Laanta Socdaalka oo wax ka badalaysa aragtideeda ku aadan Somalia

Warbixin ay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) u dirtay dowlada  ayaa waxaa na soo gaaray nuqul ka mid ah. Warbixinta ayaa lagu muujiyay qiyaasta Laanta Socdaalka ee bilaha soo socda ee ku aadan wadamada ay ka yimaadaan magangalyo doonka.

Warbixinta Laanta Socdaalka ayaa lagu sheegay in xaalada koonfurta Somaliya ay hada soo hagaagtay, iyagoo intaas ku daray in sharci yaqaanka Laanta Socdaalka Mikael Ribbenvik uu hada u fadhiyo diyaarinta aragti cusub oo ku aadan sida loo qaabilayo dadka ka yimaada koonfurta Somalia.

Aragtida cusub ayaa u muuqata in ay tahay in dadka Soomaalida ah ee magan galyada ka dalbada Sweden aysan si sahlan sharci ku heli doonin. Sadexdii sano ee la soo dhaafay ayaa Sweden waxay soomaalida sharciga ku siin jirtay haddii qofku cadeeyo in uu ka yimid koonfurta Somaliya oo keliya. Arintaas ayaa hada wax laga badali doonaa iyadoo qofka sharciga lagu siin doono oo keliya haddii isagu cadeeyo dhibaato ku dhacday.

Arintaan ayaa sharciga ku adkayn karta dadka Soomaalida ah ee iska dhiibay Sweden bilihii la soo dhaafay iyo kuwa soo socda. Dadka ku imaanaya dacwada qaasatan caruurta ayaysan arintaani saamayn ku yeelan doonin.

Dhinaca kale warbixinta Laanta Socdaalka ayaa lagu soo bandhigay in magangalyo doonka iska dhiibay Sweden sanadkaan ay cirka isku shareereen oo qaasatan dadka ka yimaada Suuriya ay hada yihiin kuwa horay laga siinayo shariciga. Isbuucii ayaa Sweden waxaa hada iska dhiiba ka badan 1000 qof oo ka soo jeeda Suuriya.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. name says:

    ASC wan kusalamay sxb jimcale iyo inta ku xiran somaliska salan kadib wad kumahadsantahay walal jimacel warbixinada ad marwalbo ino sogudbiso. waxan wax kaweydinayaa arinkii 2sano ahaa ee dadka lagu hestay an kamid ahaa maxa warbixin ah oo ad kaheysaa sxb ksikeyga maxkamad ayan ugudbiyay walina jawab kaman helin hadujiro qof maxkamada war kahelay nalaso socodsii sxb adigomudan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. maxamed bashiir says:

    waa arin cusub dad badan oo awal isku dhiibijiray waxaankasoo cararnay muqdisho iyo meelo udhawna hada waxay dhihidoonaan waxaanka imaanay kismaayo iyo meelo kale bal aan ogaano siduu xaalka kudanbeeyo by

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  3. muna says:

    asc dhaman dadka ku xiran somaliska waxan ahay dadka heysto 2sano diidmada ee wilbo lacagta laga jartay dadkasi wax natiijaha ee leyihiin majiran jimcalow

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. name says:

    waa maxay muna lacagta lagajaray e ad shegeyso wan fahmay arinta 2sano ah anigabo didmada wan hestaa lkn lacagta lagajaray micnaheda isheg?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. shariif says:

    sxb jimcaal waxaan ku waydinhaa dadka diidmad haysta kawran ayaga ee wadan ka inta badan joogay see la yeelaa ayagana

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. shariif says:

    sxb waa suashii iigu horaysay ee aan soomaliska waydiiyo fadal iga soo jawaab thanks

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  7. abu cayn says:

