Booliiska Sweden ayaa sheegay in weeraro ka dhacay magaalada Malmö sanadkaan gudahiisa lagu bartilmaameed sanayahay dadka soo galootiga qaasatan dadka madoow, ayadoo weerarkii ugu dambeeyay uu shalay ka dhacay magaalada. Shalay ayaa 3 qof lagu dhaawacay magaalada Malmö ayadoo la sheegay in dhamaan dadka lala eegtay weerarka ay ahaayeen kuwo soo galooti ah. Wiil 19 jir ayaa loo xiray weerarkii shalay. Dadka lala eegtay weerarka ayaa sheegay in aysan helin wax digniin ah oo ku wajahan ayaga, ayagoo sheegay in weerarka lagu soo qaaday ayagoo danahooda iska wata. Weeraradan nuucaan ayaa dadka soo galootiga ah ku abuuraya walwal xaga amaanka ah, ayadoo sida caadada ah lagu tiriyo magaalada Malmö in ay tahay magaalooyinka ugu amaanka xun dalka Sweden.

Malmö: weerarada lagu hayo dadka soo galootiga

Booliiska Sweden ayaa sheegay in weeraro ka dhacay magaalada Malmö sanadkaan gudahiisa lagu bartilmaameed sanayahay dadka soo galootiga qaasatan dadka madoow, ayadoo weerarkii ugu dambeeyay uu shalay ka dhacay magaalada.

Shalay ayaa 3 qof lagu dhaawacay magaalada Malmö ayadoo la sheegay in dhamaan dadka lala eegtay weerarka ay ahaayeen kuwo soo galooti ah.

Wiil 19 jir ayaa loo xiray weerarkii shalay.

Dadka lala eegtay weerarka ayaa sheegay in aysan helin wax digniin ah oo ku wajahan ayaga, ayagoo sheegay in weerarka lagu soo qaaday ayagoo danahooda iska wata.

Weeraradan nuucaan ayaa dadka soo galootiga ah ku abuuraya walwal xaga amaanka ah, ayadoo sida caadada ah lagu tiriyo magaalada Malmö in ay tahay magaalooyinka ugu amaanka xun dalka Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...