Magangalyo doonka oo ka mudaharaaday xaalada deegaanka [Video]

Magangalyo doon ku jira xero ku taala tuulo lagu magacaabo Glava oo ka tirsan kamuunka Arvika ee gobolka Värmland ayaa ka mudaharaaday xaalada nolosha ee deegaanka ay ku noolyihiin.

Magangalyo doonka oo isugu jira wadamo badan oo ay ku jiraan Soomaali ayaa waxay xireen wadada gasha tuulada Glava mudo dhowr saacadood ah, iyagoo warqado ku qoran English ku soo bandhigay cabashadooda. Booliska ayaa loo wacay iyagoo markii dambe si nabad ah u baneeyay wadada.

Mudaharaadka ayay magangalyo doonku sheegeen in xaalada nolosha ee dhismaha ay deganyihiin ay tahay mid aan wanaagsanayn iyagoo hal masqul ku wadaaga 18 qof iyo qololka oo 6 qof lagu deganyahay. Waxaa intaa dheer in goobta la geeyay ay ka fogtahay magaalada. Sidoo kale waxaa jira xamaasad ka dhextaagan qowmiyadaha kala duwan ee ay ka koobanyihiin soo galootiga sharci sugayaasha ah.

Laanta Socdaalka ayaa markii lala xiriiray ay sheegeen in ay soo booqan doonaan goobtaa balse arintaan ayaa ah mid aan cusbayn. Sweden ayaa sanadkaan waxaa iska dhiibay dadkii ugu badnaa iyadoo aan xitaa guri loo hayn dadkii sharciga qaatay. Dadka mudaharaadaya ayaa u muuqda kuwo aan la socon xaalada soo galootiga ee wadanka imaanaya.

Si kastaba ha ahaatee, dhismaha la dajiyay magangalyo doonka ku nool tuulada Glava ayaa ah mid qiimo gaar ah leh, waa goob dadka Swedishka ah ay dalxiis u aadaan (slott) oo ay jecelyihiin.

Daawo Video

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. ayifka says:

    jimcale walalkis waan ku salamay salan kadib walalkis waxan ku waydina dadka aan waxana isku dhalin wax go,aan laga gaaray malahan miya hadise aan laga gariin maxa ila gudboon inan sameeyo madama aaan doonayo inan qofkayga dacwada u xaraysto plzzzz plzzz waaaa i muhim jawabtada walalkkis waa mahadsan tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. abdulkader says:

    asc jimcale waxan raba in aan kushego arimajo si aad adiga ugudbisid arimahas qafkii kushaqada oona awood uleh in uu ka hortagi karo
    1, safarada sweden ee itopiya ku kedahay waxa ka bilabatay laaluush
    2, qofkii aan dhibin 300$ dolar DNA lama soo wacayo
    3, waxey samesteyn wakiilo lacagta uqabto lana heshiyan dadka
    4, qafka ey laheshiyan waxey ka qadayan fel nambarka magaca oo dhameystiran iyo talelefanka ey lagals soo xiriti lahay.
    5. waxa heshiskas uu ka dhaxrya somali iyo itobiyanka .
    6,dadka waxa lagu dhaha hadad dhegtina xitaa idinka nilama qadayo.
    7, hadii lobahdo dadkas wa lahela namkoda marka waxan ka cosaneyna in ad si gar ah u firisid hada waxan naqalnay in dadkalawedi nayo dadka ey lacagta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. abdulkader says:

    ey soo siiyeyn waxana weeydinayan swedeshka.mesha jogan dadka laweydiyo waxa wayay dadka dhiiga marayan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Mustafa says:

    No like this house?

    GO BACK TO SOMALIA!

    NOT COME HERE TAKE SWEDISH MONEY!

    GO HOME!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  5. Nogger White says:

    Passar inte gratisboendet på herrgården herrskapet? För många djinner och för litet khat?

    Då kan det inte förligga någon akut fara för liv och lem där ni kom ifrån.

    Så, tack och adjö! Ut!

    UT!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  6. Cabdirisaaq says:

    Dadka waa imaanayaan Yurub waana in la qaabilaa, xaqooda ayaa ka maqan, waa la gumaystay, hantidoodana horay loo dhacay ilaa hadana la dhacaa, baxna ku bixi maayaan, waana in si wanaagsan loola dhaqmaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. honest says:

    Dadka halkaan la soo taagan laluush iyo balaya ka shekenya eeysan cadeeyn u heyn war heedha xishooda ceebtiina banaanka ha keeniina. allah ka cabsada wax waa la yiri iyo wan la sheegaayay tetsan dhibaata hor leh u geysa bulshada somaliyeed. Ma difaacaayay xuman hadey jirto lakiin hoos aan u xalina ceebteena na ogaaadaa aan baranay hala joojiya. cebtaada haadaad banaanka keento adiga mise waaalaalka kalo unbee dhibi hadeysan maanta ku dhibin beri unbee kugu soo laaban.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0