Magaalada Borlänge oo ka qaylisay Soomaalida

Magaalada Borlänge ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku soo guuray Soomaali aad u fara badan oo u badan dadka cusub. Kamuunka Borlänge ayaa soo dhaweyn u fidiyay Soomaalida iyadoo hada la filayo in dhowr boqol oo kale ay halkaasi yimaadaan ka dib marka lala mideeyo reerahooda.

Duqa magaalada Borlänge Jan Bohman oo aan horay cabasho uga keenin Soomaalida, ayaa hada afkiisa kala furay oo dowlada ugu baaqay in uusan kamuunkiisa daryeeli karin soo galootiga cusub ee aan waxbarashada lahayn, kuwaasoo uu ku tilmaamay dad kala bar aan wax qorin waxna akhrin (isagoo ula jeeda Soomaalida).

Codsi loo diray dowlada oo ay ku saxiixan yihiin gudoomiyaasha 20 magaalo oo ku yaala Sweden ayaa waxaa afhayeen looga dhigay magaalada Borlänge. Cabashada ayaa ah in lacagta dowladu ay bixiso ee loogu tala galay labada sano ee hore aysan ku filnayn, maadaama dadkaan aysan inta badan waxbarasho lahayn taasoo keeneyso in marka labada sano dhamaato ay ku soo noqdaan sanduuqa cayrta kaasoo kamuunada ay jeebkooda ka bixinayaan. Waxaa kale oo ku jira cabashada in dadkaan ay caruur badan wataan taasoo u baahan in la dhiso xanaanooyinka caruurta.

Duqa magaalada Borlänge ayaa sidoo kale ugu baaqay kamuunada la dariska ah ee gobolka Dalarna in ay soo dhaweeyaan soo galootiga oo guryo siiyaan. Dadka cusub ayaa inta badan doorta magaalada Borlänge halkaasoo ay ku noolyihiin Soomaalida kale.

Iyadoo hada ay bilaabatay imaashaha Soomaalida lala mideynayo qoysaskooda ayaa hadana waxaa soo ifbaxaya sida aysan ula dhacsaneyn kamuunada Sweden arintaas. Kamuunada ayaa dareemay in aysan faa’iido ugu jirin soo dhaweynta Soomaalida oo ay ka cabsi qabaan in ay carabka u dhigtaan sanduuqa cayrta.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. salim says:

    walal waxan u arkaa arinkas saxtahay oo been anlagushegin waxan kamid ahay dadkadagan hada magalada lasheega wana kaxumahay inan kafirsan weyno waxa nagul nacayo oo aykamid hiin kala noolasho ismaqabno iyo erayakale oo badila oon kensanay anaga ee somaliyey

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  2. xeebeste says:

    war soomalida waa xeywaano walahi, hebelaa daganm ee aan ka ak dhawaada ay isugu imaadaan walahi, dantooda ma yaqaanaan, war yaanan leedin nicin ee kala fogaada:(

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  3. omar says:

    Asc ramadan kariim aniga waxan u arkaa in ay tahey muujin in ay nagu nacayan diinteena iyo midabka swedena waa wadanka ugu cunsuriyeysan aduunka maxa marmarsiiyo keenay malin walbo meel hebel ayaa sidaa laga sheegay may kaso yeeraan hadaladan wadamada kale ee soomalida ku nool yihiin maxaa ku koobay scandevianka waa dad weli ka danbeeyo aduunka kale waxaase wanagsanan laheyd in ay naga bixiyan faraha ay naga qadeen maxa uga galay in caruur ee aan heysano wlhi uma baahnin cayrta ay sheegayan ee may dadka u ogoladaan shaqooyinka shaqo kuuma ogola cayrna kuma ogola waa ha dhiman hana nolaan waana waxa looga cararaayo markii laga helo passporkooda weyn waxaa idiin leeyahey in aadan is caayin waayo waxa ay ku raaxeysanayan caaydeena wax dhaliil ahna kuma lihin waayo hadii laka fogaado weli waa ay jireysaa in wax nalaga sheego marka waxa idiin kula dardaarmaa in aan anaga isku duubni sameyno kana mudaaharaadno shaqo la aanta iyo in anaga aan hal mowqif yeelano wabillaahi towfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  4. Massago-- says:

