Ma tahay oo ma noqon kartaa Swedish?

Sidee lagu noqdaa Swedish? Haddii aad tahay qof soo galooti ah ma sheegan kartaa in aad tahay Swedish? Isbuucaan waxaa dood weyn ka dhalatay cida lagu tilmaami karo in ay tahay Swedish ka dib markii afhayeenka labaad ee baarlamaanka Sweden ahna xogyaha xisbiga SD Björn Söder uu sheegay in Yuhuuda, saamiyiinta iyo kurdidu aysan ahayn Swedish. Xisbiga SD ayaa aaminsan in cida ku dhalatay Sweden ama ay soo korsadeen qoys Swedish ah oo keliya lagu tilmaami karo in ay yihiin Swedish (Svensk).

Ka dib markii uu cambaareyn la kulmay ayuu ku dooday Söder in Saamiyiintu aysan dooneyn in ay noqdaan Swedish, isagoo intaas ku daray in Carabta ku nool Malmö aan lagu tilmaami karin Swedish. Söder ayaa ku doodaya in la kala saaro Swedishnimada iyo lahaanshada baasaboorka Sweden. Inkastoo hadalka Söder uu  yahay mid ka soo yeeray nin cunsuri ah ayay hadana tahay xaqiiqo aan wada ognahay in dadka baasaboorka Sweden qaata aysan noqon Swedish. Hadaba waa maxay sababta ay u adagtahay in loo noqdo Swedish marka aad baasaboorka qaadato? Marka aad eegto wadamada kale, sida Maraykanka ayaa dadka baasaboorka maraykanka haysta  loogu yeeraa Amerikan. Maxaa diiday in kuwa baasaboorka Sweden haysta loogu yeero Swedish?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. fuaad says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 7 Thumb down 19

  2. Somali Swedish says:

    Waxan u arkaa in dadka soogalootiga ah ay yihiin cunsuriyiin, oo ka daran SD marka loo eego shisheeye nacaybka…. Tusaale, anagoo u soo qaxnay Sweden oo si fiican naloo soo dhaweeyey ban iyaga hadda necebnahay oo cunsuriyeenaa…. Lakin iyagu waxay noo ogolaadeen inan la sheegano dalka oo yeelano Xaqqa uu Native Swedish-ka leeyahay, Wax wan dooran karnaa, waana nala dooran karaa, marka uma arko in naloo diiday ama naloo diidi karo Swedishnimada ee anagaa isu diidayna inan sheegano

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 16 Thumb down 12

  3. Idris Booto says:

    ASC waxaan qabaa aniga in aadan ku noqon Karin swedhish warqad aad qaadato marka dadga aminsan taas ha ogaadan mar walba waxaa tahay meesha aad markaadi hore ka imaatay somali what ever waad mahadsantihiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 3

  4. Yuusuf Somali says:

    ASC dhamaan Asxaabta Hadii Xaqiiqda Laga Hadlo hadalka Söder Waa Xaqiiq Waayo kala saar Passport iyo Orgin Qof walba Meesha uu Orgin u yahay ayuu ahaan doonaa Aduunka oo dhan ayeey ka jirtaa hadii ayba siinayaan Passport dadka intaas ayaa La rur ah Waayo Passport yurub iyo USA iyo Canada oo la qaataa Laguma Noqdo Orgin carab waa carab somali waa somali

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 1

  5. abdi moha says:

    Caqliga kaa maqan waxaa loo doonta walaalka marka kowaad Fuad xaqiiqda adaa haya adaana leh qalib dareemaya mise ku taagan hab ninka rag ama wiil walbo somalia looga baahan yahay war inagii ayaa is faquuqna miyaan gaarnay heer aan ku doodna dal shisheeye inaa isku dhajino wali runtaan la ogaan lkin gooorta ay ahaataba waynu isgaran donaa kun sano haba kaso wareegte waqtigana wu soconayaaa…Fuad

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  6. Abu DAALIB says:

    Asc damaan hadal kiisa waa xaqiiq kolka ay noqto Nativenimo Swedish ma noqonayo qoka baasboorka qaatay Lakin ku laga hadlo Multi-culture waa Cunsurnio hadalkaas
    muxu uga tagay Europianka Cad German mise Norwegian inay aanay ahayen Swedish
    wuxu ku xisaabtmay Caucasian-White waana Cunsuriyad Cala kULI XAAL lama dafiri karo soodhweynta Sweidshka waana abaal wayen rutii Cunsuriyadu meel kasta waa ka jirta

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. Maxamed Cabdullaahi says:

    Jawaabta su’aasha qoraagu uu ku soo afjaray maqaalkiisa:
    Waxa ay ila tahay in qofkii wadan kale ka yimid uusan ahayn muwaadin dhab ah sababtoo ah caradan kuma dhalan, hadii xitaa wadanka aan martida ku ahay uu iyaraahdo nala mid baad tahay waan ku diidi lahaa oo waxaan oran lahaa marti baan idiin ahay, xuquuqda iyo waajibaadkana wan idin la qaybsan karaa. Balse wadan kale baan ku dhiig ahay.
    Tusaale: Johnsson iyo Jaamac hadii danbe qaranka ka galaan. Johnsson baasaboorka lagalama noqdo balse Jaamac waa lagala noqonayaa.
    Ameerikana waa dhul la boobay nin dhihi kara anigaa u dhashay uu waa qowmiyadaha la laayay kuwii ka soo haray inta kalana waa wada qaxooti.
    Salama.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  8. faarax says:

    hada kahor nin cadaan norwegian ah ayaa 70 dollar ayuu somalisk medborger kaga noqday bakaaraha saacad gudahiisa. marka aduunka waxkasto wa macquul

