Laanta Socdaalka oo racfaan ka qaadatay dadkii sharciyada loo ogolaaday

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa racfaan ka qaadatay dadkii sharciyada ay u ogolaadeen maxkamadaha Socdaalka. Waxaa na soo gaaraya warar sheegaya dhowr kiis oo dad Soomaali ah oo horey loogu ogolaaday sharciga iyagoo loo dacwooday ayaa Laanta Socdaalka waxay racfaan ka qaadatay go’aamadaas.

Sida caadada ah marka Laanta Socdaalka ay qof diidmo siiso ayaa waxaa loo diraa maxkamada Socdaalka taasoo iyada haddii ay go’aan ogolaansho bixiso ay Laanta Socdaalka u furantahay in ay ka dacwoodaan iyagoo u dacwoonaya Maxkamada Sare ee Socdaalka oo go’aanka kama dambeysta iska leh.

Kiisaskaan ayaa ah dadka Afrika jooga oo sharciga loo ogolaaday. Dhinaca kale dadka aysan racfaanka ka daba tuurin Laanta Socdaalka ayaa iyagana u xayiran baasaboorkii ay ku soo gali lahaayeen Sweden maadaama Somalia aysan lahayn baasaboor lagu safri karo isla markaana baasaborkii främlingspasska ay diiday maxkamada Sare.

Arintaan ayaa sii badineysa iska daba wareega ay hay’ada dowliga ah ee Sweden ku hayaan Soomaalida kala maqan, iyadoo cadeyneysa baahida loo qabo sharci cad oo rasmi ah oo ka yimaada dowlada Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. abdi says:

    asc jimcalow beryahan danbe wararkii ku saabsaanaa arimahan masoo qortide
    maxa is badalay sxb
    rajadii miyaa iska yaratay uwaas
    waan ku salamayaa bro salamu calaykum

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

    • Jimcale says:

      Fasax ayaa lagu jiraa walaal, dadka inta badan iyo shaqaalaha dowlada waxay ku maqanyihiin fasax. Rajada way fiicantahy oo haddii alle idmo waxaa loo baahanyahay dadaalka in la sii labo jibaaro ka dib fasaxa markii laga soo laabto bisha soo socota. Insha Allah”

      Mida kale bogga Somaliska.com kuma saabsana arimaha socdaalka oo keliya ee waxaa muhiim ah arimaha waxbarashada, nolosha, wacyi galinta , shaqada iyo wixii la mid ah.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  2. anna says:

    asc walal waxaan kaa cudsanaa in aad noo faah faahiso warka aad ka qasoo qortay laanta socdaalka sida ey racfaan ugu qaadatay tack

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

    • Jimcale says:

      Walaal faahfaahintu waxay tahay markii qof Laanta Socdaalka ay diidmo siiso waxaa loo dirayaa maxkamada. Haddii maxkamada ay ogolaansho bixiso balse haddii go’aanka maxkamada aysan ku qancin Laanta Socdaalka waxay iyaguna racfaan ka dalban karaan maxkamada sare oo ay ku codsanayaan in lagu socdo go’aanki diiidmada ahaa ee ay horey u bixiyeen. Maxkamada sare ayaa iska leh go’aanka kama dambeysta ah.

      Warbixintaan waxay ku saabsan tahay dad horey Migrationska ay diidmo u siiiyeen ka dibna maxkamada Socdaalka ay ogolaansho siisey ka dibna Laanta Socdaalka ay ka dacwootay go’aanka maxkamada iyagoo u dacwooday maxkamada sare.

