Lacagta lagu bixiyo dhamaynta SFIga oo la dhaliilay

Lacagta loo yaqaan SFI-bonus ee la siiyo dadka koorsada luuqada ku dhameeya mudo sanad ka yar ayaa aad loo dhaliilay iyadoo la sheegay in si aan wanaagsaneyn loo soo agaasimay isla markaana aysan ku caawin soo galootiga in ay luuqada degdeg u bartaan.

Warbixintaan oo uu soo ururiray wargeyska Riksdag & Departement  ayaa lagu sheegay in dadka dhameeya luuqada ay yihiin kuwa firfircoon oo markasta dhameyn lahaa koorsada lacag haddii la siiyo iyo haddii kaleba. Ilaa markii la bilaabay sanadkii hore iyo hada ayaa waxaa lacagta qaatay 1950 qof lacagtaas oo gaareysa 18 milyan oo karoon.

Quburo la wareystay ayaa ku taliyay in wax laga badalo ujeedada loo bixiyo lacagta oo sheegay in ay haboontahay in dadka lagu siiyo lacagta heerka ay luuqada ka gaareen halka ay noqon lahayd waqtiga ay ku dhameeyaan.

Soo galootiga qaar ayaa lagu eedeeyaa in aysan dooneyn in ay dhameeyaan SFIga maadaama taasi ay noqoneyso in ay shaqooyinkooda ay saacado buuxa qabtaan ama in laga doonayo in ay baraatiik ama shaqo raadis galaan. Dhinaca kale dhameystirka SFIga ayaa qofka u furaya fursado waxbarasho oo balaraan iyo xoriyad uu ku guuri karo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. mohamed aweys says:

    asc dhamaan waan salaaman tihiin jimca wanaagsan dhaman iyo maalin wan\gsan
    wax barshada luqada wxe anfaceesaa ruuxa baro luqa
    sweden we xumaatay dhan walbo soo galootiga wey ka jeesatay lkn waa laga bixi doonaa in sha.allaah

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. Aden says:

    bro jicmaale asc waxaan filayaa waa caadi in lajoojiyo iyo in aan lajoojin lacagtaas waayo anigu luuqada waxaan bilaabay 2 bilood kahor waxaana dhamayrabaa C hada ujeedkayguna mahan lacagta bunuska ah ee waa mustaqbilkayga iyo in aan wax sii barta ama aan shaqo tago oo aan kushaqaysto aqoontii aan kala imid wadankaygii.
    mid waa run dadka badan ayaa raba in ay skolka iska dhex fadhiyaan ayaka oo kacararaya praktik iyo kurs dadka loodiro waana dadka hoos udhigay magaceen ee dadkaas wax haloosheego.asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. cabdi says:

    jimcaale luqada in labartaa waa qasab hadii aadan baran maxaad kushiqaysan see aad wax ku fahmaysaa anigu waan ku daahay laakiin hada ayaan dhamaynayaa lacag kuqaadane ismalihi laakiin waa danaheyga salaam

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0