Masaajida Sweden oo la siinayo lacag amaanka lagu sugo

Masaajido badan ayaa waxay dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay codsadeen lacag ay ku haagaajinayaan amniga xarumaha masaajidadu kuyaalaan. Qalabka loobaahanyahay ayaa ah Muraayado ad adag iyo Kaamerooyin.

Arintaani waxay kusaabsantahay naf bini aadan sidaas darteed waxaan xidhiidh lasamynay shirkad si ay u qiimayso waxii qarash ah ee galaya . Taas waxaa dhahay Samer Aburahmeh oo ah afhayeenka Masaajidka Uppsala hada kahorna laweeraray.

Kadib go áan baarlamaanku gaadhay waxay Gudiga hoose ee Taageerta diimaha ee loosoo gaabiyo magacooda (SST ) ugu deeqday masaajidada 3 malyan oo Karoon si wax looga qabto arimaha amniga masaajidada.

Waxay ahayd sanadkii hore markii masaajido badan oo wadankaa la weeraray ha ugu danbeeyaan dhacdooyinkii bishii December ee sanadkii tagay.

Weerarkii dhawaan ka dhacay Paris ayaa isaguna waxa uu abuuray cabsi wayn oo dhanka muslimiinta ah in ay soo weeraraan dad aar goosi ah.

Faafi mowduucaan

Abshir Anbashe

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. cabdiraxman duceysane says:

    Asc dhamaan dadka somalida Mida kale magaceyga waa c/raxmaan duceysane waxaan nafteda iyo to inaa ku bura rajeenayaa in loo duceyo dadkka somalida waxaa helay cudura badan ilaah ha ka qaado dadkan a ilaaa h ha Nabadeey ileen waxaan u nahay muslimiin mahadi ilaah ha gaartaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. luul says:

    asc
    taasi waa arin fiican oo dhiiri gelineyso muslimiinta wax weyna ka bedeleyso xaadadaha masaajidyada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. wanshe says:

    wa arin farxad leh waxan ilaah harajeyna in ey noqoto wadadi islamka cadawgisa loga taqalusi laha sumada muslimka ah iyadana waxan ushega iney noqoto umad lagu daydo ow nabad sameysa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. umu caaisha moskea says:

    Asc,fadlan mana siin kartaa cinwaanka heyaddan SST
    waxaa nahay Masjid la yiraa Umu Caaisha moskea oo ku yaal degmada Flen,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0