Masaajid laga qorshaynayo magaalada Östersund

Muslimiinta ku nool magaalada Östersund ee ku taala bartamaha Sweden ayaa qorsheynaya in ay masaajid halkaa ka hirgaliyaan. Gudiga deegaanka iyo bulshada ayaa go’aan ku gaaray in la abuuro qorshihii lagu sameyn lahaa masaajidka.

Siyaasiyiinta magaalada ayaan inta badan ka soo horjeedin fikrada ah in masjid laga dhiso magaalada Östersund oo ah caasimada gobolka Jämtland. Arinta masaajidka ayaa u baahan in goloha deegaanka ee kamuunka ay go’aan rasmi ah ka gaaraan marka la dhamaystiro qorshaha. Qorshaha oo qoran sida goobaha macquulka ah ayaa hada loo soo bandhigayaa golaha.

Muslimiinta Östersund ayaa hada waxay leeyihiin lokal ciriiri ah oo ay ku cibaadeystaan, iyaga oo ka eedsheeganaya in qaasatan jimcaha uu aad saxmad u noqdo.

 

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. Aadan deeq says:

    Inta masaajidkaa dadaalkiisa wada allaha ku garab galo dadka luuqadaan aan ku hadlayo garanaya ee gacan kageysan kara ilaahey dartiis iyo maalinta danbe wax u baxsada insha’allah waa fursad qaali ah oo maanta aan heysano meel wax lagu baxiyana xaqiqatan waxaa ugu qeeyr badan guriga alle walalayaal aan dadaalno kheyrbadan ayaan inoo rajeyay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. abdiasis says:

    s.c.w.w aad iyo aad wax loogu farxo weeyaan dad muslimiin ah oo isu xil qaamay inay dhisaan baydkii alle . qofkii dhisaa guri alle dartii loogu cibaadaysto jannada ayaa looga dhisayaa guri . gaar ahaan waddamada gaalada ee aan ku noolahay waa muhiim inaan ku dadaallaa sidii aan ku badin lahayn masaajidda sababtoo ah ma jirto dowlad xil iska saaraysa masaajidda bal ee taa baddalkeeda wayba ka soo horjeedaan in la dhiso masaajid . qofki xilligaan adag iyo wakhtigaan adag u guntadaa inuu nooleeyo diinta ilaahay ajar dheeraad ah ayuu helayaa marka qof walbow xil iska saar khaasatan masajidkaas hadda la sheegay waa in aan loo kala hadhin dhisidiisa iyo kharashkiisaba . walaal wax hor marso adduunyada wax yar baad joogaysaye . ha isku hallaynin dhaldhalalka yar ee dunida . mar dhow waad ka tagaysaa . sdiii ay awowyaashaa iyo asxaabtii aad taqaanay uga tageen. wabillaahi towfiiq bye w.c.w.w

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0