    SALAANTA ISLAAMKA KADIB waxaan rabaa in aan yara qoransado maqaalka ah LAANTA SOCDAALKA OO WAX KA BADALEYSO ARAGTIDEEDA KU AADAN SOMALIYA ugu horeyntii habka magan gelyo doonka ee swedan waa habka ugu wanagsan ee calamka marka loo eego habka magan gelydoonka ee calamka intiisa kale iya doo dowlada SWEDEN ay bixiso sedex STATUS AMA SHARCI OO KALA AH REFUGEE-STATUS SUBSIDERY-STATUS IYO OTHER WISE-STATUS marka waxaan hubaa qofka somaliga haduusan qaban SHARCIGA DUBLIN REGULATION EE SANADII 2003 ay dhigteen inta badan wadamada QARADA YURUB WUXUU XAQ ULEYAHAY IN DOLADA sweden ay sii so sedexda PROTECTION-STATUS midood sababtoo ah SOMALIYA kama jirto dowlad dhexe oo sugi karto aminiga iyo nabad-gelyada qofka mu wadinka somliga ah ee ku nool gudaha SOMALIYA marka yasan baqdin dareemin dadka dhawan ka codsaday dowlada SWEDEN MAGAN-GELYO iyo kuwa qudareynaya in ay magan gelyo weydiistaan dowlada SWEDEN DHANKA KALE SHARIIF dadka diidmada heysta ee wadanka inta badan jogay wadanka xalkooda waa lama mid waa marka kowadee in diidmada kowaad ay aqbalaan ama ay ka qataan RACFAAN hadey RACFANKA diidmo kala kulman ay arinka ugud biyaan maxkamada taasi waa talo wax ku ool ah ee uu qof walba wax ku fahmi karo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  8. Kayserb says:

    Walaal jimcaale ma bilahan socda qofkii ka yimaad somali ya ayaa kamid ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ahmed says:

    ilaah somalia u gar gaar adigaa awod leh somali dadka ka imaadaan mar kasto waa in sharci la siyaa maxaa yeelay somalid dowlad xog leh wali kama jirto yaa la baqanin kismaayo ayaa bilaabaneyso hadnae kkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. The Truth says:

    Somalia is currently a war zone quite possibly the most dangerous country in the world to visit and remains extremely dangerous for independent travel or sightseeing due to armed conflict between Government forces and various warlords/factions and so many radicalization. Mainly, vessels overtaken by pirates are currently held in Somalia. The country has lacked a semblance of government for over 20 years and the “officially-recognized” government in Mogadishu has a weak grip on the country, despite recent success in the fight against al Shabab and a dramatic improvement safety-wise in Mogadishu in 2011-12 . Also, the country is experiencing a drought that is affecting most of the country.

    I think Somalia is entrenched in the political developmental process and has a long way to go before it can be deemed democratically successful by Western nations.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 6

  11. ramla says:

    somaliya hada dowlad toos ah baa ka dhalatay haba iska itaal darnatee walal hada mala ogolanayaa basaboorka soomaligaa cadeyn ma noqonayaa mise waxba iska ma badalin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Cali says:

    Waan ka xumahay ayaan ku leeyahay WaXAAD SHEEGANAYSAA INAAD UMADA U ADEEGEYSO HADANA WAXAAN KA XUMAHAY INAAD MALAHAAGA UMADDA AAD NIYADA UGA DISHO ADEER ADIGAA JECEL SIDAASI INEY SWEDEN SAMEYSO ADIGA DOWLAD IYO LAANTA SOCDAALKA WAXAY ISKU DIRAAN MAXAA KAA WARQAB SIIYEY MISE MEESHA SOMALIA AYAAD U MALEYSAY , MIDA KALE MAXAAD UMMADA MALAHAAGA UGA NIXINEYSAA WAA SIDAAD ADIGU JECESHAY IN DADKA LAGU ADKEEYO AMA LOO DIIDO WAA SIDA HADALKAAAGA KA MUUQAA EE ALLAHA KU CAAFIYO WAAD XANUUN SAN TAHAY . WAXAADANA OGAATAA WALAALAHA DHIBAN ILAAHEY BAA UGA SOO QAADAYAA MEEL WALBO HAKA YIMAADAAN AMA CIRIF KA WAQOOYI AMA CIRIFKA KOONFUREED , ALLAHA KU CAAFIYO AYAAN KU LEEYAHAY SXB.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 4

  13. mds says:

    ASC dhamaan waan ka xunahay go’aankaas xitaa lama dhihi karo koonfurta somaaliya waa soo hagaagee maxaa yeelay dhibaatadii wali way jirtaaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. kabtan says:

    asc dhamaan umadda soomaaliyeed sln kadib jimcaale fadlan iskuday jwb inaad igasiiso arimaha 2da sano waa wax anfahmi la ahay maxaayeelay waxaan ogeyn go anki aygaartay dowlada sweden kaasoo ah inlamideeyo o kaliya xaasaska caruurta iskudhalay marka caqabadaan kale o diidmada ah maxeytahay wll shaqsi ahaanteyda ayey igudhacday marki dna ga la igaqaaday xaaski iyo canugeyga anfilaayay in ayagana lagaqaado ayey billaa sabab isiiyeen diidmo marka wll jwb igasii ma arinta 2da sanaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  15. sufyaan says:

