Magaalooyinka ugu nolosha fiican aduunka oo la soo bandhigay, kaalintee gashay Stockholm

Dhawaan waxaa la soo bandhigay magaalooyinka ugu nolosha fiican aduunka, kuwaasoo lagu qiimeeyay dhinaca dhaqaalaha, saxada hawada, isku socodka, guryaha iyo nolosha habeenkii. Sanadkaan ayaa kaalinta 1-aad waxaa qaaday magaalada Tokyo ee caasimada Japan, iyadoo ay kaalinta 2-aad gashay Berlin, Germany iyo sadexaad oo ay qaaday Vienna, Austria.

Caasimada Sweden ee Stockholm ayaa sanadkaan hoos u dhacday, iyadoo sanadkii hore gashay kaalinta lixaad balse sanadkaan ayay gashay kaalinta 10-aad. Sababta keentay hoos u dhaca ayaa lagu tilmaamay in ay adagtahay in laga helo guryaha.

Guud ahaan waa kanaa 10-ka magaalo ee ugu nolosha fiican aduunka ee uu diyaariyay wargeyska Monocle.

Tokyo, Japan

Berlin, Germany

Vienna, Austria

Copenhagen, Denmark

Munich, Germany

Melbourne, Australia

Fukuoka, Japan

Sydney, Australia

Kyoto, Japan

Stockholm, Sweden

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Ahmed Ibrahim Hassan says:

    Wad mahadsantihin wa wax loo bahanyah yahy inan helno web ka hadlaayo arimaha aduunk balse mogadishu ka wrnama iyadana magalooyinka logu bahi badan yahy intey ka gashey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  2. luul says:

    asc
    ninkan leh muqdisho yaa ka baahi badan waxan u sheegayaa in eysan baahi ka dhicin weliged muqdisho lkin baahi wexey u qabtaa amaan iyo xasiloni waxan alle weyne uga baryayaa dadka diidan in caasimada soomaliya ey nabad ka dhacdo iimaanka iyo caqligaba in illaah u soo celiyo maxa yeelay geed ey saaran yihiin ayey salka ka goynayaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. Osman says:

    Sxbow way kaamaqantahay muqdisho majirto magaalo kanolol wanaagsan dunida hawada iyo nolosha waa beelo kaliya amniga ciilaayo waa magaalo maskin u kaalmays

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. massago says:

    Qiimayskaan looma dhamo.. lkn dadka dhahaYo muqdisho baahi ayaa kajirto saa been aan salya raad laheynn aduunka waxay kagaled mqdsh kaalimaha sare hadii amni laysku haleey karo lahelo inkastoow hada so ifaaayo bilicda allaha no hagaajiyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0