Ma run baa in 8 nin oo Soomaali ah ay doonta Finland ku kufsadeen haweenay?

Isbuucii hore waxay booliska Sweden iyo Finland soo xireen sideed nin oo lagu eedeeyay in ay si wadajir ah u kufsadeen haweenay 45 sano jir ah oo la socotay doonta Amorella ee u kala gooshta magaalooyinka Stockholm iyo Åbo ee Finland. Saxaafada waaweyn ee Sweden ayaa ragga kufsiga geystay ku koobay oo keliya in ay yihiin ragg Swedish ah balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhamaan raggaas ay yihiin Soomaali oo xitaa meelaha qaarkood lagu shaaciyay magacyadooda iyo da’dooda.

Inkastoo aanan xaqiiqin karin wararka ay qoreen websiteyada Swedishka qaarkood ayaana hadana been lagu tilmaami karin, maadaama ay horay u dhacday in ragg Soomaali ah ay sanadihii dambe kufsi ka geysteen Sweden. Dhowr jeer ayaan soo qornay in Soomaali lagu xukumay xabsi kuwaasoo kufsi keystay iyadoo ay ugu dambeysay nin sanadkii hore bartamaha magaalada Trollhättan isku dayay in uu maalin cadeey ku kufsado gabar Swedish ah.

Balse haddii ay runtahay arintaan ayaa falka ay raggaan sameeyeen uu yahay mid xad dhaaf ah, iyadoo ay si wadajir ah 8 nin u qeybsadeen haweenay Swedish ah oo da’deeda tahay 45 sano jir. Raggaas ayaa ah kuwo ceeb weyn iyo magac xumo la yaab leh u soo jiiday guud ahaan Soomaalida iyo Muslimiinta. Magacyada wiilasha ay shaaciyeen websiteyada qaarkood ayaa ah kuwo dhalinyaro ah oo dhamaantood da’dooda ay ka yartahay 30 sano.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

26 Responses

  1. faarax says:

    Masheegi karo ragaan ineey wax xoogeen iyo inkale laakiin waxaan sheegi karaa doontaan dadka kora badankood ineey baashaal iyo shukaansi dartiis u koraan doontaan.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. Ahmed says:

    Mashiigi kartaa meelaha Laguqoray warkan sheegaya inay somali yihiin mise waxaa layidhi ayaad sooturjuntay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 2

  3. Saqaawe says:

    Asc
    Arintaan haday jirto waa wax laga xumaado.Oo sumcad xumo noo ah. Waana ceyb aad u daran.Inaad xumeyso dad ku soo dhaweeyey.Jimcalow ma xaqiiq baa arintaan.soomaliyey arintaan noo soobaara.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  4. omar says:

    Website yada cunsuriyiinta keliya kuqoronyihiin raga kufsiga geystay iney soomaali yihiin…

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  5. xanafi says:

    Wax lahuba maaha arrintaas in somali ay geesteen

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  6. A N S says:

    police ka hadeey swedhish weeyo dhaheen soomaali muxuu kawadaa ninkaan waxay yihiin waa la ogaan doonaayee xaguu warka uusan hubin oola soo ordayaa mise soomaalida ayuu wixi xunba lajecelyahay iyo ceebaha.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 1

  7. mahamed says:

    Sida hadalkaaga kamuuqato wax cadeyn ah mahaysid Marka waxaan qabaa in lagafiicanyahy in aad sumcadeena kuciyarto ood tiraahdo somali ayay ahaayeen adigoon hayn wax habayaraatee cadeyn ah . Waxaa ilaquman jimcaalow inaad warkan meesha kasaarto oo markaad wax CAD hesho sooqorto mahadsanid

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 2

  8. jamaac says:

    jimcaale beenta ka dhaaf somalida afkada wasaqda wixii xuun somalia miyaa aadiga cml miyaa u maleeysa mela shiidada caabo wasaq ah

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 6

  9. Ahmed Saadaq says:

    meesha aad ka soo xigatay warkaan ma sheegi kartaa jimcaale si aan u ogaano warkaan in uu suganyahay adigoo mahadsan mise waa la qoraa iska soo qor waaye wepsitekaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  10. Ahmed Saadaq says:

    Somaliada ayaaba jeclaatay war aan sugneeyn in eey qoraan waayo waxeey doonayaan in eey akhrisayaashu u bataan mise waa been taas

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  11. luul says:

    asc
    jimcaalow beryahaan wax fiican ma heysid mar aad soo qorto kintir iyo haweeney la kufsaday ayan mowduuc ka dhigatay waxan kugula talinayaa wax dadka wax u tara soo qor.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

  12. Abdinaasir Ali says:

    As salamu Aleikum… Jicmaale bro horta webbkan waxuu ka mid yahay webbsatyada Somalida ugu fa idada badan. Mana ila qorxuuno in aad wax aadan hubin ku soo qorto. Mida kale Aftonbladet oo aan waxbo qarin ayaa horay i shegay in ay Swedish yihin oo ay ajanib ahayn. Marka Fadlan Sumacada Dhalinyarta Somalida haka dilin, ileen adigabo wad ka mid tahay. Mida kale commetska ugu badan waxeey ku waydiyeen mesha aad ka so citet ama xigasho ka soo sameysay ilaa hadane uguma adan jawabin. Koleey waxaan u fahmi jiray in aad svenska aqrin karto, lakin waxan ku fahmaya in aa gissa ama qayaas ku socoto. Warka Si qaldan uma ha ugu so qorin. Warka aad hubina ka daa. Please.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. Jimcale says:

    Inta ilaa hada aan soo ogaaday waa in ragga kufsiga lagu eedeeyay ay yihiin Soomaali, ilaa hada lama xukumin oo dambiga laguma cadeyn balse xitaa magacyadooda, halka ay deganyihiin iyo da’ooda ayaa internetka ku jidha.

