Lacagta TVga oo laga yaabo in canshuur lagu badalo

Lacagta TVga ee ay qaado Radiotjänst ayaa laga yaabaa in canshuur laga dhigo sida ay ku taliyeen gudi ay u saartay dowlada. Gudigaan oo hawshooda ahayd in ay soo bandhigaan qaabka wax looga badali karo lacagta TVga oo aysan dad badan bixin ayay mudo baaritaan ku hayeen iyagoo ugu dambeyntii soo bandhigay in laga dhigo canshuur.

Canshuurta ayaa la mid noqonaysa mida aaska oo waxay waajib ku noqonaysaa dhamaan qofkasta oo canshuur bixiya. Hada ayaa waxaa waajib ah in qofkasta oo telefishin u yaallo uu bixiyo 2,076 kr sanadkii balse dad badan ayaa iska diida in uu telefishin u yaallo halka qaar badan ay kombutarada ka daawadaan.

Qorshaha cusub ayaa wasiirka dhaqanka waxaa loo bandhigayaa 10 bishaan September iyadoo baarlamaanka hordhigi doonta. Haddii baarlamaanka uu aqbalo ayay markaas meesha ka bixi doonaan ragga dadka guryaha ku soo garaaca ee waydiiya in telefishin kuu yaal iyo in kale. Maadaama canshuur layska qaadayo markii uu mushaar ku soo dhaco.

Arintaan ayaa ah mid u wanaagsan Soomaali badan oo dhibaato ku qabta lacagta TV oo marar badan ay ku qasbanaato in ay qariyaan TVga u yaal. Lacagta TVga ayaa waxaa lagu bixiyaa qarashka ku baxa telefishinada SVT, idaacada Sweden (SR) iyo Kanalka waxbarashada Utbildningsradio (UR). Ujeedadu lacagta dadka looga qaado ayaa ah in telefishinadaan ay noqdaan kuwo ka madax banaan danaha siyaasiyiinta iyo shirkadaha.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. F.M says:

    Waa arin fiican!!!!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. masayrbadan says:

    HORTA JIMCAALE MUXUU SOMALI WAX KASTA TUSAALE UGUSOO QATAA MA SOMALI KALIYAA DIIDA BIXINTA TV SWEDESH DIIDAYANA ANAA ARKAYE OO QARIYEE

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  3. bishaaro says:

    Asc salan ka dib wadankan markan imi waxa i so dhacday warqad la i leyahay TV ma ku yaal mana aqoon aqriska luuqadan Hanlgradda ayan u geyay wayana i qortay haa wuu u yaal 3 bil waxa i so dhici jiray faktur wana bixin jiray .. gabdh ba i timi i tidhi somalida dhan ma baxashan ee ha bixin wayna i wacday waxay tidhi Tv. wa jabay .. mudo ka dib waxa i yimi nin albabka so garcay wuxu i yidhi Tv ma ku yaal may ban idhi saxiix bu i dhahay warqadan in tv ku oolin wana saxiixay 2 malin ka dibna waxa i yimi Faktuur wan la hadalay waxay dhehen ada saxiixay in u ku yaal caydana wa kana .. sida lo qiyaamo bay aaygana dadka u qiyaamaan .. markan cabar bixyay aya hadan mar kale waxay dhahay tv. wa iga jawab .. caajib beenta waalahay in ficnayan TV palat ah oo 7000kun ka so bixyay ba iga jawaby .. hadda mudo ku dhoowe 3 sano toos ban u bixiyaa balayadan anagaba lacag u bahane maxay noga qadayan wax fiicana kanalada dowlada ma soo dayan … laakiin shaqala la sinaya sidan filaayo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  4. cali says:

    Asc dhamman akhyaarta fikradda ka dhiibata salan kadib waan ka xumahay Jimcale oo isku shega nin jecel somalida sharafteeda inuu siduu rabo u hadlo sheekadiisuna ay thay qowda maqashii waxna how qaban hadddan si kale u dhigana ay la mid tahay ku danayso oo ka danayso ilaahey nin rag ah oo caqli siiyey ulama hadlo sida cadowga umaddiisa soomaali haday jirto oo diido wax kaa galay ba iska yar ceebtoodana ku liibaani maysid oo aakhiro ugu shaqeyso laguma oran ilahaye waxan ka baryayeyna in xa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  5. cali says:

    Asc dhammaan akhyaarta fikaradhaooda ka dhibta waan ka xumahay in Jimcaale mar kasta oo u hadlo sidi cadowga waayo wuxu jecelyahya mar walba dadka soomaliyed ceebtooda inuu soo bandhogo ujeedkiisuna waa ku dnayso somalida oo ka danayso taas oo la mid ah somalida qowda maqshii waxna ha u qaban walaal jimcale waxan ku leyhay ilahay saxafaddu waxa ay ku badday wax ka kheyr roon ha kuu sahlo Somalida aan tvga bixin haddii ay jirto maxa kaa galay dambigaaga aya kaa raba inaad xaliso inta aad raadinayso fidno iyo ceeb qof kale war waa iga talo ee dhanksa wanaaga wax ka qor midda kale umadada hadii aad wax qaldan jeeshay inad ka celiso waa inaad ku dadaashaa culumo ka wacdida waxyalah xun qofka hadii auu xun yhay waa inadan dhihin waad xunthay ee cashar ku sabsan wanagga iyo xumanta oo laga tago aya loo diyariyaa ee ninyhaow sidan iska bedel wa iga talo oo mowduuc kasta oo aad soo diyariso ayad dadka wax fiican uga dhigta ka dibna gadaal aad aflagadada umadda ku soo gabagabaysaa ilaahey xisaabtiis meel bay kuu taal koley ilaahena kuuma soo dirsan umaddan ceebtooda irsaq ka radso mar ay thayba wey ku sugaysaa gacantii qaad qad mtaqan haddii la jaro gumaceeda aya nuuxsada. ilaahey unmaddan soomaliyed ha ka saaro sharaf xumida wanagana allah tuso iyo waxan ceeb u keenin aaamiin yaa rabbi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. miski says:

    WAXAAN LA YAABANAHAY DADKA WAX KA SHEEGAAYO JINCAALE WALAALAYAAL JIMCAALE DADAKA UU WAX U SOO TABINAAYO WAA ANAKA. ANAKANA SOOMAALI BAAN NAHAY EE ISKA DAAYA SI XUN WAX U SHEEGA HADAAD IS LEEDIHIIN WAA KU QABIIL ANIGA MAREEXAAN AAN AHAY JIMCAALANA WALAAHAY MA AQAAN QABIILKIISA LAAKIIN WIXIINA WAA DADKA SOM,WAX YAAN LOO SOO GUDBIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Massago says:

    Horta Tv-ga baas oo umada lagu wareerihaa xaalaga soo deeyaa anugu waaba fahmi la,ahaye tan kale Tv-ga lacagta aw ku shaqeeyo waxaw kahelaa Hay,adaha ganacsiga sida xayeesiinta,ii dhahyada,ogaysiisyada iwm muga in umada lagu dhibo caashana loo galsho ma fiiicno balse midaa iga talo ah hadii laydin dhaho Tv, maydiin yaal waa noo yaaal mase fiirsano dhaha waa barkannaa camal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. NASRA says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk masagoow iboowaa rabtaanu maha rabtii nabee waa wadan nadaam iyo kala dabeyn leh iska dhiib beesata tv dhagax uma soo jibinee ayukaa ku siina kana ceshaanaa kkkkkkkkkkkk aqli gaalo iyo indho quraasho lama arko nabeeee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. NASRA says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk miski qabiil iyo mareexaan midna wax jira maha waxaa donto awoow jimcaale somaali aan u naqaan waxii ka badan tel u dir plz qabiil qadyaan aan ka joognaaa qabiil oo dhan waxa iiga fiican baartii muuqadheered oo an naba ku hoos seexdo ibaay matag aa iga haayo qabiil waxuu nabaray qabiilku wuxuu nabadaa ka sii daran toowbo dheh islaam iyo somaali joog jimcaalana nin cayaar tumay ilaaq dalbay abaayo asaa wargays noo furay shaqa laaan ana na hayso muga asaan cayneeynaa hada rabno mugna waa faninaynaa waa wiil soomaaliyeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0