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  9. mohamud mohamed ibrahim says:

    waxaan deganahay wadanka Norway waxaan haysta dhalashada wadankan aniga iyo ciyaalkayga iyo faamalkayga kale maan la kulmin qof dhibaato ii gaysta aan ku necbaado dalkan waxaan helaa wax kasta ay helaan dadka aan magaalada wada deganahay haday shaqa tahay caafimaad tahay nabad gelyo tahay iyo hadaan u baahdo caawimo kaleba waan ogahay inay jiraan dad u dhashay dalkan oo yagu neceb taas laakiin kuwa wanaagsan ama sharciga ogolaaday inaan sidan ugu noolado kuwii sameeyay ayaa ka badan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  10. gabaldaye says:

    waxaan sugaya oo kali ah basaborka kadib maraykanka aya adi raba wayo halka dhulka cidi lahayd waa la dhameyey oo ingiris iyo irland aya xasukay wana kadaba yimid madow slave ah , swedish ,somali hindi iyo latine amerika calamka dhaman cid walba leh diin walba leh aya hada buxiyey marka dhulka cidi malaha halkeed kaa timid cidi ku odhan mayso dhaman waa wada ajanib , american waxa lagu noqda fikir iyo value oo add share garayso wana waxa maraykanka quwadisa kor u qada eeh mahine indo blug ah iyo timo caad , aar halka aya ii gueya tani sweden waa turi laha subax walba iyo ciid kasta oo aynu is barano waa varifrån kommer du ? waa nacay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  11. baarliin says:

    Sax 100%

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. baarliin says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 11

  13. Khadija says:

    Asc, walaalahay waxaan sheeko ku maqlay in dhulka waqooyiga yurub amase (Norden) uu ahaa meel barafku aad u deggan yahay muddo kadibna markii cimiladii ay isbedeshay oo uu barafkii dhalaalay waxii ugu horeeyay ee dhulkaa tegay ay ahayd cowsha geesa dhaadheer (renen) oo waqooyiga yurub lagu yaqaan kadibna saamer ugaarsato ah ku xigeen dadkaas oo ah dadka hadda la leeyahay Swedesh ma ahan! . Waxan ognahay in Sweden ay deggan yihiin dad asalkoodu wadamo kala duwan kasoo jeedo oo awoowayaashood ay boqolaal sanno ka hor wadankan yimaadeen ma la’iiga jawaabi karaa su’aashan horta yaa Swedish ah ?

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  14. qadar says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  15. Run sheeg says:

    Naagta wadata Baarlin haku riyoon inaa noqoto Swedish 100 sano hada degenaato sweden ha ilawin somali Carab MA ahan ee african hadan Carab nahay maxaa carabi ugu hadli weynay oo sidooda ugu ekaaweynay tan kale Swedish wa dad cadaan ah isku dhaqan isku din isku kolor intaba MA nihin Marka walaley somali nimada ku fan waliga Swedish passport ey ku siiyen Maku noqoneysid svenska medborgare mar walba na invandrare ayey ku dhahayan waligood Ka xishoo inaa mar dambe dhahdo Swedish ayaa nahay Aniga iyo familj keyga

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 3

  16. Bashiir says:

    Marka hore waad salaaman tihiin, ka dib asxaabta waxaad u maleysaa in aay mowduuca ka baxeen oo asalkii leysla tagay qaarna aflagaado ayey ku hadleen, waxaad kala fahantaan jinsi asal ahaan wadankaan kasoo jeeda iyo jinsi asal ahaan wadan kale kasoo jeeda, swedishku waxey aaminsan yihiin wixii aan swedish dhalad aheyn in aay yihiin soo galooti siduu ha ku yimaadee xitaa danishka iyo norwagian ka ayey yasaan iska daa dad ka yimid meel ka bax europe, EU wadankaad rabto ka joog waxaa tahay ajnabi qaatay dhalashada wadankaas ee ayaga oo kale ma tihid, Barliineey adigana jalbaalka quraanka ayaa lagu sheegay ee diin sal kuma lahan ha oran hadii aadan aqoon u laheen diinta lagama hadlo arimo diini ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  17. Abdikarim mrfaaid@gmail.com says:

    Swedish in la noqdaa sharfba uma arko anigu. laakiin xataa hadaan qaato Paaska weyn anigu weli waxaan isku arkaa inaan ahay Soomaali/Svensk hadana xataa hadaanan qaadan baasaboorka weyn sidaas ayaan isku arkaa hal sanno ka yar yaana ii haray keygii Soomaaliya inuu ii shaqeeyo ooaan caalamka ku maraana ka jeclay kan weyn ee Svedhishka lagu sheego.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  18. hasan says:

    asc salaan kadib pass laqaato laguma noqdo iswiidish ama wadan kale oo aanad u dhalan hadalka nin kaas ka soo yeerayna waa hadal run ah aniguba qof aan soomaali ahayn oo qaatay dhalashada soomaaliga ah umaan aqoonsadeen in uu yahay somali balse waxan u aqoonsan lahaa in uu yahay qof ajaanib ah laakiin aan siinay dhalasho somali ah sidaas oo kale ayuu ninkani u arkaa arinta mida kale aniga waxan aamin sanahay qofku somaliga ahi ama hayimaado ama haku dhashee in uu waligiiba somali ahaanayo uuna yahay si kasta oo uu jaldi dusha kaga qorantahay sverige uu qaato

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0