Masjid cusub oo laga furay Göteborg [Video]

Khamiistii la soo dhaafay ayaa magaalada Göteborg xaafada Hisingen waxaa irdaha loo furay Masaajid cusub oo ay yeeshaan Muslimiinta halkaas ku dhaqan. Masjidkaan oo ay maalgalisay dowlada Sacuudiga ayaa waxaa ku baxay lacag gaareysa 67 milyan oo karoon.

Munaasabadii furitaanka Masjidka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo ay ku jiraan dad madax ah. Masjidkaan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay ee qaab masjid leh oo laga dhiso magaalada Göteborg oo lagu qayaaso ilaa 40,000 oo Muslimiin ah in ay ku nool yihiin.

F%C3%B6rsta%20b%C3%B6nen%20i%20nya%20Mosk%C3%A9n

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. C/kariim says:

    Maashaa Allaah waa guul u soo hoyatay Muslimiinta ku dhaqan magaaladda Göteborg, Illaahayna ha uga dhigo Masjid wanaagsan oo Aduunkooda iyo Aakhiradooda anfaca.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  2. hussein says:

    mansha allah waa wax ad logu farxo masaajidkaa ,
    ilaahay muslimiinta dhamantood qalbigooda ahysu soo jeediyo
    anagana nabad wadankeenii hanooga dhigo amiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  3. faysal says:

    masha Allah waa guul u so hoyatay muslimiinta Göteborg waxaana Rabi uga baryayaa in uu usaidiyo, lakinse aqyarey anaga hadii aan nahay reer Eskilstuna waxaa nagu so kalmesaan duco sababtoo ah umad kala socoto ayaa hal kaan ku nool, ALLAH u barya in uu heer kiina oo kale uu garsiyo insha Allah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  4. Aadan deeq says:

    asalamu caleykum dhaman walalaha musliminta intas ka dib Maasha’allah waa ilaah mahadiis hadii meeshaa masjid lagu cibadeysto ka hirgalay sidoo kale dadki arintan isku howlay ajar iyo xasanaat ilahey haka siyo howshan gesinimada leh ee ay qabteen sidaasoo kale walalaha musliminta ee baahidasi heyso waxan leyahay isku duubnaada oo isku kaashada wax la isku kaashado waxa ugu wanagsan oo guriga ilaahey ah si adunkina iyo aakhiradina uhagaagto insha’allah ilaah waxan ka baryaa in umada musliminta xaqa garadsiiyo wabilahi towfiif

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 2