“Masaajidka Nässjo laguma qeybsan nidaamka qabiilka 4.5”

Sidaas waxaa noo cadeeyay gudiga masaajidka iyo odayaasha reer Nässjo. Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay isbuucaan warbaahinta soo gashay warar sheegaya in la soo jeediyay in maamulka masaajidka lagu qeybsado nidaamka qabiilka 4.5. Arintaas ayaa keentay cambaareyn weyn oo loo soo jeediyay Nässjo iyo dadka ku nool.

“Walaal ma jiro wax khilaaf ah oo ka jira masaajidka Nässjo. Waxaan nahay dad walaalo ah oo isjecel, hadalkaana waa been la faafiyay. Ma garanayno cida faafisay ee ka dambeysa” sidaa waxa ii sheegay Abdinadir Hassan Hussein oo ka tirsan gudiga masaajidka.

Horay ayaan ula xiriirnay shaqsiyaad ku nool magaalada Nässjo oo noo sheegay in uu jiro tuhun ku saabsan arintaas balse waxaa nala soo xiriiray maamulka iyo odayaasha masaajidka oo sheegay in arintaasi ay tahay been abuur laga faafiyay dadka Muslimiinta ah isla markaana aysan jirin cid soo jeediyay arintaas iyo wax khilaaf ah oo u dhexeeya Soomaalida ku nool Nässjo.

Dhawaan ayaa la doortay maamul cusub oo ay yeelatay jaaliyada Nässjo oo ah magaca lagu soo kireeyay dhismaha maaajidka. Doorashadaas ayay gudiga masaajidku ii sheegeen in ay u dhacday si wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, waxaan marar-badan u soo joognay in khilaaf badan iyo isqab-qabsi uu ka dasho doorashada jaaliyadaha Soomaalida.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Beelo says:

    Subxanllaah Waa Zaban Aakhir E Alloow Qatumada Notosi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Hanad says:

    Hal Talo ayaan kusiinayaa Maamulka Webkoow ‘ halko talo waxay Tahay in aadan qorin warar been abuura oo Fadhi Ku diriryada lagag sheekeeysto taasi waxay Sumcada ka ridaysaa Webkaaga’ waan aragnaa websido been mooyee wax kale Ku dhisnayn oo Ciidii ka Batay hadana in ay bilaa Sharaf yihiin oo aan LA rumaysan ayaa laisla qaatay oo Cid walbaa way ogtahy in waxoodu yihiin dhaqaale raadis’ waxaanan Ku odhan lahaa sida warkan oo kale aad hore ugu soo daabacad uu u beenoobay ayaa ka sala intaadan falin ka fiirso Bro. ASC

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. zakaria says:

    Asc waa ku salaamaay Salaan ka dib waxaa kuu sheegayaa waraa ben abuurka iska ilaali webkaaga sumcadiisa adigoo ilaalinaaya wa bilaahi tawfiiq teeda kale macaamiishaadana ee ku xiran webbsida ka raali geli waa hadaad awoodo waa iga talo

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  4. War aan raad laheenin ayaa meelaha leeskaaga soo qoraayaa waxaas waa ceeb sumcadda Webkaaga ilaasho maaha inaad wax aan jirin aad soo qortid HUBSIIMO Hal ayaa lasiistaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  5. Nyhet says:

    Taasi waxey kutuseysaa qof liito inaad tahay. Waxaadan hubsan oo aadan adigoo masaajidkaas laxariirin ayaa been soo qortay.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  6. Kulmiye says:

    Aflagaadada iyo xumaanta aad la daba joogtay somalida sweden joogtay hada waxee gaartay heer aad ka been abuurto masajidadi lagu cibaadeesanaye ee alle lagu baryaaye ninyhoow Webb kan leh
    Damiir xishoodo yeelo
    Sharciga saxaafadana baro

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. somaliya says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  8. toronto says:

    ayada oo aan la khab san . nin ka webset kan. ma la soo hubi yaay war kan xage uu ka imaaday ama suu ku heli karaa. ma la sii yaay hubsiino war kan. waayo isla daad shirka ku jiray aa la soo xariiray maamul ka webset ka oo dhahay qora war kaas waa arin meysha ka dhac day waayo nin kan ma dagano degan ka xage war uga imaan karaa waa qof shirka ka tirsan oo xanaqay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Abdisamad says:

    JIMCAALOOW HUBSIIMO HAL BAA LASIISTAA EE WALAALOOW INTAADAN FALINKAFIIRSO ..WAXAAN ULAJEEDAA ARINTAAS ISBUUCII HORE AYAAN BOGAAN KA AKHRIYI IN 4,5 MISAAJIDKA NASJÖ EY WAX KU QEYSADEEN MARKAAN AKHRIYI AYAAN AAD IYO AAD UGA XUMAADAY WAXAANA JECLEYSTAY IN SOOMAALI ANAN NOQON WALIGEEY HADII BAYTKII ALLAH 4.5 LUGU WASAQEEYI MAXAA INOO DHIMAN..LAKIIN ALXAMDULILAAH XAQI AYAA SOO BAXAY OO BAATILKIINE ILAAHAA JABIYI ALXAMDULILAAH..MARKE JIMCAALOOW UMADE KALSOONI AYEEY KUQABTAA WEBKAANEE KALSOONIDE ILAALSADA

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  10. Nässjöbo says:

    Shalay markaa warka lasoo carareeysay maxaa sidaan ugu hubsan weeysay…Sharciga Saxaafada ma dhigaayo in aad Web wuxuu qoray aad soo Kopiyeesa adoo hubin.
    Xataa warka hadii aadan hubin …waaa sida lo dhigay ayaa la raaciyaa si uusan bari kugu soo naqan warkaas..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Nässjöbo says:

    Du borde lära dig Medie lagar o regler. Jaaahil Jimcaaale madaxaa dab ka rabtaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0