Macmacaankaan ma cunsuri baa?

Foorno ku taala koonfurta Sweden ayaa waxaa la soo daristay fadeexad ku saabsan macmacaan ay sameeyeen iyadoo dadka qaar ay ka eedsheegteen in ay yihiin cunsuriyiin. Milkiilayaasha foornada ayaa sheegay in aysan wax cunsuriyad ah ka wadin macmacaanka ee ay doonayeen in ay muujiyaan midabka shukulaatada.

Inkastoo midadka macmacaanka uu yahay dhowr nuuc oo kala ah madoow, baroown iyo cadaan ayaa waxaa dooda dhaliyay kan madoow oo keliya. Afhayeenka ururka dadka Afrikaanka ah ee Sweden (Afrosvenskarnas riksförbund) Kitimbwa Sabuni ayaa sheegay in ay iska cadahay cunsuriyada macmacaanka isagoo sheegay in ay qeyb ka tahay cunsuriyada dadka cad ee Sweden ay ku sameeyaan dadka madoow.

Hadaba su’aashu waxay tahay waa maxay sababta ay cunsuriga ku noqdeen macmacaankaan? Su’aashaas ayuusan si cad uga jawaabin Kitimbwa Sabuni. Qaar kale oo ka mid ah dadka madoow ayaa qilaafsan fikradiisa oo aaminsan in aysan cunsuriyad la taaban karo ka muuqan meeshaan.

Anigu qaasatan waxaan aaminsanahay in aysan cunsuri ahayn macmacaankaan isla markaana ay indhaha ka leexinayso cunsuriyada dhabta ah ee ka jirta Sweden. Haddii aan waxkasta cunsuri ku tilmaamno taasi waxay keenaysaa in naloo arko kuwo aan si dhab ah u hadlayn isla markaana doonaya ka dhex muuqashada saxaafada oo keliya.

Adiga sidoo kale kula tahay? Fikradaada ku darso…

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. daade says:

    I agree with you” sababto ah waxa nalo arkaya dada dandansi wata tana waxey kalifeysa mustaqbalka in an waxbo laga qaban tan dhabta ah oo lataban karo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  2. asad abdi says:

    aniga waxan u arka in ey nah aheyn cunsiyad sabbto ah hadii kalarka madow mesha la soo sari lahay waan dhi lahay waa cunsiyad lkin sadaxdi kalar aa macmacnki laga same yay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  3. cali says:

    dhamaan waa salaaman tahiin aniga waxeey il latahay ineey e hiin cun suri

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. IDAAJAA says:

    MESHA WAX DHIB LEH
    KAMA MUUQATO

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. ahmed says:

    Kkkkkkk. Sheekada markaas waa xadka haka baxdo. 3kalar baa yaala meesha ….

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Yasmin Abdulahi says:

    Asc walalo waa ku salmay salata islaka inta ka dib walalo wax qaba suaal wax Rabay inaaad i so jawabto ama talfokag ii so qorta amba an ku so qoro waa kaas liga 0734854770 mahsanid waa ka war sugaye in shalah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. kaftan says:

    waa in ladhadhanshaa macmacaanka sadaxdooda haddii midabkeena laga macaado waanala cunsuriyeeyay lakin hadaN isku wada dhadhan nahay qalad majiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0