Labo sano ayuu Sweden joogaa maantana waa dhaqtar!

Ninka lagu magacaabo Jawad Mirzad oo 45-sano jir ah waxa uu Sweden soo galay bishii December ee 2013 isagoo ka yimid wadanka Afghanistan. Jawad oo dhaqtar ahaa markii uu Afghanistan ku noolaa ayaa durbadiiba bilaabay in uu raadiyo wadadii uu Sweden kaga shaqayn lahaa dhaqtarnimo balse markii uu dadka u sheegay in uu doonayo in uu dhaqtar ahaan ku shaqeeyo hal-sano gudaheed ayaa lagu qoslay maadaama uusan xitaa luuqada aqoon.

Balse Jawad ma uusan  niyad jabin ee uu dadaal dheer ayuu u galay in uu luuqada barto isagoo SFI ku dhameeyay dhowr bilood ka dib u gudbay koorsada Swedisha ee caafimaadka (vårdsvenska). Ka dib markii uu dhameeyay ayuu shaqo tijaabo ah ka bilaabay hospitaalka Vårberg 1 sano ka dib markii uu wadanka soo galay. Shaqadaas ayuu caawiye u ahaa dhaqaatiirta kale inta uu sugayay ogolaashaha dhaqtarnimada, isagoo maanta helay oo ah dhaqtar rasmi ah 2 sano ka dib markii uu Sweden soo galay.

Hadaba sidee Jawad ku sameeyay horumarka degdega ah, isaga oo la hadlay wargeyska Göteborgsposten ayuu yiri:

“Markasta shaqsiga ayaa iska leh go’aanka mustaqbalkiisa, waa in aad isticmaashaa dhamaan fursadaha yaala Sweden. Waa adagtahay balse waa la samayn karaa. Haddii aad waqti dheer sugto in aad shaqayso waxaa kaa lumaya aqoonta. Waxaan doonayay in aan hal sano gudaheed ku helo shaqo dhaqtarnimo” 

Jawad ayaa marka uu isbarbar dhigo daryeelka caafimaadka ee ka jira Afghanistan iyo Sweden ayuu kula taliyay Swedishka in ay yareeyaan eedeynta daryeelka caafimaadka Sweden oo ay ka fikiraan sida xaaladu ay tahay wadamada kale oo uu liito daryeelka caafimaadka.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Dadaalaa waa gaaraa”. Qisada Jawad ayaa muujinaysa muhiimada ay leedahay in qofku uu juhdi u galo in uu horumar ka gaaro wadanka oo haddii uu dadaal la yimaado uu gaarayo halka uu hiigsanyo. Waxaa kale oo meesha ka cad faa’iidada ay leedahay in uu qofku sheegto aqoontiisa iyo waxbarashadiisa.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Kabtan matii says:

    Waa arin aad looga afraxo dhiirigalintaan cml ayaan ka Helaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  2. Adem says:

    Jawaabtu waa fududahay nin kani wuxuu watay aqoon dhakhtarnimo lkn waxaa kaliiya oo hortaagan Af-swidhish ka waana wax iska caadi ah. Waxaa cajiib ah oo kaliiya in uu dag dag ku helay kaarka dhakhtarka lkn sidiisa kale wxuu ahaa nin horey u dhisnaa.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 2

  3. ninka dadka qaldan saxa says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 8

  4. umu Munasib says:

    Asc dhmn bahda somaliska.com. walaal Jimcale waxaa jirta soomaali badan oo suuqa shaqada sanad ku galay marka isku day mar walba inaad raadiso macluumaadka iyo hormarka soomaalida Sweden ku nool. waad ku mahadsan tahay dhiiragelintada quruxda badan. Asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  5. abuubakar says:

    Luqada si deg deg ah waa lagu bara karaa laakiin muhiimadu waa laba sano gudahood dhaqtar ma lagu noqon karaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  6. mahamed says:

    ninka webkaan iska leh asxaabey ma faaninta ajaaniibta ayuu ku khafiifey bal soomali badan oo ismuujisey ayaa jirtee ilaah idinku dhaarshey kuwaas muxuu u soo qori waayey ninkaan ajaaniib jecelaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  7. Abdu says:

    Asc
    Walaalyaal sida aan ka aqriyay joornaalka la dhaho METRO WUXUU U QORNAA IN WIIL DHALINYARO AH OO KA YIMID WADANKA SUURIYA UU LABA SANO KA DIB MARKUU DHAMEEYAY DUGSIGA SARE UU BILAABI DOONO KULIYADA CAAFIMAADKA AYAAN ANIHU AQRIYAY EE TEEBAA SAX AH JIMCAALOOW IYO DHAMAAN AQRISTAYAASHABA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3