    Waxaan muhiim u arkaa in aan ka doodno dhaqanxumada iyo dhibaatada ku dhacday dhalinyarada Soomaalida iyo sidii aan uga wacyi galin lahayn arimahaan, ee aanan ku mashquulin waxyaabo kale. Mowduuc kasta oo aan soo qoro waxaan ku saleeyaa danaha akhristayaasha iyo in uu noqdo mid wax laga faa’ido. Mowduucaan aan ka faa’idno in aan ka hadalno arimahaan oo aan muhiimada siino in aysan dhicin Soomaali dambe oo kufsi lagu eedeeyay. Arintaas ayaa aad u muhiim ah !!!

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  14. maxamud says:

    Haddii dadka kufsiga ku kacay ay somali yihiin amaba dad kaleto way cadaan doontaan oo maxkamad ayaa eedeysanayaasha la soo taagi doonaa.saas awgeed yeynaan ku mashquulin ee aan ka war sugno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. rashka says:

    Jimcaale sxb sida laguu moodo iyo sida aad tahay waa mid aan isku qalmin.Wargeyska sida Aftonbladet ,raggas iney Swedish yihiin ayey qoreen adiga hadda warkaaga meel loo raaco malahan. Waxna nooma sheegin wax uun baad na weydiisay! Saxaafad dadka su’aal weydiineyso Somaliska ayaa lagu arkay.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  16. axmed2 says:

    koley kuwas waxan fila iney habargidir yihin sababto nimanka habargidir ayaa luguyaaqana waxaas,

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  17. shirin says:

    Kkkkk waliged ayaaay ragga somaliyed wadar wax uu kufsan jiren maxaa doodan kulul idin galiyaay wax jira la sheege wiilka afka ha ku tagina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. shirin says:

    Alla ma habardugaagba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. geedi says:

    Bal ninkaan wayn wuxu kuhadlayo eega waa wax uu jeebkiisa kala soo baxay.dadkii wadanka udhashay baa leh wa swedish

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. Abuubakar says:

    war sugan bulshada usoo gudbi qoraalkaagana kumaad cadayn meesha aad kasoo xigatay balse waxaa u egtahay oo dhaqankooda leedahay dadka magaca soomaalida la sheegto oo ceebta iyo darxumada la jecel laakiin horaa loogu daalay saaxiib.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. saarah says:

    jimcaale beenta uku weneed manta soo qortay ee illahay kacabso wararka aad soo bad badineso dhaaf jimcaale intaat wararkan aadan soqorin kahor ayaan raadiyaha isweden qebta af somalika ka dhagestay waxena shegeen in aay yihiin iswiidhish marar badan ayaa warar lasoo dhafay gadaal ka buun buunisaa ee sida aan uku taxanaajiray mowduunyada aad soqorta waaba iska dhaafay beentada badan iyo waxyabaha aad ku darto oo buun buunin af ee wax sugan hadadan heynin iska aamus sidaas kuu qeeyroonee waxaan kaloo asaxaabta ku xiran webkaan ushegaa in aaysan soo boqan webkaan ee kador bidaan daariyaha iswedhan af somalika ah wana aad ogaan doontaa marka wararka aas kaso aqrisato kadibna laba maalin kadib cml uu been ku sodarayo ninkaan sidii ay eheena usheegayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. luul says:

    asc
    horta dadyohow idinka oo raali ah ma ogtihiin dadka sweden sharciga ku leh in lagu tilmaamayo swidhish saxaafada ma dhihi karaan waa soomaali wayoo sharci swidhish ah ayey heystaan
    marka warka jimcaale waxuu noqon karaa 100% run

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  23. Abdifatah says:

    war adaa warka soo qoree dadka ha kubi ma runbaa maxay tahay managaa naqaan sxb warka soo qorayso iska hubi mise adoo hurdaysan ayaa qortaa sxb dad akhyaara ku xiram meshaan maamisha wax qanciya ekeen ama isba xir waa thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  24. amino says:

    Malahuba warkan mise wa mid lagu cebenayo umada somaliyed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Amoore says:

    internet ayaa lagu qoray kulahaaa war waxaan wuxuu isku bedalay DAAHIR CALASOW

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  26. Najka isse says:

    Oh ilkaha hadii la fago qurun baa ka yimadah Maa Runta La is Ku shego somaliyey wax walbo dhacah in somalida dusha laga Saro ama xun dhibteda ayey ledahay ee dhulka iniga is dhigay orda sidan is ku dhama

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0