    Dharayga kuleelka xaaka keenay may maree Borlänge sheekadaas may bilowday irid walbo waala oodtay Ilaa tan Allaah subxaanahu Watacaalaa ma,ahee aan ku ducesano inaan wadankaanya dib ugu naqano nabadana Allah kabarino dharadan laheyn dhaxan kaama celsho horay loo yirie

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  5. Somali dhab ah says:

    waa sax waxuu sheegaayo waa jirtaa cunsuriyad laakin maxaa somali kali ku koobay cunsuriyada sax ma ahan taas hadii aad tagto wadan kale waa inaad isku daydaa inaad laqabsato wadanka cusub maahan waxii aad kasoo tagtay inaad wali isdabo wado umana jeedo katag diinta iyo dhaqanka no ee waxaan kawadaa wax baro jaanis ayaad heesataa haku tasha cer sida badan somalida yeelaan. anigaindhahaygaana ku arkaa maalin walbo oo waxaan deganahay tuulo 30 daqiiqo u jirto wax somalina waxaa ka dagan aniga hal famil bas ajinabigana lagama necbo shaqona waa buuxdaa hadii aad afka taqano waxyar oo leedahayna körkort marka somalida meeshaas ku nool waxay u maleeyaan wali inay somalia ku noolyihiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Xamza says:

    Asc:dhaman? Hadan kahadlo aniga fikirkeyga, somaliyey halmid masamen karna o loga baxo caqabadan indhaha swedeshka iyo tan calamka nagula tusay o ah in anan dad waxbo an taren o cer iyo tuksi le unol in an nahay aya adunka nagala aminiy tas waxan ku,ba bin karna anago mudaharad subino o borar waweyn kusoqorano NO,CEER marabno lacakta dowlada e waxan rabna, SHAQO IWM, xata hanaga ahato qawda maqashi ilen ayagaba sasey nagu wadane si xata mushtamaca nogufahmo dad certa lagu qasbayo o an rabin kana jecel in ey cunan waxa ey shaqeystan xata ado certa qadanayo ayat markas kanabadgale ilen shaqo kumahayane’

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. Dadeyare says:

    Xamza wlh warunta ALLOW caqliga hakaqadin’ halmarle hadi tv yada iyo jornalada lagu soqori laha wlh cebtan wan ka bixilahen o gudomiye danbe oranlaha sas majirto ilen dadki shaqo umahayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. fatima says:

    xamza guuleeyso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. madiino says:

    waxaan u malaynaa in ay ka dam beeyaan dad soomalida xaasid ku ah ilaah laakin dhagartooda kamagan galnay laakin waxaa ila fiican soomalida si walbo ooy shaqo ku heli lahayeen inay ku dadalaan si aan ceerta loogu eer sheegan waara yigeeyga wcs.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Cabdi says:

    Weriyaha la yiraahdo jimcaale ee qora websetkan somaliska inkastoo uu warar badan oo waxtar leh hore u qoray haddana waxaad moodaa in uu hadda la soo baxay dabeecad ah in uu soomaalida toosh ku ifiyo oo uu wixii xunba yiraahdo soomalida ayaa loola jeedaa wararka uu dhawananahan qoraana waxay u badan yihiin niyad dil ah oo aad moodo in uu ugu talo galay dadkan masaakintan kala maqan in uu niyada kaga dilo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  11. Abu Xudayfah says:

    Jimcaale Yaan Eeda Dusha laga Saarin”

    Oo ma runtabaa diideysaan , Jimcaale waaba walaalkeen , waxa nagala sheegaa noo soo TURJUMAY oo waqtigiisa geliyee .

