen!!!.
    Tan labaad waxaa soo baxay qanuun cusub ( Exemption Rule), waxuuna xal u yahay Asxaabta 2 sano.
    Qanuunka waxuu leeyahay waxaa shardi ah in caruur ee jirto , yihiina kuwa ka yar 18 sano. Intaas hadii la helo Dna ayaa lugu cadeynayaa xiriirka reerka . Marka hoosha asxaabta 2 sano weey dhamaatay just singel ka u soo duceeya.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. qaali says:

    tack walalo halkaa ka aqrise in la joojiye qanuunkee ahaa 2 sano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. hassan says:

    dadkaan qofba meel ayaa u daran yaa warka haayo dadka aan wax isku dhalin waxii aqbaar ah noso gudbiya plz asaxaabta webkaan aqrisato thnks jimcaale sxb adiga waxna jawaab kaba bixineeysid miyaa qoraalka uunbaad soo dhigtaa kkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  43. farah says:

    asc akhyaarta reer labo sano waxaa jiraa in wali aysan kala cadeyn arintu sidaas daradeed waxaa jiraa urur lasameyay oo hada ku jiraa qaban qaabada mudaharaad marka waxii faah faahin ah kala xiriiraa 0767413038 contact name : ruun

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1