Madaxweynaha Somalia oo booqasho ku imaanaya Sweden

Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud ayaa maalinta arbacada ah ee bisha Maarso ay tahay 2 booqasho ku imaan doono wadanka Sweden qaasatan magaalada Stockholm. Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doona raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven iyaga oo ka wada hadli doona taageerada ay Sweden siiso Somalia iyo sida loo kordhin karo.

Wafdiga madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doono wasiirada Teknoolojiyada iyo Horumarinta magaalooyinka Mehmet Kaplan, wasiirada deeqaha caalamiga ah Isabella Lövin iyo agaasimaha Hay’ada SIDA ee Sweden u qaabilsan deeqaha caalamiga.

Inta uu booqashada ku joogo Sweden ayaa madaxweynaha waxa uu sido kale la kulmi doonaa afhayeenka baarlamanka Sweden Urban Ahlin iyo boqorka Sweden Carl XVI Gustaf oo qasrigiisa ku qaabili doona madaxweynaha.

Dhamaan waxyaabaha ay ka wada-hadlaan labada masuul iyo booqashada madaxweynaha waxaad kala socon doontaa Somaliska.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Bashiir says:

    Xassan shiikh si aad ah ayuu ugu fashilmay amniga iyo soo celinta dhaqaalaha somalia booqashadiisaan waxaay u faaideyn doontaa kaliya dadka uu lacagaha badan ka qaatay oo wafdigiisa kusoo dari doona si ay swedan iskaga dhiiwaan waxan leeyahay dadkaasi kuso dhawaada swedan isdhiiwis wacan

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 6

  2. Aqyaar says:

    xassan sheekh maxamuud amuu iska dhibaa Migrationcka aqyaareey ? qaxooti ahaan amuu isku dhiibaa, hada waxuu u joogaa sweden si oo lacagta qaxooti celiska ku qaadan lahaa, sidee uu sameeyay markoo jarmalka oo joogay.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 7

  3. Kabtan matii says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  4. fadumo yusuf says:

    yaa ninku soocad badana malinkasta waxa uu sii saranyahay iiyarad mie inta uu ku fadhiiyo korsiga ayuu ka faidaysanaya maalinkasta muqdisho waxa kadhaca qaraa wana kamaqanyahay waddanka . mida kale waxan waar hoose ku maqlay in uu heshiis hose lagalayo daawlada sweden oo laceelinayo dadkii waxa uu yiri ayan maqlay wadaankii inna waa alshabaab ina waxay gashaay yurub ee waa muhiib in aan sowada ceeliya laakin maa huubo waa hadal aan ku maqlay xaan xaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  5. Sharmarke says:

    Ma imanayo Xasan shiikh waa u baaqday

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  6. Sharmarke says:

    Sabab qaraxyada somali ka jira dartod

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. jimcaale22 says:

    mudana madax weeyne ku soo dhawaaw Sverige hadii ay nacda in wax lagaa weydiiyo
    qaxootiga arintooda fadlan ha ku fududaanin in aad dhahdo Somalia waanab taas danbigeeda adiga ayaa ka mus,uul ah illahii ku awuurtay kabaq ee runta sheeg maanta muqdisho xaalkeeda waa iskacad yahay waxaa ugu dan beeyay qaraxii kadhacay Hotel syl 2016/02/26 .
    waxaa ku geeriyooday 26 qofood ilaahey ha u naxariisto in tii ku geeriyotay oo dhan 6 qof
    oo kamid ah waa askar 20 waa dada shacab ah marak waxaa dhahay dowlada somali marka ay lakulmaan madaxda caalamka waxay dhahaan al shabaab madilaan dadka shacabka ah lakiin markii uu qarax dhaca dowlada somalia waxeey idaacadaha ka sheegaan in qaraxaas lagu laayay dada shacab ah mar waa su,aal al shabaab ma dowlada kaliyah ayuu qaxiyaa mise qofkuu doona ayuu qaxiyaa tusaaale ahaan xeebta liida ma saldhig ciidan miyaa isku soo duub aniga waxey iltahay in ay dowlada Somalia ay ka dhigan rabta mashruuc lacag raadis ah qaxootiga in dibloosoceliyo si ay lacag ugu qaataan dowladaha reer galbeedka ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Xasan sheekh waa damiir laawe walahi, war ninku muyuusan xishoon oo uusan alle aqoonin. Xasan waa wax dhintay. Waxaa lagu leyahay madaxweynaha somaliya. Somaliya iskaba daayee muqdisho oo uu isaga dagan yahay xataa amni maahan oo damiir xumadiisa magaalada muqdisho ayuu amaan ka dhigi waayay. Madaxweyne afka ayuu ka yahay mooyee waa mid dhintay oo suufi ah. Hortiisa hadii dad somali lagu waayo wuu qoslayaa, Lakin hadii kenya ama itobiya dad laga dilo wuu ooynayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. waxaan ugu baaqayaa somalida dagan sweden gaar ahaan kuwa stockholm inee banaanbaxyo kala hor tagaan xasan damiir waaye. Ileen wuxuu usocdo waan ognahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0