    Maxaad ka ogtihiin waxa nagala qoro , ee wabseetyada swedhishka soomaalida looga qoro !!? Alla maxaad ka ogtihiin , wallaahi waad tacajubeysaan waxa nala qoro , inbadan ayaana ka saxa , maxaa yeelay maadnan ARAG NIMANKA soomaalida ee darbiyada tuuran ee orinaa sidii dhalinyaro DHAANTO tumee !!

    Ma beenaa taasi , walba guryahooda mey galaan , maxaa shaaricyada iyo suuqayada tumay . Akhyaareey waxyabaah nagala qoro soo aqrista jimcaalo waxaaas nala sheegaa ayuu soo turjumay e

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. Diirshe says:

    uma arko cunsuriyad qaylada duqa kasoo yeertay ee waa fariin dhiiragelin u ah soomaalida cusub ee fresh-ka ineysan qaadin dariiqii soomaalidii sweden kaga soo horeysay ee weli ceyrta qaata 30 sanno iyagoo jooga duqa borlange wuxuu la rabaa soomaalida cusub ee imaaneysa iney ula falgalaan sweden sida soomaalida Maraykanka ee isku dabara ganacsi furasho iyo muruqmaal heer ay gaareen iney suuqyo caana yeeshaan sweden dhoor mar bay khubaro u dirtay maraykanka soo darsa soomaalida cusub sida ay ula qabsadeen wadankaas lacagta ceyrta ee gumeysiga isaga iloobeen walow ceyrta mareykanka ayba u badan tahay wax la yiraahdo Foodstamp boonooyin aad dukaanka cuno kaga iibsaneyso waxaan oran lahaa Soomaalida cusub ee fresh-ka ku ah Sweden iney dadaalaan weji cusub oo ka duwa 30 sanno sano ceyr la saarnaado looga gudbi lahaa loona noqon lahaa ajnabigii ugu badnaa sweden ee sida ugu wacan ula jaanqaada isdhexgalka iyo dhaqamada kala duwan wadan ixtiraama, bulsho u badan canshuur bixiyayaal hadey soomaalida noqoto waxaan hubaa iney soomaalida booska ka saari doonto ajnabigi kaga soo horeeyey sida turkida iyo griiga oo sumcad dhan kasta ku leh sweden heer tvga sweden laga siiyo saacado akhbaartooda iyo arimahooda bulshada looga wada daawado sweden oo dhan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. duraan says:

    asc ramadaan kariim arintaan waa arin sax ah somalidana waxi gala ineey ka soo baxaan iska daaye xataa lagama yaabo 1000 sano ineey 100 qof inta ku baxday soo celiyaan tan dadka aar eey ku andacoonaayaan ee diintana dad naga diin wanaagsan oo naga diin jecel ayaa ku nool swedan iyo caalamkoo dhan mana haysato wax mushkilad diimeed ah wax kastoo ku imaadana ayakaa xalista marka nin raba inuu cayr iska qaato yuusan ku marmarsiyoon diin teeda kale somalidu miyeeysan ogeyn diinta dhabta ah ee eey haystaan ineey tahay qabiil swedishkana ma yaqaanaan qabiilka marka somali wax ma qabsato eedna ma dayso qofka haduu gartiisa qaato waa caaqil lkn waxbaan ku cayaarayaa hadana waxaan leeyahy diinbaa la igu haystaa war swedan waxaa si sharaf leh ugu nool dadkuu ka dhashay rasuulka calayhi salaatu wasalaam cid wax udhinta ama u dhimi karta majirto sababtuna waxay tahay islaamka ku noolswedan ee wadamada kala duwan ah marka laga reebo xoolahaan kia dhalanay weey isku duuban yihiin anakana 1000 omunity oo jufo jufo ah ayaan nahay marka ha fiirinina cabashada dowlada ee fiiriya saad u dhaqmeeysaan teeda kale dad furiinka ka raadiya ineey cayr ku helaan inaan nahay waan is ognahay ee maxaan uga gilgilaneeynaa oo aan u leenahy diin ayaa nalagu haystaa war diinta beenta ka daaya diina ma haysanee hadii akle allah haloo noqdo ood uliga halaga baxo wasalaamu calaykum

