Maraykanka: 30 Soomaali ah oo shaqada looga cayriyay salaada darteed

Magaalada Seattle ee dalka Maraykanka ayaa 30 Somali ah waxaa shaqada looga joojiyay ka dib markii la sheegay in ay shaqada ku tukadeen. Dadkaan oo u shaqeynayay shirkad lagu magacaabo Hertz oo kireysa baabuurta iyo basaska ayaa guud ahaantood shaqada laga joojiyay. Shirkada Hertz ayaa sheegtay in 2 sano ka hor ay kontrakti ku galeen in marka shaqaaluhu ay tukanayaan in loo xisaabinayo saacada.

Shirkada ayaa sheegtay in shaqaalaha la cayriyay aysan saacada xisaabsan oo kuwii saacada xisaabsaday aan la cayrin. Shaqaalaha ayaa sheegay in aysan shirkadaan horey uga dalban in ay saacada xisaabsadaan isla markaana aysan cahdiga ku cadeyn. Urur matalaya shaqaalahaan ayaa Maxkaamda Shaqaalaha dacwo u gudbiyay ka dhan ah shirkada Hertz. Shirkada ayaa lagu eedeeyay in aysan ururka shaqaalaha u soo sheegin in ay siyaasadeeda badashay.

Shaqaalahaan ayaa ka shaqeynayay airoboorka Seattle iyadoo dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya shirkada Hertz ee magaaladaasi ay yihiin inta badan Muslimiin. Waxaa kale oo la sheegay in shirkadaan aysan shaqaalaha siin daryeel caafimaad iyo fasax toona.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. xamdi sweden says:

    hadii aad shaqo aga tagto wax ku saabsan diintaada waxaa hubaal ah hadii aad ku samirto in Alle kuu sahlaayo meel ka fcn oo laguu ogolyahay wax kasta, marka salaada waa sadkii aaqiro, ( wadan aan muslim aheyn, wadan muslim ah oo burburay aya dhaamo noloshiisa ) taas waa dhab

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. farxan somali says:

    Hahaha xamfi sweden go back to somalia hadee saas tahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  3. xamdi sweden says:

    ofcourse farxaan lama huraanka waa cowska jiilal, one day inaa ku laabanaayo qalbigeega kama baxdo!!!! wadani.com

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. Aadan deeq says:

    gaalo waa gaalo markasta nacalatulaah walaalaha shaqadoda ku waayay islaam nimada iyo salada ay dukanyaan hadi xataa ay idinka raaligaliyaan ka taga shirkadaas lInsha’allah hadaad ku samirtaan waad liibaneysaan shaqo ka wanagsan waad heleysaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Otadheere says:

    Asc all muslim galada haka yelinina in ay didaan salada wad mahadsan tihin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Magaca...cabdala says:

    Asc walaalayaa ilaahay ayaa xaqa idin waa fajiyay ku adkaysta kuna samra gaaladu waa cadawga muslinka lkn walaahu yutimu nuurahu walaw kararihal kaafiruun…..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Samsam says:

    Ilaahyba faraj kale oo furi inshallah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0