Waalidiin Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Malmö ayaa 2 gabdhood laga qaatay iyagiina xabsiga la dhigay isbuucii la soo dhaafay. Waalidkaan ayaa Sweden ku cusub oo wadanka soo galay 1 sano ka hor.  Reerkaan ayaa 4 gabdhood haystay ayagoo labo laga qaatay labada kalena Soomaali loo dhiibay ka dib markii ay diideen in ay la noolaadaan reer Irani ah oo markii hore loo geeyay. Reerkaan ayaa la ii sheegay in lagu haysto ka dib markii dacwo ay ka gudbiyeen labada gabdhood ee laga qaatay kuwaasoo la sheegay in ay u sheegeen dowlada in la dilo oo xijaabka lagu qasbo. Gabdhahaan la qaatay ayaa midi 16 sano jirtaa halka tan kalena ay 10 sano jirto. Qaar ka mid ah Soomaalida Malmö ku nool oo aan la xiriiray ayaa ii muujiyay sida ay ugu xunyihiin arintaan ayagoo ii sheegay in Soomaalida ku nool magaaladaasi aysan wax dhaqdhaqaaq la taaban karo sameyn ilaa hada. Ma ahan markii ugu horeysay ee reer Soomaaliyeed ilmahood laga qaato ayadoo isla bishaan magaalada Stockholm laga qaatay reer Soomaaliyeed 4 caruura iyagiina xabsiga la dhigay. Wararka ugu dambeeya ee aan ka hayno reerkaas ayaa sheegaya in hooyada la soo daayay balse aabaha uu wali xabsiga ku jiro. Soomaalida Sweden ayaa arintaan ku jahwareersan ayagoo ilaa hada ay ka dhaadhici la'dahay in ilmahooda la qaato waalidkana xabsiga la dhigo.

Malmö: Waalidiin la xiray ilmihiina laga qaatay

Waalidiin Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Malmö ayaa 2 gabdhood laga qaatay iyagiina xabsiga la dhigay isbuucii la soo dhaafay. Waalidkaan ayaa Sweden ku cusub oo wadanka soo galay 1 sano ka hor.  Reerkaan ayaa 4 gabdhood haystay ayagoo labo laga qaatay labada kalena Soomaali loo dhiibay ka dib markii ay diideen in ay la noolaadaan reer Irani ah oo markii hore loo geeyay.

Reerkaan ayaa la ii sheegay in lagu haysto ka dib markii dacwo ay ka gudbiyeen labada gabdhood ee laga qaatay kuwaasoo la sheegay in ay u sheegeen dowlada in la dilo oo xijaabka lagu qasbo. Gabdhahaan la qaatay ayaa midi 16 sano jirtaa halka tan kalena ay 10 sano jirto.

Qaar ka mid ah Soomaalida Malmö ku nool oo aan la xiriiray ayaa ii muujiyay sida ay ugu xunyihiin arintaan ayagoo ii sheegay in Soomaalida ku nool magaaladaasi aysan wax dhaqdhaqaaq la taaban karo sameyn ilaa hada.

Ma ahan markii ugu horeysay ee reer Soomaaliyeed ilmahood laga qaato ayadoo isla bishaan magaalada Stockholm laga qaatay reer Soomaaliyeed 4 caruura iyagiina xabsiga la dhigay. Wararka ugu dambeeya ee aan ka hayno reerkaas ayaa sheegaya in hooyada la soo daayay balse aabaha uu wali xabsiga ku jiro.

Soomaalida Sweden ayaa arintaan ku jahwareersan ayagoo ilaa hada ay ka dhaadhici la’dahay in ilmahooda la qaato waalidkana xabsiga la dhigo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. uma hani says:

    subaxanalah alle ayaan ka magangalnay sharta galada iyo dhibka eey wadan walaalaha ilmaha laga qatay waxan u rajeynin alle albaab dag adg ah u furo islamka ma guldaresto aduun iyo akhiraba anigana waan idin so duceyna insha allh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. dhool says:

    asc. dhamaan waxaa salamayaa qofkasta oo somali ah ,gaar ahaan hooyoyinka somali ,waxaa in sheegi lahaa hadaa hooyo somaliyeed tahay oo ciyaal heysato ,hadagin casimadaha ,ee dag magalo ciyalkada aad ka warqabi kartid,iyo meel ajanibiga ku badneen ,lakiin magaloyinka waa ween waa nagala nacay ,waa sidaan u argay in eey ciyaalka nuugu badbaadi karaan ,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Taladaada waa mid wanaagsan walaal, oo aan kula talinayo waalidiinta Soomaaliyeed. Magaalooyinka waaweyn qaasatan xaafadaha ay u badanyihiin dadka soo galootiga ah waxay guri u yihiin ciyaal suuq marka waa talo fiican in tuulooyinka loo guuro.

      waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado in waalidka ay ku xirantahay dabeecada ilmahaaga haddii aad ilmahaaga aad dhaqan wanaagsan barto. Insha Allah waxba ka halaabi mayaan.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. fuaad says:

    asc . waxaan dhamaan salamayaa walalahayga somaliyeed gar ahaan kuwa ku dhaqan wadankan sweden intaa ka dib waxaan aad iyo uga xumahay qoysaska laga qatay ilmahooda anaga oo qoskii hore ee laga qatay labada wiil la yaban ayaa midan kaelna ka daba timid markaa waxaan filayaa in layna cunsuriyadaynaayo markaa waxaan kula talinaa walidiinta somaliyeed in ay taxadr sameeyaan walalohoodaa laga qatay ubadkana ay garab istagaan ))))))))))))))) asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. mohamed says:

    asc dhaman rabi ha u naxariisto dhamaan muslimiinta meel walba oo ay joogaan gaar ahaan walaalaheyga somaliyed ee dhibatada ugu ba,ani ay hada dunida dusheeda ku haaysato waxaan dhihi karaa mar hadii la arkay dayaceena iyo in aanan haaysan cid dhoowreeyso xaquuqda aan ku leeynahay mushtamaca aan la noolnahay caruurteena iyo walaalaheeyn waxeey noqdeen kuwa u gacan gala in ay gaalo qaadato waa wax aad looga xumaado anigu waxaan ku noolahay wadanka sweden waxana daganahay halkaan muda 3 sano ah somalia ayaa waxaa iga jiro xaas iyo gabar laakiin markaan arkay nolosha aadka u xun aan kala kulmi karo wadankaan waxaan go,aansaday aniga oo jacel in caruurteeydna aanan is waayin aniga oo nool in aan ka noqdo dacwadii aan u furay reerkeeyga hadana waxaan safar ku sii ahay dalkeyga hooyo ilahey nabad ha iiga dhigii!!1

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. naciimo says:

    asc wan idinsalamya walhayga qaaliga ah aad iyo aad ban uga xumahay arina qabsatay walalheen ilahy haniga qabtoo gaalad sharkeeda xaybiya laah wa nimcal wakiil

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Gallad says:

    War hoooooooooooooooy
    Hoooooooooooy ,, Alla hobeeeeeeeeey hob hooooooooooobeeeeeeeey

    Halka Sartu ka quransatahaaaaaaaaan arkaaaaaaaayooooooo

    Hooooooooobeeeeeeeeeey !!

    Akhyaareey xaqiiiiiqda waa la iskama indha tiraaaan!!

    Ilma wax dacwaynaaa haddiiiiii la arko Guriga gadaaaaaaal haloooooooo eeeeeeego!!

    dhawrkaan arin unbaa sabab u ah
    1/ Waalidka oo aan Diinta aqoon ilmahana , uun si dhaqan ahaana ugu sheega !
    Tusaaale waxaa aw leeeeya Xijaaaaaaaabka qaaaaado !
    Ha dhigin , iwm!

    lAKIN UMMA aw sheegayo sababta ay xijaaaabka u qaadanayaaaaan!

    Ilmihiina ma garanayaan sababta xijaaabka loogu qasbaaaa!

    2/ Waalidka oo aan ilmaha si loo tarbiiyo aqoon ,uun kaliya afka amar ka siinaa!!
    War wallaahi meeshaan waa lagu wada qaraqmaa haddii aan ilmaha si Diiniyan ah loo tarbiyeen , waalidkuna aysan Diinta baran!

    Ilmahaan Soomaaliyeed ee Qurbaha 2 qaybood ayaa loo dhalaa oo ugu badan /1 Si sebred ah ama Garacnimo haa waa garacnimo waana sax waxba yaan la ila yaabin / imo xaaraan ku dhashay waaye Culumada sida ay ku Fattwoodeen Furiina kaftan ma galo e !! Mayee dhaha Gaalkaan lacag u qaadanaa !! Dhoohane yaa Gaalka sir ku yiri ?

    Iyo qaab banrbidrag loo dhalo oo lagu xisaabtamo lacagta lagu helaa!!