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. XAMZA says:

    Asc/ dhaman, TO:JIMCALE?WALAL salan kadib aaway barnamishki, hallow somaliska, ma dhamaday mase cilad ay gashay ado mahadsan? Wayo wuxu aha barnamij ad u quruxbadan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Run Sheeg says:

    waa salaamamtihiin dhamaan markaan aqristay dhamaan datka waxey soo qoraayaan waxaan u mooday in ey datkaan somali aheyn oo ajanabi ey yihiin waxaan la yaabay datkaan waxa qoraayo idinka oo dhan ayaa ceyr qaadatiin yaawaaye datka aad haaysataan ma soo maali kale ayaa jirta oo ceyr qaadato waa cajiib isku xishooda marka hore waxaa dhahdan aan ceyrta iska daayno oo aan shaqo raadsano sidaas soo qoro ,teeda kale ilaa qiyaamaha lee dhacaayo maahinee ma is badaleysaan soo maaliyee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. gabar somaliyeed says:

    Sc wr wr dhamantiiin, Ramadaan kariim dhamantiiin ilaahay soonkeena iyo saladaba haynaga aqbalo hadaan intaas dhaafo oo aan fikitkayga usoo dhaadhaco waxaan dhihi kara arinkaas laga dhawajiyey waa arin jirah oo dhamaan dadku wada ogyihiin. walalahay somaliyeed hadeynu tusno bulshada aan ku dhexnoolnahay inay nahay dad shaqeysan kara oo xoogoda cuni kara aan cayr u fadhin yaa ina nici laha yaa ina karahsan laha ???? Dhibatadu waa in somalidii inyar oo fakareysah mooye cayr looso tafa xayty war heedhe hadeynu intey wax barano oo aynu bulshada dhinac ka galno jaaniska leyna diiyey ka faaideysano yaaa inaga ashtakoon laha yaa ina dhihi laha waa xataa dadan wax qori karin wax aqrin karin ???? Wallh wxad arkeysaa 20 jiroh ku fakaraya inuu kunooladu cayr intuu ku noolyahay wadanka oo aan xata kafakareyn inay wax bartaan jaaniska ka faaideystaan oo ay xoogooda cunaan wadankooda maanta baahida weyn u qabah wax ku siyaadiyaan ….war iyo dhamantiis waxan ilaahay inooga baryaaya hadey somali nahay inuu ilaahay nasteexo inoo soorogo oo inaga dhigo dad dantooda yaqaan oo ayhooda iyo dalkooda ka fakaraayah noloshoodanah ka fakarah iyo mustaqbal fiiican inshaa allah aamin …. war dhalinyaroy waa iga talo war wax barta aduunka dhinac ka raaca war cayr haku xisaabtamina idinkoo 20 jiroh ah mustaqbil iyo aduunyo dhan idinka horeyso hadiii aad nolataan war dal idin maahan ayaad ka timaden war dad baahi weyn idin qaba ayaa idinka dameeyah dadaala dadku ina nici mayaan eh oo waxaad tihiiin tusa iyo dad noolo naf ku jirto waxnah qabsan karah inshaa allah janadii ayaa inoo balan ah dhamanteen wcs wr wb 🙂

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. farxiya says:

    asc jimacale wallaal wxan raba in an ku weydiiyo in dadka joga itoba laga qadayo lafo masax baa arintaas qofkii dhig maraa malaga yabaa in lafo loo soo tuuro asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. abshir jarmalka says:

    asc,, umada somalida ha iska dulqaadato dhibaatada qurbaha ? waayo gaalada waxaa nooga daran kan somaliga ee wadanka bur burinaayo,, oo dhibkaan noohorseedey,, sharci ayaad ka doodeeysaan ,, caruurteeyna ka waran bal ,,halkaan ayeey ku lumeen,, sory jimcaale sxb taasi dib u eeg walaal,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0