Mareykanka: Soomaali dil loogu geeystay magaaladda Columbus ee gobalka Oohaayo

0

Magaaladda Columbus ee gobolka Oohaayo ee dalka Mareykanka ayaa waxa xalay lugu dilay dhalinyarro soomaali ah, halka qaar kalena lugu dhaawacay. Warbaahinta maxaliga ah ee magaaladaasi ayaa qortay dhalinyaradaas lugu soo weeraray guryahooda.

Allaah u naxariistii wiilashan soomaaliyeed ee la dilay ayaa lugu kala magacaaba Cabdiqaadir Cali Yuusuf,  Maxamed Cali Maxamed iyo Cumar Maxamed Cumar. Dilka dhalinyaraddan soomaalida ayaan la ogeyn cidda ka dambeeysa, mana ahan dilkii ugu horeeyey ee magaaladaas ka dhaca, dhawaan ayey aheyd markii isna halkaasi wiil soomaali ah lugu dilay.

Arrintan ayaa cabsi ku abuurtay soomaalida halkaasi degan, mudooyinkaan dambane waxaa aad u soo badanayey dilka loo geeysto dhalinyaradda soomaalida ee qurbaha ku nool.
Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here