Lacagtaan isticmaalkeeda bishaan ayaa u dambaysa

Dhamaadka bishaan Juun ayaa u dambaysa isticmaalka lacagaha hore ee 20-, 50- iyo 1 000. Ugu dambeyn 30-jun ayaa lacagaha hore ee qiimahooda yahay 20-, 50- iyo 1 000 isticmaalkooda la joojin doonaa. Gacanta dadweynaha Sweden ayaa hada waxaa ku jidha lacagtii hore oo qiimahooda yahay  2,6 bilyan oo karoon.

Ilaa bishii oktoobar ayaa Bankiga dhexe ee Sweden (Riksbanken) waxay qeybiyeen lacag cusub oo qiimahooda gaaraya 4,9 bilyan oo karoon balse ilaa hadda waxaa dadka ku hartay 2,6 bilyan oo lacagtii hore ah oo gaaraysa 57 milyan oo warqadood.

“Waxaan ugu baaqaynaa shacabka in ay lacagtii hore dukaamada wax uga iibsadaan ama ay bankiga ku shubtaan ugu dambeyn 30-bisha juun. “ ayay tiri Ann-Leena Mikiver oo ah afhayeenka Bankiga dhexe.

Dadka aan isticmaalin lacagtii hore ee dhacaysa 30-bisha Juun ka dib ayaysan dukaamada wax uga iibsan karin balse waxay ku shuban karaan koontada.

Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan lacagaha cusub halkaan ka akhriso [PDF]

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. omar says:

    waxyar ankusaxo “riksdagen maha ee waa riksbanken.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. luul says:

    asc
    arintaan wexey quseysa qofkii lacagi u keydsantahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. igadaa ciyaarta says:

    aniga ayaa 100 karoon igudhici rabta waa inaan kagaar siiyaa o an bangiga kushunaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Halimo says:

    Lkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Sayid says:

    (1000) kr oo isku dhagan wali ma arkin???!!! Maxaad kawadaa halkaa ukhtii 20,50,1000 ??!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Bariila says:

    Asc dhamaan ☺ walaalaha mesha ku jira.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. rqiyor says:

    100kr miyaa mase 1000 kr i fahansiiya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0