Maanta ayaa u dambaysa celinta warqadaha canshuuraha

Maanta oo taariikhdu tahay 5 May ayaa u dambaysa celinta warqadaha canshuuraha ee ay kuu soo dirtay hay’ada canshuuraha (Skatteverket). Qofkii aan celin warqadaha canshuuraha ayaa lagu soo rogayaa ganaax lacageed oo garaya 1000kr.

Dadka ay waajibka ku tahay in ay celiyaan warqadaha canshuuraha ayaa ah dhamaan dadka ku nool Sweden ee ay soo galeen dhaqaale sanadkii tagay 2013. Dhaqaalaha ayaa noqon kara mid shaqo, taageero ay ku siisay hay’ada caymiska (Försäkringskassan) ama haddii aad leedahay shirkad. Dadka iska leh shirkadaha Aktiebolag (AB) iyaga wali waqti ayay haystaan.

Qaabka loo celinayo warqadaha canshuuraha ayaa ah oo keliya in aad saxiido warqada ka dibna aad dib ugu dirto Skatteverket ama aad geyso xafiiska kuugu dhow. Haddii aad leedahay aqoonsiga internetka ee (e-legitimation) waxaad warqada ku saxiixi kartaa online adiga oo booqanaya http://www.skatteverket.se.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. mahamed says:

    dadka lacagta laga rabo ayaga waraqda macelinayan mase ayaga lacagta lee laga raba goorme lagana raba lacagta in ay bixiyaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Haa iyaga xitaa waa in ay celiyaan warqadaha. Skatteverket ayaa kuu soo sheegaysa xiliga aad lacagta bixinayso iyo koontada aad ku soo shubayso.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Kamaal says:

    Asc jimcale sxb waxa ku weydina DADKA lagarabo lacagta iyo kuwa lagarabin war qadaha mawada cilinaayan ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. mubaarak says:

    kamaal haa sxb waa lawada celinayaa.
    waxaan idin weydiinaya aqyaarey arinta 2-sano maxa xog kaheesan cidi igu war dhaanta aan kala xog qaadano walaalayaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0