    Barnbidrag ayaaba canuga dhanba loo niyaystay!

    Heer aan maanta marayno marka aw qofku alaab kaa daynsanaa Dukaanka waxaa aw ku dhahaa wallaahi hade maalaan ilmo lahaa oo barnbidrag iima soo dhaco ee dayn ayaan ku dhiibaa!
    Maahi sida heblo hebel oo ilmo badan ma lihi .

    weli canug iima dhalan !!

    Cajab yaab badnaa !!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. saacid says:

    Asc dhamaan bulshada somaliyeed aniga fikradeeda waxaan aaminsanahay dhibaatoyinka na heesato qurbaha wee badan yihiin dalkeena ayaan kasoo tegney dal nagu cusubne waan imaaney dhaqan kale leh, waalidiinta somaliyeed waxaan kula dardaarmi lahaa iney bartaan sharciyada wadanka ayne ilmahooda si maskaxiyan ah ay ula dagaalaan ay jir dilka ka dhaafaan markas qof ka qaadan karto ilmahooda majiraan waxaan illahey ugu baryayaaa waalidiinta ilmahooda si xaq daro ah looga qaatey ay dib uhelaan..aamin..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. najma says:

    asc dhamaantina.waa ka xumahaay.in caruurta.laga qado waliidki dhalaay.lona geyo dad eyna garaneynin.hadana waliidinta somaliyeed waxaay uu badan yihiin.inaana ilmaha lala shekeysanin ama lala cajariin.oo cunugiba naxariisti waliidka ku yar tahay.ama cunugi ino guriga joga iyo inkale la kale ogeynin.waxaan dhihi lahaay.inti la xisaabin lahaay lacaag waa in caruurta la dareensiya waliidnimada,iyo galgaceylka.logana shekeyo lana baro diintisa iyo dhaqaankisa.mar marna la yiraahdo maanta banaanka ayaan ka soo qadeyneyna ama cawo cinema adeyna ile aduunya iyo aqiiro waa inla tacbada.ilmihi dhinaac kaasta laga gala.hana ila yabiina fikradeyda.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Massago says:

    waaka xumahay wlh dhibkaaas waxow qayb kayahay dhibaatada heesato fimilada kucusub wadanka Sverige iyo guud ahaan wadamada yurub

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Maanka says:

    ASC xaqiiqatan aad iyo aaad baan ugu xumahay mucjisadan rabaniya noqotay oo sonoqnoqotay baryahan danbe ilaheeey baan kabaryenaa in inga xijabo gaaladan iyo sharta aay wataaaan ubadkana alaha noo toosiyo waxkale oo lashego malaha rayi ahaane waxan dhihilahaa walidwalbaba ubadkisa sxb hala noqdo hana lashekesto si fikradaha wanagsan ubadku uqataaaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. alla aamin says:

    asc dhamaan wallaalah muslimiitaa gaar ahaan somalida. illaah ayaa mahad leh asgaa ayaan ku shugrineenaa qayr iyo sharba wixii noo yimaad. waxaan allaah ka baryaa wlalah ubad kooda laga qaatay ilaah ha uga soo qaada gacan cadaw eyeey galeen. mahan arinka illam aa ladilay
    ee waa ugaarsi lagu xalaaleysaanaayo ilmaha somalida.
    aniga waxaan daganahay norwey toluulo ka mid ah waxaa sxb key ayaa laga qatay carurti iyadoo la leeyahay waa idilay aabo eyeey ku dhahday cunugaaday waa 3 jir subxanalaah waaa nin diinta ku wangasan isaga iyo xaaskiisaba baritaan ki wuxu shegay in ilmihi oogdooda eeysan lahan wax jirdil ah 3 jir se luqdoo ku hadlo ma sii sheegi kartaa marka waa ugaarsi ee ilaah hana xafida allaah na caruurta somalida ee gaalada naga hasysta hanooga sooqaado meel waba ee ku haystaan ishaa allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. sam says:

    Caruurtan umaleen maayo iney dhaleen, waa dad beenben lagu keenay oo inta la so yareeyey o dadkoodi laga so kaxeyey la yedhi wan dhalniy.Ma ilmu aanad dhalin ba kula joogi…dadkan cusubna waxay urup oo haystan Janno oo waxay umaleyaan ina lacag lagu qaadaneyo.Ani soomali waxaan kula talin laha, ilmu aanad dhalin ha so kaxaynin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0