Ma tahay oo ma noqon kartaa Swedish?

18

Sidee lagu noqdaa Swedish? Haddii aad tahay qof soo galooti ah ma sheegan kartaa in aad tahay Swedish? Isbuucaan waxaa dood weyn ka dhalatay cida lagu tilmaami karo in ay tahay Swedish ka dib markii afhayeenka labaad ee baarlamaanka Sweden ahna xogyaha xisbiga SD Björn Söder uu sheegay in Yuhuuda, saamiyiinta iyo kurdidu aysan ahayn Swedish. Xisbiga SD ayaa aaminsan in cida ku dhalatay Sweden ama ay soo korsadeen qoys Swedish ah oo keliya lagu tilmaami karo in ay yihiin Swedish (Svensk).

Ka dib markii uu cambaareyn la kulmay ayuu ku dooday Söder in Saamiyiintu aysan dooneyn in ay noqdaan Swedish, isagoo intaas ku daray in Carabta ku nool Malmö aan lagu tilmaami karin Swedish. Söder ayaa ku doodaya in la kala saaro Swedishnimada iyo lahaanshada baasaboorka Sweden. Inkastoo hadalka Söder uu  yahay mid ka soo yeeray nin cunsuri ah ayay hadana tahay xaqiiqo aan wada ognahay in dadka baasaboorka Sweden qaata aysan noqon Swedish. Hadaba waa maxay sababta ay u adagtahay in loo noqdo Swedish marka aad baasaboorka qaadato? Marka aad eegto wadamada kale, sida Maraykanka ayaa dadka baasaboorka maraykanka haysta  loogu yeeraa Amerikan. Maxaa diiday in kuwa baasaboorka Sweden haysta loogu yeero Swedish?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here