      U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. mohamed says:

    asc dhamaan musliminta meel walba oo ay joogaan allaha ku amaansado gaar ahaan somalida haay,ada socdalka ee sweden wa mid cadeysatay xaq daro iyo hagar daamo ay ku haayso mushtamaca somaliyed tusaale aniga ayaa ka mid ah dadka ay u diideen in loo keeno familj gooda maxkamada socdalka ayaa ongolatay kadib waxeey ka qaateen abiil hadana waxaa dib u soo ongolatay maxkamada ugu sareeyso sweden ayada oo waliba dhahday dib danbe abiil ugama qaadan kartaan arinta qooyskaan oo ongolaasho waan siinay waana siinay marka waan ka war sugeynaa in shaa allah kheeyr ayeey ku dhamani

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Abdullahi baashal says:

    asc waxaa ilahaya mahadi ah. kamaa qasaneno rajada ilahaya lakin waxa idin dhahaya halo doceyo umada somaliayet melwalbo e joogan wana mahadasan tihin.

    waxan umahadat celinaya wabka somaliska.com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. umu mahamud says:

    faraj alaahul qatiib ilaahay raxmadii lagamaquusto walaalayaal noogu duceeya wadankeenii in ilaah nabad nooga dhiko oon aan dib ugulaabano.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. ABDI YARE says:

    Asc dhaman asxabta ilaah waxu qoray ma la weyn doono ee alle aan u barino wadankena wax noo dhamo malahan dad badan ayaa ka shaleeyay yurub runta soo taabtay oo waxay dhalen gacan ku heyn qaarna doqomo ka noqdeen marka sido kale qof walbo dad ama ehel ama asxaab ayaa ka joogo somalia abaar daran aya ka jirto ee wax ha la sii hormarsado aduunka waa laga tagayaa gacantii wax bixisaa wax weyn ayaa alla ugu badalaa mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. rashka says:

    sxb jimcaale waad mahansantahay warbixinta aad soo qortay iyadoo xilli sommar lagu jiro, tan kale wey iska cadahay iney tahay arrin dadka lagu warerinayno waayo haddi lagu ogolaado xitaa sharciga sweden ma imaan kartid!!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. abdirizak says:

    Asc jimcale aad ayad u mahadsan tahay wallal sida ad aqbaratka nogu so gudbisay masha allah wallal waxan raba in aan wax ka weydiyo arimaha dacwada ah ado rali ah
    wallal aniga waxa jogaa kenya xaskeygana waxey jogtaa swden marka sida an la socono passport ka somaliga ah laguma safri karo weyna dideen sida anu ognahay marka ma igu dacwon karta passport kenyan ah hadi an heesto ayadana aniga ayaa u qoran nin lkn wali ma eysan shegin jinsiyadeyda marka wallal hadi ey dhahdo wa somalida kenya arintas ma la aqbali karaa o an passport kas heesto .?

    mahdsanid

    Abdirizak mohamed.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Abdirizak arintaas waa macquul haddii aysan xaaskaaga qorin in aad Soomali tahay. Hada ka hor waan maqlay dad baasaboor ethiopian wata oo ogolaansho sidaa lagu siiyay.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Daade yare says:

    To”abdirizak&jimcale saxibayal salan sare midana kudara in pasaporka ken uu kuqoron yahay qofka jinsiyadisa hadey ogoladantan anago dhan wan heleyna ee uma maleynayo in ey ogalanayan wayo somalida lodacwonayo kuligod wexey jogan dabcan wadan 3xad oo majogan muqdisho dabcan weyna wadahelikaran paska mesha ay jogan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. Daade yare says:

    Dabcan gabadha su.asha 1wad ee lawedinayo wexey tahay ninkaga yaway somali hadey tirahdo war kama nola o waxey ilatahay pas somali aya laga raba lamana aqonsana marka eniwey abdirizaqow sax wexey mareysa colka warafna malugu dayay ee kuday ILLAAH hakaga soqade anagana nososhek wabilahi tofiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Abshir says:

    Marka hore waan idin salaamay bahda Akhrisata bogan, Run ahaantii waxaa loo baahan yahay dadaal aad u badan sida Mudaaharaadyo, Jaraaidyada leysku soo qoro, Telefeshinada laga sheego dhibaatada na haysata hadii aan nahay Soomaali oo aan wadan dawlad ka shaqeyneysa aanan haysan laakiin na lugu xiray cadeyn, In aan tusno dadka swiidhishka ah dhibaatadeena ma ahan in aan qarsano. Dowlada waa ay cadahay in Arinta soomaalida ay la sugto doorashada dambe oo ay ku darsato ololaheeda doorashada , Marka ma sugi karno waa in aan wadanka oo dhan ka sameynaa olole weyn oo ley garab istaago kii yimi 30 sano ka hor iyo kan aan sharciga laheyn, Inshaa alaah waan ka guuleysaneynaa.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Sadaq says:

    Asc jamac su al wata qofki la ogoladay o aqonsi la hen maxay maxkamada u qawanaysa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. najma says:

    asc dhamaantina Alle mahadisa waye wax kaasta .Allene hanoga soo qaado
    ille alle ayaa awood leh
    dadkan isku xarifinayo dhulkoda qabowga iyo cimilda xun leh .ee alle hanoga dhigo dhulkena nabad ille somaliya waa dhulka aduunka ugu macaan lakiin waxaa jiriin nabadi taasna alle ayaa uu baryena .
    ille meeqey neyskaken wareejinayaan marba meel . .aqoonsiga kena hadi la geyana ma aqoonsanin waa diidmo umada hadana waxaa lo heynin runta lo shega ile lama walo
    waalahi hada waxaan sugi la.ahaay into fasaaxa ka dhamanayo insha alaah .lakiin ja og heee iney wax isbadalayaan .hadala inta iyaga jawaabtodi sugeynay ayaa nagu qaliyowaay tigidadi
    waa xayiraad caad . *

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. abdirizak says:

    asc sxbayal dhamantin wa idin salamay insha allah arintan ayan barawenayaa hadu alle idmo waxi aqbarat ahna wa idin so celinaya walalalayal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. king naxar says:

    asc brors and sisters then runtii soomaali dhi xoog leh hesto kuwa gudahi ku dhiban yihiin kuwana tahriib laayay kuwana wadamada deriska lagu gumestaa oo baad iyo hanadadaad lagu haya kuwi yurub joogana beleave me nolol saas uro ma heestaan iyagana meeshaan ayeeyba ku wareereen oo qaarkood ayaaba waalan rabo waayooo dadkeena somalida caqli nagu filan ma lihin dad dhifa moogiye taasna w axaa yeelaya nolol qiyaali oo beena ayaanba kusoo kornay marka its time aan kici laheen aana midoowi laheen marka somaliyeey fikir saan talo nooma ah. insha allah somaliya oo nabada iyo anaga oo saan dhaana .dadaala allaha idii barakeeyo king naxar swedan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. anwar cali xasan says:

    walaalo suaal ayaan ku waydiinayaa qof ay maxkamadu ogolaatay diidmo danbe miyaala siin karaa naagtaydii ayaa ii dacwoonaysay markii hore maxkamadu way iogolaatay hadana diidmo ayay ka soo daba tuurtay oo waxay maxkamadii tiri waan kudiidnay dacwadaadiina waan laabnay oo dib danbe dacwo danbe ma furan kar tid markaa taa iga soo jaa hil saar

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. najmo says:

    asc walalayal aniga magceyga wa najmo waxan ka mid ahy dadkii mudahrdki ka dhacay guriga barlamanka e swedn wan dadalnay lkin dadalkena wa noo hiirgali wayay swedana goan wa gartay weeyna diiden ee ilah ayan qeer kaa suugeynaa aniga waxaa iga maqan xajigeygaa oo an kalaa maqanahy 2 sano waxanaa uman dhalin lkin dadkii wax iskuu dhaly ayaa laa iskuu diidee anigaa malahaa warkey ma jiiro kkk iyo dadka ilaa mid ah marka mar kastanaa waxan fiirshaa somliska maxa so saiday oo ka so baxy sweden ? inshaa allah alee ayan qeer kaa suugeynaaa wa bilhi tofiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1