    ASC DHAMAAN WAA IDIN WADA SALAAMAY DHAMAAN
    FIKRADIHIINA WAA FIKARADO WAX KU OOL AH
    ANIGA FIKRADEYDA WAXAY TAHAY IN WADANKA UU SIDIISII YAHAY WAXA ISKA BADALAY WAA WAX AAD U YAR CIIDAN MEEL QABSADAY SHACABKA SOMALIYEED EE RAYIDKA AH WAXBA UMA TARAYSO CIIDANKII LA DHAHAYAY WAA DAWLAD AYAKA AYAABA DADKA DILAAYA OO QAFALANAAYA GABDHIHIINA KUFSANAAYA MASAAKIINTANA DHACAAYA MARKA LAMA DHIHI KARO WADANKA WAA SOO HAGAAGAY ILAA KUWAAS LAGA BADALO OO LA HELO CIIDAN DAACAD AH OO ILAALIYA XUQUUQDA AADANAHA MIDA KALE SWEDEN KALIGEED GO’AAN KAMA GAARI KARTO SOMALIYA XAALKEEDA WAA IN AY MIDAWGA YURUB U FARISTAAN OO AY KA SOO SAARAN GO’AAN RASMI AH MARAKAAS AYAA LA DHAQAN GALIN KARAA TAASNA WAXAY QAADANEE MUDO BARNAAMAJKA SIDA AAD U MALEENEYSID MA AHA WALAAL JIMCAALE.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  16. sahra says:

    asc walaal waad mahadsantahay waxaan rabi lahaa inaad iiga waranto hadaad wax ka ogtahay caruurta qaangaartay oo iyaga iyo dadkooda dhiiga la iskaga qaaday mala isu keenayaa mise waad qaan gaarteen ayaa la leeyahay?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. juweeriya maxamed says:

    waa salaaman tihiin waxaan idin way diinayaa jimcaalahani masafiirbaa mise waa wariyawaa kan dadkii waalayee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. ahmed says:

    Asc aboowe ugu horen wan kusalamey jimcale waxa jawab iga sisa arimaha qofka ludiraye lafa mala jojiya ,adi lajogiye gorma ugu dambeysa jojinta lafaha adigo mahadsan aboowe iso jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. abuukar maxamuud yalaxow says:

    asc markahore waxaan idinkusalaamayaa salaantaislaamka asc salaan kadib run ahaantii aniga waxaan ahay nin dhiban oo dhib badan soomaray run ahaantiina aan wax wareysto iyo wax jawaabsiiyo waayay runtii waxaan ahay qof isagoonool lacunay sabtiisi hadana aan haysan waxcaawiyo mase meel farta ugutiifo amawareysto hadaba soomaliska waxaan kacodsanayaa in ay xaqayga ii soodhiciso amaba irid iifurto wabilaahitowfiiq asc waraxmatulaahi wabarakaatu

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. RUNSHEEG says:

    ASC SOMALIYEEY MAXAA LA DIIDAA MAXAASE LA OGOLAADAA XATAA SOMALIDI OGOLAANSHAHA HESHAY OO ARINTOODII KA SOO DHAMAATAY SAFAARADII SWEDEN SIDA KENYA IYO ITOBIA WAXAABA KU DHEGAAYA OO QASH – QASHAAD KEENAY MAGAREESHINADII WADAMADII LAGA SOO BAXAAYAY OO BER YAHAAN DAMBE XA YIRAAD KEENAY MA GARAN KARO XAYIRAADAAS HABA U BADNAATEE MAGAREESHINKA ADDIS OOAAN WAX U QABANEENIN DADKII RAD IYO DUMARBA IYO CARUURTOODII SOOMAALIYEEY MA ILA ARAGTEEN MISE WAA IGU KALIGEEY?? MAXEYSE TAHAY DAD DHOFAAYA OO XATAA OGOL BIYA BIYIHII LAGA RABAY OO AANAN WAX LOO QABANEENWAA SU AAAAL DA WEEENOOO MADAXA DAAALINEESEE WAXAAN JECLAAN LAHAA SXB JIMCAALE IN AAD BOGA HORE KU SOO QORTID DAD KA SAFAARADA SWEDEN BASABORADIISIISAY IYO KAARARKII MISANA LAGU XAYIRAAYO AMA AAN WAX LOOGU QABANEENIN MAGARESHINKA ADDIS

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0